|
GOLISNEWS
28-kii Maalood ee Dugsiga Barashada Qabyaalada iyo Wadcarahii Ay Dhigeen Ardayda Beeluhu Cajiib!! Qalinkii: Faysal Ismaciil Barre (Faysal Toosh) Tele 4404321December 4, 2012 - Written by editor
Dhinaca kale Waxay shaaca ka qaadeen Guddigu nidaamka kaltanka (Macnihii sida loo kala leeyahay Xiisadaha Buuqa,Qayladaiyo isku Orinta Ciyaalka waxaana meel loogu guray Waraaqo uu ku qonan yaay Bakhtiyaan Nasiib ka bilaabma 1-aad Ilaa 7-aad kan ugu horeeya ila ka ugu danbeeya waa la kala qaatay waxaa la galay diyaar garaw Culus iyo sidii ay koox waliba uga dhaadhinin lahayd reerahooda in codka ay ku celceliyaan hadaba aynu ku noqono bilawga qormadane.Salaadii Subax ayaa laga soo baxay waxaa la isugu yimid Maqaaxi ku taala badhtamaha Magaalada Hargaysa oo ah kuwa Shaaha laga Cabo Quraacdana Diyaariya Goorta hore Cirka ayaa huwanaa Daruuro Qurux badan oo Xanbaarsan Biyo u eekaa in ay hoorimaad yihiin jawiguna guud ahaanba wuxuu ahaa mid ay hadhaysay Neecaw iyo Ididiilo Nololeed waxaa laga dareemaayan wajiyada dadka in ay muuqato Rajo ka bedelen tii 6 Maalmood ka hor jirtay markaynu ka hadlayno dhinaca Saadaasha waxanay hadal hayeen Dadku yoomkaas 28/10/2012-ka Roobaba Miisaan leh oo ka Da,ay qaybo ka mid aha Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka qaarkood si fiicana loogu qabawsaday halka 6-dii Maalmood ee ka horeeyay Maalntaas aanay xaaladu sidan ahayn Dadka Maqaaxida fadhiistaana ay ka sheekaysanayeen Ifafaale Jiilaal iyo Abaar u bidhamaysay Garashada bani aadamka ee Liidata Talaba-se waa ta Alleh marwalban sida uu ka dhigo ayuun bay noqonaysaa waxaa soo baxay is bedel iyo cimilo roobaad Si kastaba ha ahaatoe akhriste way haboontahay waana lama huraan in marwalba Dadka Muslimiinta ahi ay ku Xidhnaadaan Allhooda Abuuray ee Arsaaq isla markaasna aynu dhaqan galiyaan amuuraha uu inagu adoonsaday iyo Cibaadooyinka la,ina faranhay ee Samaawiga ah Cabsida Ilaahayna waa mid ubaahan in la joogteeyo marwalba sida ay tahayna loo ilaaliyo hadana si-diisaba Subaxani wuxuu ahaa mid ay si Cajaaib leh uga muuqato Awooda Rabi een marnaba qarsoomini waxaan ujeedaa waxay ahyd Subax Mudan in aan waxa kale lagu mushquuline ilaa xuska iyo Digriga Alle (SWT) mooyaane Maxaase dhacay ee lagu Ilaabay Subaxaa Shugrigii Alleh Waxaa loo kal fadhiistay koox koox iyo Saf-saf waxaa la bilaabay Sheeko Xisbi iyo Reer hebel iyo Reer hebel kale Waxaa markiiba Cirka isku shareeray murankii Xisbiyada iyo hadal hayntoodii xaaladiin ayaa isu bedeshay Qabyaalada iyo Reero waxaa la bilaabay Xisbi helel ayaa Aroorta u leh oo lagu furayaa Tartanka Qabyaalada iyo Xisbiga Reer hebel baa ku xiga waxaa la isku cilceliyay oo maxay iska dhibayaa soo ma baxaayaane iyo keebaan soo baxay ma kaayaga? iyo weedho kale oo badan!!! waxaa soo batay dadkii arintina faraha ayabay ka baxday oo af-kii baa Xumaaday Raga baa Gacanta isu holaday Dadka Qaar Sheekada way ka midhiiqinayan (ka tagayaan) Dhadhan Xumaanteeda qaar kalena way soo galaynaan waanay la qabsanayaan markiiba ileen waa wax laabahood ku jira oo ka guuxayee waxba yaanan ku talax tegin wixii dhacay aroortaas ee ay Moodayeen haasaawah iyo kaftanka balse muujinayay heerka halista ah ee ay Gaadhsiisantahay Qabyaalada Iyo Naxliga Dalka yaalaa ee aan la garan Karin waxa ay ku dnbayn donto intaas aynu kaga gudibno wixii dhacay maalintaas maadaama aan lagu soo koobi karini Qalin Iyo Qoaraal midnabe Habeenkii danbe ee 29/October intii aan Salaada Makhriba la,Tukan ayay Hargaysi mar qudha isla Oogsatay Qaylo iyo Sawaxan Afarta Jihaba ka yeedhaysay waxaa la isu jiibiyay Heeso iyo Suxuunta Reer Galbeedka ee Astaantan u ha Ehelu Shaydaanka Casriga oo si darandoorir ah looga tumayay badhtamaha iyo haeeraha Magaalada sidii ayuu waagu ugu beryay dadkii hawshaas ku dhex jiray Cirka ayaa waabarigii danbe laga waayay daruurihii heegooyinka haa ee dul hoganaayay filashadii roobka ee la saadalainaayay ayaa meesha ka baxday Aroortiina si habsami ah ayuu u bilawday Tartankii Ardayda Beelahu ay ugu talo galeen in ay ku soo xushaan Raga ugu danbaynta ka mid noqon-doona 25-ka xubnood ee Maoamuli Doona Dugsiga Qabyaalada Imtixaanka kadib inkastoo ay keeneen Beeluhu Dad Tayo ahaan. u Liita hadan mid kastaaba wuxuu ku Riyaanaayay in uu Fuulo Kursiga ugu Mudan ee Golaha hadiiba uu soo boxo waxaanu ku fikiraayay sidii uu u noqon la,haa Duqa Magaalo Madaxda Beelaha ee iska tabcaansan walibana ay u Maamuli lahaayeen isaga iyo ku xigeenkiisu 23-ka Macalin ee ka soo Jeeda Jufooyinka kala gadisan ee Reer Hargaysa si kastaba ha ahaatoe waxaa la Guda Galay Hawshii Tartanka ee Groups-ka waxay ka koobaayeen 7 Kooxood tirada guud ee Codka beelaha doonaysayna waxay ahayd 175 xubnood,waana Hargaysa tiradaasi aynu soo sheegnay Group kastana marka laga reebo Masuuliyiinta sar-sare ee Maxatinimad Ateerada ugu jira waxay ka koobnayd 25 Nin oo kale loona soo xulay- in 2 ama 6 inta Ururka u soo baxdaa ay uga Qayb-qaataan Dhul Boobka Mustaqablka dhaw Dalka laga hirgalin doono waa hadiiba uu jiro wax dhul ah oo wali baaqi ah lasoco qayb danbe oo xiiso badan sabtida danbe Leave a Reply |
MAQAL/MUUQAAL
|
MAQAALLO XUL AH
|