GOLISNEWS

Barnaamujka siyaasadeed ee musharaxa golaha deegaanka Caasimada Hargeysa Xil. Khadar Xuseen Cali- Ilis (Khadar Bohosha)

Barnaamujka siyaasadeed ee musharaxa golaha deegaanka Caasimada Hargeysa

Sababaha igu dhaliyay inaan isu sharaxo golaha deegaanka

Waxaan ka dhiidhiyay horumar la,aanta magaalada Hargaysa oo ah caasimadii dalka somaliland iyo ka gaabinta xildhibaanadii la doortay 10 sano ka hor ay ka gaabiyeen waajibaadkoodii shaqo gabi ahaantii.
Waxa aan u adkaysan waayay 10-qodob:-
1. Lacagta laga guro dadka danyarta ah ee aan waxna loogu qaban
2. Nadaafad xumada iyo qashinka buux dhaafiyay caasimaddii
3. Bilic la,aanta aanay jirin dhir lagu beeray meelihii ku habboonaa
4. Waddo xumada magaaladii caasimada u ahayd dalka
5. Garoomo la,aanta bahda Ciyaaraha Haysata.
6. Daryeel la,aanta dadka danyarta ah
7. La,aanta xarumo ganacsi iyo suuqyo
8. Burburinta meherradaha dadka masaakiinta ah iyadoo aanay jirin wax loogu bedelaa.
9. Boobka dhulka danta guud
10. La,aanta dhisme iyo xarumo dalxiis iyo madadaalo
Markaan arkay dhibaatooyinkaas aan soo sheegnay oo qof kasta oo muwaadin ah oo danaynaya horumarka dalkiisa iyo dadkiisa uu dareemi karo.
Markaan arkay arxan darada calooshooda u shaqaystayaashu ku hayaan dadka iyo dalkaba .
Waxaan go,aansaday inaan u guntado sidii aan wax uga qaban lahaa dhibaatooyinkaas isla markaana aan shanta sano ee soo socda is bedel muuqda uga samayn lahaa caasimada dalka Somaliland ee Hargeysa haddii illaahay idmo anigoo la kaashanaya xildhibaanada kale ee layla soo doorto.
Qorshahayga Horumarinta Caasimada:
Anoo dabaqaya xeerarka iyo dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland isla markaana fullinaya barnaamujka siyaasadeed ee ururkan aan ka sharaxanahay ee RAYS. Lana kaashanaya xildhibaanada golaha ee la doorto.
Haddii aan ku guulaysto doorashada waxa ii qorshaysan inaan si masuuliyadi ku dheehantahay uga shaqeeyo
horumarinta adeegyada bulshada ee dawlada hoose

 Waxyaabaha aan xooga saari doono waxa ka mid ah:

• Bilicda magaalada: waxaan ku beeri doonaa dhir qurux badan dhamaan waddooyinka dhex maraba badhtamaha magaalada iyo meelaha laga soo galo si ay usoo jiidato indhaha dadka dibada ka soo galaya, ulana tartanto caasimadaha adduunka.
• Nadaafada caasimada: waxaan u guntan doonaa illaalinta caafimaadka bulshada reer Hargeysa iyadoo aan gabi ahaanba tirtiridoono qashinka anoo u samayn doona goobo lagu urruriyo xaafad kasta iyo hab casriya oo loo urruriyo.
• Wadooyinka: annoo ka duulaya habka caasimadaha adduunka iyo kuwa aynu dariska nahay waxaan u hawl gali doonaa dhismaha wadooyin badan oo isku xidha xaafadaha magaalada dhamaantood dayactirna loogu samayn lahaa kuwa jira.
• Garoomada ciyaaraha: waxaan dayactir ku samayn doonaa garoomada kubada cagta ee jira iyo inaan dhiso garoomo cusub oo isugu jira dhamaan qaybaha ciyaaraha fudud iyo kubada cagtaba.
• Daryeelka danyarta: waxaan wax ka qaban doonaa baahiyaha dadka danyarta ah iyadoo usamayn doono mashaariic shaqo abuuris ah iyo quudin sidii ay nolol maalmeed ku filan u heli lahaayeen, waxa kaloon isugu hawlidoonaa inay dadka aan lahayn dhul hanti ahi in la dejiyo dhulka danta guud ee dawlada.
• Gaabo ganacsi: anoo uga faa,iidaynaya dibna ugu soo celinaya cashuurta laga qaado waxaan dhisi doonaa suuqyo ay ku ganacsadaan dadka haysta meheradaha yar yar oo aan laga qaadin qax kiro ah maadaama ay cashuur bixinayaan.
• Dalxiiska iyo madadaalada: maadaama ay Hargeysa tahay caasimada dalka waxa lagama maarmaan ah inay yeelato xarumo dadku ku nastaan una dalxiis tagaan isla markaana leh qaybo madadaallo

kala xidhiidh musharaxa : 00252-2-4406391, ama 00252-2-4144744

halkan hoose ka daawo Heesta musharaxa oo si weyn u soo jiidatay guud ahaan shacabka iyo Taageerayaasha reer Hargeysa

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH