Waxaan la yaabay markaan arkay Maqaalo Taxane ah oon ku arkay qaarka mid ah Warbaahinta kala duwan ee ka hawlgala Somaliland,Maqaalada taxanaha ah oo uu qoray shakhsi aynu wada naqaano waa Boobe Yuusuf Ducaale ahaana Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Maqaalkan uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu ugu Magacdaray (Magacaabistaydii iyo Magaagistaydii laba isku Lamaana)hadaba Akhriste marka aad u fiirsado eed sifiican u dhugato Maqaaladan uu Boobe sida taxana ah u siidaayo macnaha iyo waxyaabaha ay ka hadlayaan waxaad fahmi karta in Macno ahaan ay hal u jeedo ka wada hadlayaan isla markaana ay u badan yihiin qaar isku nooc ah walaw ay jiraan in ay qaar aad ka dheehan karto arimaha ay ka mid yihiin,
(Hanjabaad,Faan,Calaacal iyo Mucaaradad hoosaysa ,hadaba aniga waxay ila tahay fikir ahaan in Madaxweynuhu Wasiiradda,Madaxda Sar sare ee Xukuumadda iyo Cid kasta oo uu Xilka u dhiibayo ama u Magacaabayo uu si wayn uga fiirsado gaar ahaan raga u xilalka Culus u dhiibayo waa in uu si taxadir leh uga fiirsado,hadii aan u soo noqdo Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu aha Nin Xilal soo qabtay haba ugu danbeeyo kii dhawaan laga casilay waxa weeyaan Nin isku arka in uu yahay Nin lagu jabay oo kaligii ah shaqsiga ugu fiican ah,leh Miisaan Sixaaso (kaligii SNM ahaa) isaga iyo intay is xigaan uun ay wax tahay,Qoraal Somali Pen laga Yaqaano,
Hadaba waxa Xusid mudan in Boobe yuusuf Ducaale wuxuu galay Rekoodhka ugu sareeya ee Wasiir la bedelay uu galo Rekoodhkaas oo ah in Wasiir Xilka laga qaaday uu sii xagxagto Xukuumaddii uu ka tirsanaan jiray isla markaana uu sirtooda u dibada soo dhigo taas oo ay waliba u dheertay mr Boobe in uu yahay Nin Hinaasi ah IWM,waxana nasiib daro ah qofka danbiga ka gala Dawladda oon sharciga la horgeynayn waxanaad mooda in laga xishoonayo ugu danbeyntii Wasiir Boobe waxaan kula talinaya in arintani tahay Bar madow oo gacmahaaga aad ku baabinayso Mustaqabalkaaga Siyaasadeed maadama oo Bulshada sida dhabta ah kuu taqaana dhaqan ahaan ,Qoraa ahaan iyo Siyaasad ahaanba ay wax wayn u dhimayso Maqaalkan Taxana ah eed warbaahinta ku baahiso kaas oo ka baxsan Anshaxa iyo dhaqanka Siyaasada Gaf weyna ku ah dhaqanka lagu yaqaano Siyaasada heer Caalami iyo ta Somalilandba,
sidaa darteed waxan ku soo jeedinaya in aad joojisid Maqaalka aad ugu magacdartay (Magacaabistaydii iyo Maagistaydii laba isku la maana)dhinaca kale waxaan leeyahay waa in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku gefta sharciga iyo Shuruucda dalka Somaliland oon cidna looga habranin Maxkamadna waa in la soo taago shaqsi kasta oo uu ahaado ama Qabiil kasta oo uu ka soo jeedo si Ashaxa sharci ee dalka u yaala loo mariyo,
Wasiiradda uu shaqsi ahaan ugu weeraray mr Boobe Yuusuf Ducaale waxa ka mid aha Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan oo runtii ah Wasiir u daacad ah shaqada uu Bulshadiisa u hayo in kasta oo ay jiraan dad Hagardaamo iyo dhaleecayn aan qaban Wasiir Xirsi ay la daba joogaan ku waas oo uu ka mid yahay mr Boobe,Md Xirsi waxaan u soo jeedinay inu iska Cafiyo Boobena uu ka waantoobo waxa magacdilka ku ah Taariikhdiisa iyo Magaca Bulshadiisu ku taqaano waayo Xilku waa Amaano marna waa laysu dhiiba marna waa layska qaada waana Sune Dawladnimo ayay ka mid tahay hadii Xilkii lagaa qaaday maaha Macnuhu in aanad Xildanbe qabandoonin laakiin waxaad qaban karta mid ka sareeya Xilka aad ka tagtay,
By Xildhibaan Maxamed Cali Axmed (khamriile)