|
GOLISNEWS
Caynaba News Oo Ku Guulaystay the Website of the Year Ee Websitska SomalidaDecember 9, 2012 - Written by editor
isla markaana qiimaysanaya dadka somalida ee wax lataaban karo ku soo kordhiya, kuwaas oo la gudoonsiiyo shahaado ay ku maamuusto sanadkiiba Hal Mar Xalay ayaa waxaa dhanka websayd-yada ku guulaystay shabakada caalamigaa ee caynaba news, taasoo loo aqoonsaday shabakada ugu fiican sanadka (the Website of the Year) halka uu Tv-ga universal ku guulaystay ka ugu fiican tv-yada somalida. Shabakada wararka ee Caynabanews ayaa kaalin dahab ah ka gashay sanadkan soo gudbinta wararka iyo barnaamijyada dadka iyo dalkaba faa’iidooyinka u leh. Taas oo loo garwaaqsaday inay noqoto mid ka af dheer dhamaan warbaahinta kale ee somalida. Iyada oo ku mutaysatay dadaalka dheeraadka ah ee ay u gashay sidii ay u soo tabin lahayd wararka dhex dhexaadk ah. Si kastaba ha ahaatee shabakda Caynabanews ayaa noqotay mida soo jiidadtay Shacabka afka Somaliga ku Hadla Una codaysay Inay noqoto the Website of the Year hay’adda qiimaynta shaqsiyaadka iyo xarumaha mutaystay abaal marinta guudka sanadka Waxaa kale oo dhanka saxaafada lasiiyey Abwaan Cali Seenyo oo isna ku mutaystay barnaamijka cawayska uu ka siidaayo HCTV dhanka kale Abuukar oo ka mid ah wariyaasha Tvga Somali channel ayaa isna Lasiiyey Shahaado uu Ku mutaystay barnaamijka Daldhis ee uu ka siidaayo TV Waxaa kale oo marka laga tago dhanka saxaafada shahaadooyin la gudoonsiiyey dad aad u tiro badan oo wax la taaban karo ku soo kordhisyey dadka afka somaliga Ku hadla Waxaan dib idiinka soo gudbin doonaa xafladan oo muuqaal ah Leave a Reply |
MAQAL/MUUQAAL
|
MAQAALLO XUL AH
|