GOLISNEWS

Ciidamada dowladda oo Jowhar qabsaday

Hargeysa(Golisnews)Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ay magaalada ku sugan yihiin ciidmaada dowladda oo ay wehliyaan kuwa midowga Africa ee AMISOM.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow, ayaa uga warama Cabdiraxmaan Koronto, waxaana uu sheegay in ciidamada ay hadda wadaan baaritaanno gudaha magaalada.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku diray in aysan ciidamada ku xadgudbi doonin dadwaynaha, isla markaana tallaaabo laga qaadi doono ciddii lagu arko qaladaad ka dhan ah bini’aadaminimada

Wuxuu intaas ku daray in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah al-Shabab.

kooxda al-Shabab wax war ah oo dagaalka ku aadan kama soo bixin.

Kooxda al-Shabab ayaa dhowr sano gacanta ku haysay magaalada Jowhar oo ah magaalo isku xirta caasimadda Muqdisho iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH