GOLISNEWS

Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac sabababay oo ka dhacay Widh widh

WIDHWIDH(golisnews)Shalay ayaa waxaa dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo dhexmaray maleeshiyooyin kasoo laabtay Taleex iyo kuwo hore ugu sugnaa  Tuulada Widh widh ayaa sabababay dhimasho inta la gyahay hal ruux iyo dhaawac aan la xadidin tiradoodaoo ka dhacay Widh widh.

Ilaa hada madhicin wax iska horimaad ah oo danbe waxaana hada arrinta gacanta kula jira waxgaradka iyo odayaasha deegaanka oo isku deyaya inay qaboojiyaan xaalada colaadeed ee keliftey dhamashada iyo dhaawaca.

Sida laga qarqabo Widh widh waxay kamid tahay meelaha hoos timaada degmada Buuhuudle oo ay ka taagantahay colaad iyo ishor fadhi udhexeeyA ciidamada Somaliland iyo maleeshiyo beeeed deegaanka ah oo kasoo horjeeda, hayaashee Widh widh waxay kamid tahay meelaha dadka deegaanku ay  taabacsanyihiin oo ay wadashaqayn leeyihiin xukuumada Somaliland. Taas ayaana keentay in gacan kahadalkani dhexmaro qolyo calamo sita oo kahadlaya maamul goboleed iyo dadka shacabka ah ee reer widh widh.

 

Golisnews,

Burco Somaliland

Golisnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH