GOLISNEWS

Doorashadii Deegaanka Oo Noqotay Tii Ugu Musuq-Maasuqa Badnayd Ee Abid Dalka Ka Qabsoonta, Komishanka & Xukuumadda Oo Masuul Ka Ah Fashilaada Dhacday

Hargeysa, (Golisnews) – Doorashadii golaha deegaanka Somaliland ee 28-kii bishii hore ee November ka qabsoontey dalka, isla markaana ay ku tartamayeen Laba Xisbi iyo Shan Urur Siyaasadeed ayaa noqotey doorashadii ugu Musuqmaasuqa Badnayd ee Abid ka qabsoonta Wadanka, taas oo noqotay mid wehel u ah Murano iyo khilaafyo horleh natiijo wal oo la shaaciyaba la socda. Sidoo kale doorashaddan ayaa ahayd doorashadii ugu horaysay ee ay qabato xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo mudadii ay talada dalka haysay, taas oo noqotey mid mad-madow badan ka muuqday, isla markaana dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan ay cabashooyin horleh ka soo yeedheen Murashixiintii isku soo taagay doorashada iyo ururada qaarkoodba, kuwaas oo ku eedeeyey xukuumadda, Komishanka iyo Xisbiga Kulmiye inay isku xulufaysteen boobida codadka doorashadaas laga dhiibtey. Si kasta ha ahaatee fashilaada ku dhacda doorashadan ayaa waxa u sabab ahaa wax isdaba-marin iyo ku noqnoqashada aan gabashada lahayn ee dadku ay ugu celceliyeen codadkii ay dhiibteen, kuwaas oo goobkasta oo codbixineed dadkii loogu talo galay dad ka badani ay ka codeeyeen, isla markaana meelaha laga soo sheegay in Sanaaduuqdii codaynta lala tagay guryo si Waraaqaha codbixinta oo sharci daro ah looga buuxiyo, halka gobolada sida Sanaag ka dhacday oo Cajalado VIDEO ah laga soo duubay iyada oo banaan lagu qaybsanayo Waraaqihii Codbixinta. Dhacdooyinkan doorashadda deegaanka hadheeyey ayaa meesha saaraya kalsoonidii bulshadda Somaliland ee xukuumada talada haysa, taas oo tahli kari-wayday inay dalka qabato doorasho xor ah oo xalaal ah, isla markaana ay kuwada qanacsan yihiin axsaabtii ku tartamaysay.

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH