Golisnews

Halkan Ka Daawo Taariikh Nololeedkii DUULIYE Sare Maxamuud Maxamed Kayd
Hargeysa(Golisnews)- Halkan Ka Daawo Taariikh Nololeedkii DUULIYE Sare Maxamuud Maxamed Kayd

Halkan Ka Daawo Xafladii 18 May Ee Dalka Turkiga
Hargeysa(Golisnews)- Halkan Ka Daawo Xafladii 18 May Ee Dalka Turkiga

Ciidanka Booliska Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga Utaxaabay Dad Haween u Badan
Laascaanood(Gollisnews) — Ciidanka booliska magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xabsiga u taxaabay dad haween u badan oo ku sugnaa guri ku yaalla bartamaha magaaladaas.

Dadkan ayaa la sheegay inay wadeen bandhig ay taageero ugu muujinayaan maamulka laga dhisay magaalada Kismaanyo ee gobolka Jubbada Hoose ee Jubaland sida ay HOL u xaqiijisay, Xaliimo Maxamed Cali oo iyadu ka ka mid ahayd dadkii halkaas joogay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in haweenk la xiray ay ka tirsanaayeen urur lagu magcaabo DARYEEL ayna doonayeen inay qabtaan kulan ay ku dooranayeen guddoomiye cusub oo uu ururkoodu yeesho.

Dadka la xirxiry oo tiradoodu tahay 17-qof ayaa la sheegay inay laba ruux oo keliya ay rag ka ahaayeen, kuwaasoo aan qayb ka ahayn hawsha meesha ka socotay, halka inta kalena ay ka ahaayeen haween doonayay in qabtaan doorasho.

Ciidanka booliiska ayaan illaa iyo hadda ka hadlin arrintan iyadoo waqtiga howlgalka la sameeyay uu ahaa xilli loo diyaar-garoobayey salaaddii Jimcaha ee maanta; isla markaana aanay madaxdii ciidamadu ku sugnayn xarumahooda.

Xariga loo geystay haweenka ayaan ahayn midkii ugu horreeyay ee ka dhaca degmada Laascaanood, balse uu yahay mid soo laalaabtay; iyadoo xariggii ugu dambeeyey ee haween loo geysto uu ahaa markii la doortay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kuwaasoo doonayay inay taageero u muujiyaan doorashada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Degmada Laascaanood oo ah xarun u ah gobolka Sool ayaa waxaa ka taliya maamulka Somaliland oo sannado ka hor ka qabsaday maamulka Puntland oo ka talin jiray.

Gobolka Sool ayaa waxaa sannadihii ugu dambeeyay ka jiray muran dhinaca maamulka ah oo u dhexeeya, maamulka Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, maamulka Puntland iyo Khaatumo State oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

IGAD Oo ku Baaqay in Dowladda Soomaaliya looga dambeeyo Maamul Sameynta Jubbooyinka
Mudisho (Golisnews) — Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxay ku go’aansadeen in dowladda Somalia ay qabato shir deg-deg ah oo loogu yeerayo dhammaan qaybaha ay quseyso ee ku nool gobollada Jubbooyinka, si shirkaas uu uga soo baxo Road-map lagu dhisayo maamul KMG ah oo laga hirgeliyo Jubbooyinka.

IGAD ayaa sheegtay inay ku taageerayso dowladda federalka Soomaaliya si loo waafajiyo maamullada la dhisayo dastuurka dalka, waxaana arrintan u xaqiijiyay HOL afhayeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo ku sugan Addis Ababa.

Inj. Yariisow oo khadka taleefoonka ugu warramay wariyaha HOL ee London, Ibraahim Baafo ayaa sidoo kale in qodobbadii kasoo baxay shirka wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ay ka mid ahaayeen in laga codsaday dhammaan qaybaha kala duwan ee ku sugan magaalada Kismaayo ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara xaalad amni-darro iyo xasillooni-darro oo carqalad ku keeni karta dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

“Wasiirrada IGAD waxay isla garteen in shirkii ka dhacay Kismaayo iyo qodobbadii kasoo baxay inaysan ahayn kuwo waafaqsan dastuurka dalka iyo inay ahayd in dowladda Soomaaliya ay hoggaanka u qabato balse taasi ay meesha ka maqnayd, qodobbadii kasoo baxayna ay ahaayeen kuwo aan loo dhameyn,” ayuu ku yiri Inj. Yariisoow oo u warramayay wariyaha HOL ee London, Ibraahim Baafo.

Arrintan ayay kusoo beegmaysaa xilli magaalada Kismaayo ay yeelatay saddex madaxweyne, lamana oga sida ay u aqbali doonaan go’aankan kasoo baxay shirka wasiirradda arrimaha dibadda ee IGAD oo kulan deg-deg ah ku yeeshay Addis Ababa.

Soomaaliya ayaa waxaa shirkan uga qaybgalaysa ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo shirkaas ka jeedisay warbixin ku saabsan mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha maamul u sameynta gobollada dalka Soomaaliya oo dhan.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD ayaa ka hor inta aysan go’aankan ka soo saarin shirkooda oo hordhac ahaa shir ay gellinka dambe ee isla maanta ku yeelan doonaan Addis Ababa madaxda dalalka IGAD waxay warbixin ku saabsan xaaladda Kismaayo ka dhageysteen guddi farsamo oo horay loogu saaray la socodka xaaladda ka taagan Kismaayo.

Madaxweynaha la doortay ee Jubaland iyo kuwa is-magacaabay ayaa waxay weli isku haystaan maamulka iyadoo la sheegayo in dadka Kismaayo ay kala taageersan yihiin labada ruux ee ugu saameynta badan oo kala ah: Sheekh Axmed Madoobe iyo Col. Barre Aadan Hiiraale.

Waxaa lagu wadaa in gellinka dambe ee maanta ay shir ku yeesheen isla Addis Ababa madaxda dlalaka IGAD, kuwaasoo ka doodi doona qodobbda kasoo baxay shirka wasiirrada IGAD, kaddibna ansixin doona, iyadoo tani ay guul weyn u noqon doonto dowladd Soomaaliya oo muddo dadaal ugu jirtay inay ka dhaadhiciso IGAD in la dhowro dastuurka dalka, dowladda Soomaaliya ay hoggaamiso qorshe walba oo lagu doonayo in maamul loogu sameeyo Soomaaliya.

Daawo Sayid Muxamed Sayid C/laahi Oo Akhriyaaya Kitaaabka Salawaadka Nabiga Ee Tanbiihul Anaam
Halkan Ka Daawo Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Oo Akhriyaaya Kitaaabka Salawaadka Nabiga Ee Tanbiihul Anaam

magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka furmay shir looga hadlayo badbaadada iyo nabadda warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha
Addis Ababa(Golisnews) — Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka furmay shir looga hadlayo badbaadada iyo nabadda warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga si oo ay ka qeybgalayaan saxafiyiin ka kala yimid Soomaaliya, Somaliland iyo Yurub.

Shirka oo ay qabashadiisa iska kaashadeen Urur goboleedka IGAD iyo Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika (EAJA) ayaa wuxuu soocn doonaa afar maalmood, iyadoo maanta oo uu shirka furmay looga hadlay badbaadada iyo nabadda warbaahinta Soomaaliyeed.

Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka kala socotay Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika ee EAJA, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya waxayna dhammaantood ka hadleen muhiimadda badbaadada iyo nabadda iyo warbaahinta Soomaaliyeed.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cusmaan Nuur ayaa furitaanka shirka ka hadlay wuxuuna ugu horreyn soo dhaweeyay ka qeybgalayaasha shirka, isagoo sidoo kalena u mahadceliyay Ururradii suurtageliyay in uu shirkan qabsoomo.

Intaas kaddib waxaa uu ka hadlay ujeedka shirka loo qabtay, wuxuuna caddeyay in shirkan loo qabtay sidii loo heli lahaa badbaadada warfidiyeennada, wuxuuna tilmaamay in dadaal badan kaddib ay ku guuleysteen in arrinta nabadda iyo badbaadada warfidiyeennada la horgeeyo shirka Midowga Afrika uu ku leeyahay 24-ka bishan Magaalada Addis Ababa.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika (EAJA)Dr. Muheldin Ahmed Idris ayaa shirka ka hadlay wuxuuna sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu ka soo qeybgalo shir looga hadlayo nabadda iyo badbaadada warbaahinta Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray Dr. Muheldin inay difaacayaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyagoo la kaashanaya ururrada caalamiga ah.

Waxaa ka hadlay Ambassador Ramtane Lamamra oo ka socday Midowga Afrika ayaa hadalkiisa furitaanka shir jeediyay wuxuuna aad ugu dheeraaday muhiimadda badbaadada warfidiyeennada, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ka welwelsan yihiin tacaddiyada loo geysto warfidiyeennada.

Ambassador Lamamra wuxuu shirka ka sheegay in shir midowga Afrika uu ku leeyahay Addis Ababa looga hadlayo badbaadada iyo nabadda warfidiyeennada , wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiriirka ka dhaxeeya Midowga Afrika iyo Warbaahinta Soomaaliyeed uu yahay mid wanaagsan.

Wariyayaasha ayuu dhankooda ugu baaqay in ay noqdaan kuwo iska hubiya wararka iyo warbixinnada ay dadka u gudbinayaan ka hor inta aysan baahin, si aysan u dhicin in iyana lagu xadgudbo.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya Shimeles Kamal ayaa shirka ka hadlay wuxuuna sheegay in dadka labada dale ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay muddo 22 sano ka badan ku wada noolaayeen xiriir aad u wanaagsan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dowladaha iyo shacabka labada dowladood ay ka go’an tahay in ay nabad iyo derisnimo wanaag ku wada noolaadaan. Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaarihii hor eee Itooboiya Meles Zenawi uu sheegay in ammaanka Qaranka Itoobiya uu yahay Soomaaliya oo xasilloon.

Intaas kaddib wasiirku wuxuu warbaahinta shirka ka qeybgeleysa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii dalka Soomaaliya uu nabad u noqon lahaa, bacdamaa ay heystaan awood ay dadka uga dhaadhicin karaan in ay nabaddu muhiimad u leedahay. Sidoo kalena wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sugeyso dadka wax bartay meel kasta oo ay caalamka ka joogaan si ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagto.

C/rashiid C/qaadir Warsame oo ka socday Urur goboleedka IGAD ayaa sidoo kale shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay in IGAD ay muddo dheer ku howlaneyd arrimaha Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha ka jira, wuxuuna xusay in dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya loo soo dhisay uu gacan weyn ku lahaa urur goboleedka IGAD.

C/rashiid waxaa uu sheegay in saxafiyiinta ay yihiin dhegaha iyo indhaha shacabka Soomaaliyeed waayo buu yiri waxay cod u yihiin dadka aan codka lahayn. Wuxuu ku boorriyay saxafiyiinta in ay dadka nabadda iyo waxyaabaha wanaagsan ay u sheegaan, isla markaana ay ka dhisaan dhinaca aqoonta diinta Islaamka.

Jamaal Axmed Ibraahim oo ah wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay furitaanka shirka, isagoo dhaweeyay ka soo qeybgalayaasha shirka. Jamaal waxaa uu intaas ku daray in ujeedada shirkan loo qabtay ay tahay in la tayeeyo warfidiyeennada, isla markaana aqoontooda la kordhiyo, wuxuuna caddeeyay in ay qorshaha ugu jirto in ay waxbarasho u helaan saxafiyiinta si loo helo warfidiyeenno ka dhisan dhinaca aqoonta, kuwaasi oo buu yiri haddii ay si wanaagsan u shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda u horseedi kara horumar.

Berri ayaa lagu wadaa in saxafiyiinta shirka ka qeybgelaya ay booqdaan xarunta Midowga Afrika, halkaas oo uu socdo shirweyne lagu xusayo sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay Ururka Midowga Afrika.

Duqa Magaalada Toronto Oo Ay Fadeexad Ka Heysato Filim Ay Ka Duubeen Dhalinyaro Soomaali Ah
– Kooxdan Soomaalida ah ayaa sheegay inay hayaan filim ay ka duubeen iyagoo daroogo ka gadaya Duqa magaalada Toronto Rob Ford, isla markaana cabaya sigaar laga sameeyey Daroogada. Waxaa sidoo kale la sheegay filimkan inuu ka muuqdo Duqa magaalada Toronto oo aflagaadaynaya siyaasada Xisbigiisa. Filimkan oo lagu duubay telefoonka Mobile-ka ayaa soconaya 90 ilbiriqsi, balse kooxda Soomaalida ah ee filimkan duubay ayaa saxaafada ka codsaday inay ka iibsadaan oo ay ka siistaan lacag gaareysa $200.000 (Labo Boqol oo kun oo dollar). Labadan jariirad ee Toronto Star iyo Gawker oo lagu yaqaan soo bandhigida warar fadeexad ah ayaa diiday inay jeebkooda ka bixiyaan lacagta lagu gadayo filimkan kooxda Somalida iibineyso, balse taageerayaashooda ayey ka codsadeen inay lacagta isku soo dar daraan si loo soo gado filimkan. Jariirada Toronto Star iyo Gawker ayaa hada bilaabay lacag aruurin ay shacabka ka qeyb qaadan karaan oo ay ku doonayaan inay ku aruuriyaan lacagtii ay ku gadan lahaayeen Filimkan. Suxufiyiinta ka socda labadan warbaahin ayaa sheegay inay indhahooda ku arkeen filimkan balse ay hada doonayaan inay soo iibsadaan si ay u shaaciyaan.Labadan warbaahin ayaa websiteka la yiraaho  Indiegogo ka furay bog ay ku aruurinayaan lacagta iyagoo hada helay lacag gaareysa $74,000.  Shacabka Canada ayaa sugaya filimka oo la baahiyo.

Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri
Shalay, 22 May 2013, xukuumadda Xamar waxay ka badbaaday inay noqoto tusbax go?ay. Dhowr iyo konton xildhibaan oo ka mid ahaa 93 soo dhigay mooshin xilka laga xayuubinayo xukuumadda ayaa qof qof, sida uu sheegay guddoomiyaha barlamaanku, dib u gurtay. Sidaa darteed, waxaa la laalay mooshinka markii uu buuxin waayay shuruudaha tirada soo gudbin karta. Hubaal Madaxweynahuna ma sii riiqeen haddii xukuumaddu dhacdo.

Xildhibaanada weli ku sii taamaya meelmarinta Mooshinka ayaa sheegay in sifo sharci-darro ah loo dhiciseeyay mooshinka markii si wadajir ah loo dhaqdhaqaajiyay

xafiisyada madaxtooyada, Ra?iisal Wasaaraha iyo Khasanadaha siyaasadda.

Run ahaantii, tallaabada lagu xil-tirayay Ra?iisal Wasaaraha oo sida la sheegay markii hore uu  Madxweynahu raalli ka ahaa, ayaa dad badan ka digeen inay horseed u noqon karto furfurka iyo kala dirista xukuumadda Xassan Shiikh Maxamuud. Xildhibaano faro badan ayaa aaminsan xil-gudasho-la?aanta xukuumadda inuu sabab u yahay Madaxweynaha oo cunaha iskaga duubay xilkii Ra?iisal Wasaaraha. Waxaa la qabaa Madaxweynahu inuu u taagan yahay xil kasta oo xukuumadda loo igmaday. Isaga ayaa u boqoola safar kasta oo xukuumadda laga sugayo ama lagu marti-qaaday. Xataa Shir jaraa?id oo u qorshaysnaa inay si wadajir ah Muqdisho ugu qabtaan wasiirkiisa arrimaha dibedda Marwo Foosiya Xaaji Aadan iyo dhiggeeda wasiirka arrimaha dibedda ee UK, Mudane William Hague, waxaa muuqatay Madaxweynahu inta uu hoos u sii dhacay, isagoo soo dar-jiidhay wasiirkiisa dibedda iyo Ra?iisal Wasaaraha inuu saxaafadda horteeda isla soo barbar taagay Mudane William Hague.

Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud waxaa uu ku suntan yahay colaadda maamul goboleedyada jiray sida Puntland, kuwa soo kordhay sida Jubbaland iyo kuwa laga filayo Bay iyo Bakool, Hiiraan iyo Gobolada dhexe. Dhowaanna waxaa uu ku sii daray inuu xanbaarto colaadda iyo naca Somaaliland.

Haddaba, tallaabadan dib loga noqday xil-ka-qaadista Ra?iisal Wasaare Saacid Garaad Faarax ayaa dadka daneeya Geeska iyo xeeldheerayaashu u arkaan fursad uu madaxweynahu ugu faa?iidaysan karo si uu dib uga noqdo, isaguna, qardo-jeexii iyo afduubkii uu ku maamulayay xukuumadiisa. Waxaana laga filayaa inuu ku baraarugo xilkiisa distuuriga ah iyo inuu u fuliyo hawlaha  mudnaanta leh sida; -

1.       Dhammaystirka maamul loo siman yahay isagoo ka guurayo maamul ku kooban Xamar iyo Badhasaabkeeda Tarsan. Waxaa xil ka saran yahay inuu si degdeg ah u dhiso hay?ado iyo ciidamo loo dhan yahay oo ka yimaada dhammaan gobolada dalka.

2.       In si mug leh loo gudo galo dib u heshiisiin iyadoo colaadda beelahu ka sii fogaatay halkii ay taagnayd ka hor doorashada Xassan Shiikh Maxamuud.

3.       Inuu u hoggaansamo Distuurka, isla markaana, barlamaanku ka hawl galo saxidda qabyada jirta.

4.       In uu aqoonsado waaqica horyaalla si uu u taageero maamulada jira iyo kuwa soo socda isagoo aan ku eegayn il nacab iyo aragti qabiil.

5.       In laga hawl galo quudinta hal malyuun oo Somaali ah kuwaasoo macaluul qarka u saran. Warbixin toddobaadkan ka soo baxday xfiiska Odorosidda iyo Ka Digista abaaraha (FEWS Net) ayaa sheegtay dad gaadhaya hal milyan oo qof inay ku sugan yahiin quudin-la?aan taasoo sii socon doonta ilaa bisha September. Xafiisku waxaa uu sheegay ilaa 6,000 hectar of dalagga beeraha ah in ay ku waxyeeloobeen daadadka Koonfurta Somaaliya.

6.       Inuu garawsado heshiisyadii ay saxiixeen dawladahii ka horeeyay iyo inuu xurmeeyo kuwa uu galay. Waxaa nuqsaan ah madaxweynahu inuu heshiis ku galo magaca Somaaliland maalmo ka dibna uu ku tiraabo gobolada waqooyiga ee Somaaliya inay ka waantoobaan cadifadda.

Mudnaanta Xilka Madaxweyne Xassan Shiikh.

Warbixinta soo socota waxaan si teelteel ah uga soo xigtay Aljazeerah si ay waano iyo tusaalayn ugu noqoto Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud.

?Ceelasha Biyaha waxay 16Km koonfur-galbeed ka xigaan caasimadda Muqdisho. Wadada keliya ee laamiga ah ee ku taalla waxaa meel kasta ka qodmay godod ay ka sunteen dagaalado. Magaalada waxaa gaaf-wareegayo dameero laga qaxay oo raadinaya biyo iyo baad. Guryahii qurxoonaa (filooyin) ee korkoodu dhalaali jiray, xilligan, waa cidlo. Sida uu tibaaxay Guddomiyaha Degmada Cabdullahi Jaamac Siyaad hadda magaalada waxaa ku sii hadhsan eyda (kilaab), dameero iyo bisado.?

?Degaankaa waxaa ku noolaa dad tiradoodu gaadhayso 500,000 hadda se waxaa ku sii negi dhowr kun oo qof. Waxay ahayd meel dadku uga soo qaxaan dagaaladii cuslaa ee Xamar. Ka dibna waxaa dadka la soo guuray Iskuuladii, Jaamicadahii, Cisbitaaladii iyo Goobahii Ganacsi.?

?Waxaa xidhmay 8 Jaamacadood oo degaanka ka jiray. Sidoo kale, 17 Dugsi Hoose oo ka jiray degaanka waxaa ka sii shaqaynaya hal keliya. Dugsiga Iftin oo keligii ka sii furan, sida uu sheegay maamulaha dugsigu, waxaa wax ka barta 39 arday halka hore ay wax uga baran jireen 650 arday. Waxaa albaabada loo laabay goobaha ganacsi. Haddana waxaa faraha ka baxay adeegyadii Biyaha iyo Laydhka.?

?Halkaas oo hore loogu yaqiinay Janno hawli ka socoto maanta waxaa La moodaa magaalo Jin iyo Jaan looga qaxay.? Aljazeerah 21/05/2013.

Ugu danbayntii Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud waxaan u soo jeedin lahayn inta uu ku hawlan yahay inuu la soo wareego maamulka hawada, badaha iyo telifoonada ka dhexaysa Somaali oo dhan, tasoo aanu ku guulaysan doonin, waxaa ka habboon inuu isku hawlo sugidda nabadgelyada iyo xal u helidda dhibaatada hareerahiisa taalla, ugu yaraan 20ka kilomitir eek u gedaaman. Tilmaam waxaa ugu filan inuu hoos u sii eego warbixintan iyo boqolaalka la mid ah ee shacabkii doortay iyo dunidoba ka sugayso wax-ka-qabadkooda. Mise arrinku waxaa uu yahay ?Ninkii adhiga laga la quusto in Geella loo dirsado??

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac @horrimania

Warbixin oo uu soo bandhigay guddiga runta, cadaalada iyo dib u hesheesiinta Kenya ee (TJRC) Oo Muujinaysa Tacadiyadii Laxaadka lahaa ee ay la kulmeen Soomaalida ku nool Gobolka Waqooyi bari ee Dalka Kenya
Nairobi(golisnews) – Warbixin oo uu soo bandhigay guddiga runta, cadaalada iyo dib u hesheesiinta Kenya ee (TJRC)  ayaa muujinaysa tacadiyadii lixaadka lahaa ee ay la kulmeen Soomaalida ku nool gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, kuwaasoo loo gaystay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha xilliyadii gumaysiga iyo maamuladii ka dambeeyay ee ay kala hogaaminayeen madaxweynayaashii Jommo Kenyatta iyo Daniel Arab Moi.

Sida ku xusan warbixinta waxay dawlada Kenya cadaysay in 2000 oo qof ay ku dhinteen weeraro iyo xadgudubyo is daba joog ahaa oo dadkaas loo gaystay, inkastoo warar kale ee ay sheegayaan in tirada ay gaarayso 7000 oo qof, intii dhexaysay 1964 ilaa iyo1967, taasoo muujinaysa in saddex sano gudahood kaliya lagu dilay tiro intaas le’eg oo dad ah.

Gudiga (TJRC) ayaa warbixintiisa ku sheegay in deegaanadaas ay ka jireen falal ay fulinayeen shufto wadooyinka gasha, kuwaaso ay hogaaminayeen dadka deegaanka si ay uga jawaabeen xadgudubyadii ay kala kulmeen gumaysigii iyo dawladihii Kenya ee soo maray taasoo horseeday tacadiyo horleh iyo dilal aan kala sooc lahayn oo dadka gobolka waqooyi bari lagu gumaaday.

Dhulka NFD oo ay markii dambe ka bilaabatay iska caabin ay wadeen dadka deegaanka oo ka dhiidhiyay falalka ka dhanka ah insaaniyada ee lagula kacay ayaa lagu sheegay warbixinta in si isdaba joog ah ay ciidamadu uga gaysan jireen dilal,kufsi,dhac iyo falal kale oo ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka.

Gudiga warbixinta qoray ee dib u heshiisiinta ayaa sheegay inay waraysteen qaar ka mid ah eheladii iyo kuwii ka badbaaday xasuuqii Wagalla, kuwaasoo ilaa iyo xilligan la nool qalbi fuqii ay ka dhaxleen xasuuqaas oo keenay in la gumaado dadka ku nool degmada Wajeer oo si aan kala sooc lahayn loo kufsaday haweenkoodii, ragiina la laayay, xoolihiin laga dhacay.

Ciidamada iyo hay’adaha sirdoonka ee Kenya ayaa gudiga aan siinin maacluumaadkii loo baahnaa, taasoo keeni lahayd in la ogaadi xaqiiqada dhabta ah ee xasuuqyadii ka dhacay gobolka waqooyi bari, balse gudigu waxay u cuskadeen warbixintooda waraysiyo ay la yasheen dadkii dhibanayaasha ahaa ee kasoo badbaaday gabood falladadii naxdinta lahaa.

Xilligii gumaysiga dadka gobollada waqooyi bari waxaa loola dhaqmi jiray si ka duwan Keenyaanka kale, taasoo muujinaysa in xadgudubyada lagu hayay dadkaas ay ahaayeen kuwo xilli hore soo bilowday ayay tiri warbixintu.

Dawlada Kenya iyo hay’adaheeda garsoorka iyo ciidamada qalabka sida ayay warbixintani ugu baaqday inay raali galin rasmi ah ka bixiyaan dhibaatooyinkii ay u gaysteen dadka Keenyaanka ah, intii uusan waddanku qaadaan nidaamka dimuqraadiga ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka kasoo jeeda gobolka waqooyi bari ayaan ku qanacsanayn warbixinta oo ay sheegeen inuu gacantiisa ku qoray nin ay ku eedaynayaan inuu ahaa ninkii gaystay xasuuqii Wagalla, taasoo micnaheedu noqonayo inuu qariyay in badan oo kamid ah gabood falladaas oo ay ku tilmaameen inay ahaayeen xasuuqii ugu ballaarnaa ee ka dhaca waddanka Kenya.

Bishii February 1984 ayay ahayd markii ay dawlada Kenya ciidamadeedu gaysteen xasuuq lagu dilay kumanaan qof laguna kufsaday kumanaan haween ah, sida ay kuu sheegayaan dadka ku nool degmada Wajeer oo uu xasuuqaasi ka dhacay.

Ambassador Bethuel Kiplagat oo gudiga TJRC ee warbixintan soo saaray gudoomiye u ah ayaa xilligaas ahaa sarkaal sare oo ka tirsan mukhaabaraatka Kenya, isagoo sidoo kalana ahaa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda, waxayna dadka deegaanka Wajeer ku eedeeyeen inuu lug ku lahaa xasuuqii Wagalla.

Balse Bethuel Kiplagat ayaa beeniyay inuu wax dambi ah sameeyay, isagoo sidoo kalana loo haysto inuu wax ka ogaa dilkii loo gaystay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Kenya Robert Ouko oo la dilay sannadkii 1990-kii.

Tan iyo markii la magacaabay gudiga dib u heshiisiinta ee TJRC ayaa waxaa socday cabashooyin ka imaanayay dadka gobolka waqooyi bari oo ay ku doonayeen Kiplagat inuu isaga casilo gudoonka gudiggan maadaama ay aaminsanyihiin inuu isagu kaalin muuqata ku lahaa xasuuqaas.

Dad badan ayaa is waydiinaya sida ay cadaalad u noqon karto warbixin uu diyaariyay nin loo haysto inuu isagu wax ka maleegay xasuuqii loo gaystay dadka Soomaalida ah ee gobolka waqooyi bari, iyadoo aysan warbixintuna tiro rasmi ah ku salaynin inta ay le’egyihiin dadkii ku dhintay xasuuqaas oo lagu tilmaamo inay ahaayeen kumanaan qof.

Taariikh Nololeedkii Sheekh Cali Xaaji.Ibraahim 1905 ——1984 W/Q:A/raxmaan Axmed Koosaar.
من المؤمنين رجال صدقوا  ما عا هدا الله  عليه  فمنهم من

قضي نحبه ومنهم من ينتظر  وما بد لوا تبديلا

Weedha Qoraaga.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim, ilaahay baa leh Mahad dhammaanteed iyo shukriba ilaaha swt ku gaar yeela cidduu doono ee adoomihiisa ka mida Hibooyinka sare & Deeqaha waawayn ee siiya qofkuu doono Asraar Qarsoon & tu muuqataba ee Awliyadiisa u arooriya ilaha Deeqda & sharafta Badan,naxariiis & nabad gelyona kor kiisa ha ahaato khalqiga Ilaahay oo dhan kii u khayrka badnaa sayidkeenii Muxammad csw isaga & Ehelkiisii & Asxaabtiisii Suubanayd ba.Intaasi ka dib,  Aniga oo aan mudnayn inaan sheikh Cali Xaaji Ibraahim Noloshiisii & Cilmigiisii toona wax ka qoro oo aanay misana xagayga ka imanin ee ay Ikhwaanku ii soo jeediyeen in wax ka qoro ka dib markii dalabkaasi soo noqnoqdayna aan aqbalay Ilaahayna swt waxaan ka baryayaa inuu ii furo  ina waafajiyo ujeedada laga rabo qoraalkan aniga iyo inta jecelbana if & aakhiroba noogu naxariisto Barakadiisa isaga ayaa awood lehe.,Hadaba aniga oo ilaahay talo saaranaya waxaan halkan uga mahad naqayaa kuna tix raacayaa Afar qof ee sababta ugu wayn u ahaa inaan sheikh cali xaaji ibraahim u  yeesho intan yar ee kooban ee ka mida xayaatadiisa & cilmigiisii aan la koobi karayn afartaasi qof laba ka mida waan waraystay labana waxaan akhriyay qoraalo kaygan ka horeeyay oo ay sheekha ka qoreen.Ugu Horeyn Labada aan sheekha muddo ka waraysanayay.

1.	Xaaji Xuseen Sheekh Ismaaciil Darwiish Allah yarxamuhu

2.	Axmed Jaambiir Kaahin.

1.	Xasan Axmed Faarax    .

2.	Cumar Sh. Ibraahim Cammir Allah Yarxamhu.

Hadaba , waxaan ka cudur  daaranayaa hadii ay dhacdo in wax khalad ah nooc kasta ha noqdee  lagu arko qoraalkan in uu yahay mid uu sababay aqoon yaraantayda iyo daciifnimadayda  ee aanay shaqo ku lahayn sheekha iyo  dadkaasi sharafta mudan ee aan tix raaca ku sameeyay midkoodna wixii wanaag ahna waxa iska leh Ilaahay swt..Sidaasi darteed waxaan ka codsanayaa akhrista ay indhihiisu qabtaan wax nuqsaan ah inuu I ogeysiiyo ileen nin habari dhashay hal ma seegi waayee

.Wa Billaahi Tawfiiq        A/rahmaan Axmed Koosaar.Mobile :-   063 410 9607.

Email :-  hadrtulawliyaa@hotmail.com.

Shakhsiyadda sheikh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi, Barbaaridiisii iyo  wax barashadiisii.

Sh. Cali xaaji Ibraahim Xirsi oo hooyadiina la odhan jiray khadiija Axmed wuxuu ku dhashay Deegaanka Oodwayne meel la odhan jiray Balliga Guuleed Xaaji 1905, quraanka Kariimka ah wuxuu ku bartay meeshaasi miyiga ah markii uu quraankii dhammeeyay  wuxuu tagay  Magaalada Berbera oo uu aabihii xaaji ibraahim ku haystay Ganacsi  waxaanu magaalad berbera ka sii watay tacliintiisii isagoo wax ku bartay iskuul uu lahaan jiray nin soodaaniya oo la odhan jiray Sayid khayra lah,halkaasi oo uu ku bartay culumta xadiiska,Tafsiirka,iyo faniyada kala gedisan ee luuqada Carabiga, waxa xusid mudan in uu aabihii qayb wayn ku lahaa in waxbarashada wiilkiisu kaalin gasho waxaana markhaati u ah isagoo xaj ka tagaya ayuu tuducyadan ku dhiiri geliyay.

Aqalkii Ilaahay iyo xajkiibaan Qalab u haystaaye

Calaw qayb khadkiyo looxu waa qawl ilaah dhigaye

Markii uu si fiican u dhamaystay dugsigii Soodaaniga wuxuu u kicitimay Magaalada Bullaxaar oo waagaasi aad u camirnayd culimo badan oo akhriya faniyada kala gedisan ee cilmiga diiniga ahina ay ku sugnayd halkaasi ayuu si fiican ugu dhex galay fiqiga iyo luuqada af carabiga isagoo baaric ku nocday noocyada kala gedisan ee afka carabiga sida naxwaha sarfiga balaaqada noocyadeed Bayaanka & Badiica iyo Cilmiga Diintana sidoo kalena wuxuu aad u bartay cilmiga xisaabta sida Handasada Jabrada & jajabka  ka ,sidoo kale wuxuu aad u bartay cilmiga Mandiqa Cilmiga Falaga Iyo taariikhda & juquraafiga..

Hadii aan Tacliintiisa Is raaciyo sheekha waxa suudaan u dirtay Dawladii Ingiriiska halkaasi oo ku maqnaa laba sanadood kuliatu Diraasaadka islaaamiga kana soo qaatay Diktoorah, xili uu aad u yaraa ayuu kaalin galay waxa dadka ku hareeraysan uga muuqanayay bidhaamo iyo calaamado muujinaya Raganimo dheeraad ah ilaa intii uu yaraa waxbaa lagu halaynayay barakona waa laga arkayay aad na wuu u dhawrsoonaa caqli aad u miisaaman ayuu ilaahay siiyay oo xili iyo kasta iyo goob  kasta oo uu joogo uu arimaha la soo dersa ee noloshu keento  ku xalilayay.

Sheekh Cali xaaji ibraahim wuxuu ahaa bad wayn cilmiya oo aan la soo koobi Karin waxaanu noolaa nolol cibro ugu filan qofkii milicsada oo misana   lagu dhammayn Karin qoraal u kooban sidan oo  kale  :-    qofka codkiisa maqlaa wuxuu odhan lahaa waa sheikh caalim ah,  ka taladiisa arkaa wuxuu odhan lahaa waa hogaamiye qawmi ah, ama siyaasi xeel dheer, qof ka kutubtiisa iyo qasaaidkiisa arkaa wuxuu odhan lahaa  waa qoraa Islaamiya, ka nolol la qaybsadaa ee la fadhiistaa ee arka karaamooyinka ilaahay siiyay ee uu qarinayo  wuxuu odhan lahaa waa wali awliyada ilaahay ee waawayn ka mida, qofkii cilmi baadhis rasmi ah ku sameeya noloshiisa ee arka siday uga buuxdo kifaax & dadaal,  iyo dheefta iyo dhaxalka uu ka tagay ee aan duugoobayn wuxuu yaqiinsanayaa inuu ahaa halayay uu ilaahay ummadan ka soo saaray, oo ay adag tahay in la helo dhigiisii, wuxuu kaalin galay isaga oo aad u yar waxaanu koobsaday cilmiyo fara badan oo dhinacayo badan leh, wuxuu  noolaaday isagoo sharaf leh oo tusaale fiican  u ah siday ay tahay iyo macnaha dhabta ah ee ay leedahay suufinamada dhabta ah, wuxuu ku  toosnaa dariiqa saxda ee daahirka shareecada,  laabtiisuna saafi ayay ahayd,  intuu noolaa cidna gacanta muu hoorsan, ee wuu shaqaysanayay, waxaanu u shaqaynayay dalkiisa dadkiisa & diintiisa,  isagoo da’ ah  habeenna kama fadhiisan shaqada diinta , intaasi oo aad isku gayso  iyo in kale oo aan la soo kobi karaynin ayuu dhab ahaan ahaa Sheekh cali Xaaji Ibraahim ( wal xaqu yuqaal) wixii xaq ah waa la sheegaa .

waxba yaan hadal idinku daaline  aan milicsano waxyaalaha ugu muhiimsan ee ay mudan  tahay inaan milicsano..

Kaalintii uu ka qaatay Cilmiga Diinta  ee Xaga Caalamka Islaamka :-

Sheekhu isagoo macalin ka ah Dugsiga sare ee Cammuud lixdameeyadii ayuu nin yamani ah oo reer Borame ah oo ay saaxiib ahaayeen, dukaanna ku haysan jiray uu u keenay kitaab ka hadlaya cilmiga musdalaxul xadiis oo uu alifay Sheikh yamani ah oo la  odhan jiray Ibnal farax oo sidii jacayl u qoran isla markaana gabay ah, waxaanu ku yidhi sheikh kitaabkan oo ku adkaaday culimmadii yamanta inoo sharax, sheekhuna wuu ka qaaday kitaabkii wuxuuna yidhi haduu ilaahay ii fududeeyo waan isku dayi kitaabkaasi wuxuu ku bilaabmayay baydkan.

غرامي صحيح والرجا فيك معطل

Hadaba Arintu markay halkaasi marayso ayuu sheekhu  bilaabay inuu ilaahay ka baryo inuu u furo sharaxa kitaabkaasi, ka dibna waxa ishaaro u keenay sheekha nin macalin ka ahaa dugsiga alleh ha u naxariistee oo la odhan jiray Maxamed Jaamac Badmaax,  waxaanu ku yidhi sheikh waxaan ku riyooday iyadoo Nabigii Csw uu god buur ku yaala ku jiro,  ka dibna dhagax ayaa ku soo wilaan wishooday oo ku daboolmay, khaliqigii ilaahay ayaa isugu yimi way ka qaadi kari waayeen,  adiga ayuunbaa goor danbe soo dhaqaaqay oo aayar ka qaaday, sheekhuna wuxuu ku yidhi :- wax wayn baa ilaahay ku tusay,  waa kitaabakan xadiiska nabiga ka hadlaya oo sharixiisii la ii furayo Nabigana csw xadiiskiisa ayaa lagu shabahayaa.

Intaas ka dib ayuu sheekhu kitaabkii dhammeeyay oo gabaygii gabay kale ku sharaxay waxaanu u bixiyay  :-

منطومه الفرح في زوال الترح لمنطومه ابن الفرح

Waxaanu u dhiibay Ninkii yamaniga ahaa oo la odhan jiray Muxammad ibnu Yaxyal Amjadi waxaanu geeyay Yaman culimadii Yamanta ee kitaabka sheekha aragtay waxay u soo tiriyeen dhawr qasiido oo ay ku ammaanayaan sheekha Iyo Cilmigiisa waxaana ka mid ah tan hoos u qoran:-

سلامي للحبيب الهرجيسي        المسمي في صحيفته علي

التقي ابن التقي ابن التقي           عليه تحيه ما دمت حي

شهاب الدين هو الركن القوي          هو ابن ابراهيم سيدنا الصفي

نظرنا نظمكم نظما بهي                   هنيا لك ايها الشيخ الزكي

يلين لنظمك القلب القسي                  فانت الكوكب المضي الفرقدي

عليا يا علي يا علي                 لقد نلت المني يا ابن الدكي

لك الايام طابت مع الوقت الهني             ومن ابغضك قد يدعي الشقي

اليك تحيه بالعنبري                        مخلطه غشاها الرجسي

نخصك انت قدوتنا السخي              عدد ما جا ريح ابطحي

لقد ساعد لك الوقت السني          بلغت مناك باسعد الهني

ولا تنسي اخينا الاكملي              محمد ابن يحي الامجدي              فابنك في عيش ارغدي                وعبدالله ضوك فهو حي                   واهل البيت لهم قلب السني              وستر الله يرعاهم هني

فطب نفسا ولا تبغي شجي              ولازم للوظيفه يا  نقي

وان الله ستار قوي                     ولظفه جاري لطف خفي

فهدا اخيك الاهدلي                  الفقير المستغيث الخارجي

وليس في المدينه يا صفي        هو البهلول الصديق الاقدمي

فيرجوا من الامام الهرجيسي              بان يدعو له الرب العلي

وصلي الله خالقنا الغني                  علي المختار طه الهاشمي

Kaalintii uu ka qaatay Aasaaskii Tacliinta

Sheekh cali xaaji Ibraahim Wuxuu Kaalin Libaax ka soo qaatay aasaasidii waxbarashada dhulkan Somaliland, isagoo Hargeysa ka furay 1932 Dugsigii ugu horeeyay ee lagu barto wax barasho loo adeegsanayo Qalin  & Buug, iyadoo aradaydii dugsigiisu noqotay Dufacadii ugu Horeysay ee loo Qaatay Class kii  4aad eeugu horeeyay ee uu ingiriisku ka furay Dugsiga hadda loo Yaqaano ( Sh. Bashiir ).

Hadaba sheekhu ujeedadii uu kalahaa wax barashada si fiican ayuu u gaadhay,  waxaanay ahayd Xornimo, sidaana wuxuu ku sheegay Kitaabkiisa La yidhaado :-

المرشد  في ما مر من المعارك العلميه والمناطرات الدينيه لاجل التعليم في الاقليم الشما لي الصومالي

Aasaaskii Jimciyada khayriga ahayd ee SNS

Sheekhu wuxuu qayb ka ahaa aasaaska Jimciyad la odhan jiray , (SNS)  oo ka shaqayn jirtay arrimaha bulshada iyo dhaqdhaqaaqa xornimada,  isaga iyo rag kale, jimciyadaasi oo uu sheekhu ka ahaa xoghaye guud, waxa xusid mudan inaan halkan ku soo bandhigo warqad Taariikhi ah oo uu sheekhu u qoray Odayaal Reer Gaal kacayo ah,  oo madax ka ahaa jimciyad ka jirtay Gaalkacayo oo khayriya ahayd,  warqadaasi oo sheekhu qoray 3 april 1937 ,  kuna socodsiiyay

1.	Maxamuud yuusuf

2.	 Muxamad Jaamac

3.	 Cusmaan Nuur

4.	 Aw Xasan Cadeh

Oo Madax ka ahaa Jimciyad ka jirtay Gaalkacayo, Taasi oo sheekhu ku hambalyaynayo inay samaysteen, kuna dhiiri geliyay inay hawshaasi si fiican oo qarsoodi ah u wadaan.

Halkan ka akhriso warqadaas af carabiga ah,  ee Taariikhiga ah, ee sheekhu u qoray Reer Gaalkacayo.

jimciyadaasi sheekhu aasaasay,  waxay si fiican u qabatay inay wadada u xaadhay dabaysha xornimada, ilaa ay dadkii ka kaaftoomeen inay ingiriis isula tagaan.  ka dibna  markii uu ingiriisku ogaaday inay xornimo dhalinayso jimciyadaasi ayuu soo sameeyay jimciyado kale oo samays  ah,  si uu uga dhigo sawir qabyaaladeed,  ka dibna wuu xidhay albaabadii xafiisyadooda,  jimciyadaasi waxay qaban jirtay inay dadka kala saarto ficilo khayriyana qabato,  taasi oo keentay inay dadkii muraadba u yeelan waayaan xafiisyadii mustacmarada..

Hadaba markii uu ingiriiskii  uu xidhay jimciyadii,  sheekhu  wuxuu u tiriyay Qasiido baroor diiq ah, oo ugu barooranayo Jimciyadaasi la xidhay,  waxaana ka mid ahaa baydadkan:-

الرثا لجمعية س  ن  س )     )

وها علي بدره في الارض قد نبتت   *       واستمكنت نمو بالسقي والمطر   *  حتي ادا ما اعلنت في الجو زهرتها  واستنشق القطر من اريجها العطر

واستبشر الكل في الافاق ينظرها                   اتي الي قلعها الشيطان بالتفر واها علي شعله من دامس لمعت             وانطفت برياح الجهل في السحر  واها علي دولة قد قامت لكم قدما                وغالب الحمق بالانكار والعقر       فاجمع الهي علي الخيرات كلمتنا                   وايدن دول الاسلام بالظفر        وصل ربي علي الهادي وعترته                 وصحبه وكدا الاتباع بالاثر

Intaas ka dib sheekhu wuxuu keenay hab kale oo uu u maro xornimada, waxaanu raacay jidka tacliinta,  isaga oo raacaya xadiiska Nabigu csw uu yidhi (ninka qoom afkooda bartaa sharkooda ayuu ka nabad galaa)  isagoo kaa u cuskanaya ayuu yidhi :-  ingiriiska waxa inaga xorayn karaya oo qudha inanka afkiisa barta, hadaba markii Dawladii ingiriisku ay bilawday waxbarashada aasaasiga ah,  sheekhu wuxuu ka qaaday Cirricullamkii ( ama Manhajkii),  kadibna waxa uu ka sameeyay Daraasad,  waxaanu yaqiinsaday inaanay meelna kaga jirin wax Kiristaamayn ah,  halka ay in badan oo culimadii xilligaasi joogtay ahi, sheekha kaga soo horjeesteen Tacliintaasi casriga ah, iyagoo ay dhex martay Dagaal aad u qadhaadh,  oo aan misana waxba la isula hadhin, Sida ka muuqata kitaabka uu sheekhu ka qoray Taariikhdii Tacliinta ee aan magiciisa kor ku soo sheegay iyadoo nasrigii dagaalkaasina uu sheekhu helay,  isagoo markii uu waxbarashada bilaabay ay dadkeenu xafiisyada iyo nolosha dabadda ka joogeen, isagoo ninka 1aad ee sarkaal ka ah dalka oo dhan, dhinac kasta  uu ahaa meel walba nin ingiriisa,  ka ku xigaana meel walba nin hindiya,  dadkeenuna waxa qudha ee ay qaban jireen ay ahayd badhi wale iyo dhawr qof oo meelahaas wax ka soo bartay sida Cadan oo kale,  oo turjumaano ah, sheekhu ilaahay ha u naxariistee wuxuu cajalad cod kaga sheekaynayaa maalintii uu Maxamed Haji Ibrahim  Cigaal oo ka mid ahaa  ardaydiisii uu ingiriiska ka gudoomyay xornimadii, sheekhuna uu barbar taagnaa, isagoo ilaahay taasi uga mahad naqay,  maxaa yeelay wadadii uu xornimada ku raadinayay ee ahayd waxbarasho iyo aqoon ayuu ku guulaystay, iyadoo ingiriiskii si  fudud ugu wareejiyay  xornimadii.   waxa kale oo ay ardaydii sheekhu noqdeen madaxdii dawladii soomaaliyeed ,ee talada dalka qabatay, isagoo sheekhu sheegay muddo gaaban dabadeed,  in xafiiska uu galaba,  uu ugu tagay   Arday ardaydiisii ka mid ah, oo fadhiya halkii ninka ingiriis iyo ku kale oo fadhiya halkii ninka hindiga ah,  waxa ardaydiisii ka mid ahaa.dadkii hore ee wax bartay ee wadankeena madaxda iyo aqoon yahanka ka soo noqday, intoodii badnayd , hadaba maadaama aan la soo koobi karayn, qof kasta oo taariikhda ka haya inta ugu yar uu markhaati ka yahay Tacabkii Sheekh Cali Xaaji Ibraahim, aan ka xusno magacyada qaar ka mida shakhsiyaadka ugu caansanaa ee uu sheekhu wax baray:-

1.Maxamed haji Ibraahim Cigaal

2.C/raxmaan Axmed Cali

3.Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo)

4.Saleebaan Maxuud Aadan

5.Axmed Maxamud Faarax ( Lax was)

6.Axmed Saleebaan Dafle

7. Axmed maxamed Halac

8.Sheekh Yusuf Cali Sh. Madar

9.Suldaan Rashiid Suldaan C/lahi Suldaan Diiriye

10 Ismaaciil Cali Abokor

11. Axmed Jambiir Kaahin

12.Profisor Muuse Maxamed Maacaleesh

13.Aadan Xaaji Baxnaan.

14. Cismaan Jaamac Cali Kalluun

15.Axmed Nuur Sh. Maxamed qoordheere

16. Xaaji Cali Xaaji Xasan ( Cali Qaafil).

Iyo  madax badan oo ah inta ugu miisaanka culus madaxda geyigeenan soo martay..

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi,  Ilaahay waxa uu siiyay awood caqli,  oo aad u balaadhan,  oo uu ku qayiray wadcigii aadka u madoobaa ,  ee xiligaasi lagu jiray,  isaga oo sida qorrax soo baxday oo madawga kaxaysay iftiinkiisu uu nuuriyay dhulkii oo dhan..

Alleh ha u Naxariistee Prof.  Muuse Maxamed Maacleesh oo ka mid ahaa Ardaydiisii ayaa qasiido uu sheekha u tiriyay waxa ka mid  ah:-

سلام سلام علي الشمس         *                      الدين شيخ الهدي

شيدت البلاد بعلمك              *                      بل شهيد لنا

انت اول من اتي                 *                الادب الي ارضنا

باب العلم بدر الدجا              *                بحر ابن طالبنا

علي ايا شيخنا                     *                علمك  عقيتنا

وعم با لخيىر  ربي                *        علي حضرة الاوليا ء

Abwaanka wayn ee soomaliyeed ee Maxamed Aadan Dacar,  Ayaa sheekha hees u tiriyay oo yidhi:-

Allah Caadilka ahaw Sheekh Cali Ibraahim Ha

Cadaabin Aakhiro aamiin aamin.

Barigii Cadaawuhu Dhulka Cagaha soo dhigay

Eeynu Caamada ahayn Caarshe yidhi iskuullada

Caruurtiina keensada Celiyaay la wada yidhi

Wadaadadu cadhoodee Casrigii ka taliyee

Barta yidhi culuuntee na Caynaanshay weeyaan

Sheekh Cali Ibraahim.

Kutubtuuu Cammirayee, Caycayn u qorayee

Maskaxdiisu Curisaa, Cadad Labaatan gaadho

Caalamka Islaamkaa Ku ciseeyay Diintee

Sheekha Cali Ibraahim ha cadaabin aakhiro.

Sheekh cali Xaaji Ibraahim Kaalintiisii Tacliinta lama soo koobi karo,  loomana ban bixi karo,  ilbidhiqsi qudha oo noloshiisa ka mid ah oo aanu wax baris ku jirin ma jirto, gurigiisa ayuu culimada wax ku bari jira, y inta fani ay culuumta af carabiga iyo Faniyada Diintaba, Baaric ayuu ku ahaa,  Waxa uu qoray ugu yaraan Labaatan Kitaab oo kala gedisan,  oo mid waliba fanni gaar ah yahay,  Manaahijta ayuu madax ka soo ahaa,  muftiga soomaaliya iyo marjac loo noqdo ayuu ahaa,  idaacada radio hargeisa ayuu ka akhriyi jiray Tafsiir, Hudheelka shaqaalaha ayuu saraakisha Dawlada & Akhyaarta Magaalada Bil Kasta oo Ramadaan ah ugu Marin Jiray Tafsiir & Xadiis, markaasi waa Bad aan xeeb lahayn,  ee Kaalintiisii Aasaaska Tacliinta Waxaan ku soo xidhayaa Qasiido uu ka tarjumayo Carabkii wadanka oo dadkiisii & dhalinyaradiisa u qayshanaya,  oo uu xiligaasi ka tiriyay isagoo dadkiisa ku tir tirsiyaya, wax barashada ugana digaya waxayaalaha dib u dhaca ku keenaya ee ay ka mid tahay qabyaalada iyo aqoon darradu, iyo qasiido kale oo uu kaga hadlayo culimada wanaagsan & culimada xun xun.

فقال الشيخ غلي حاج ابراهيم هده القصيدة الوطنية التي تمثل حال الوطن عند افتتاح المدارس 1945

عالي الهمة كن دا نظر        *     وافتكرمن ترقي من بشرا

واغتبط من في درا المجد     *    علا  بعلوم وامتضي بالفخر

نطق حال لسان الوطن        *       دائا يدعوا مسا والبكر

يا رجال الحي من يهتم بي                    ويلبيني   بنيل  الوطر    يا شبان العصر هيا املي                    شرفوني سادتي بالدرر              خيم الجهل دهورا ساحتي                       وتهيا راحلا للمقفر

كم علي القوم جنايات له                         وقتيل دمه في هدر

قل لمن في ظما الجهل اشتكي       دون ورد لن تزال في ضررا

فنبات الارض في جدبتها                   لا تجد ريا الا ان تمطرا

استزد با العلم من اربابه                    بقليل منه لاتقتصرا

وتضلع بدروس نوعت                    في معارف لنا واستكثرا

واعتمد  مولاك فيما قد  ترم            فهو الكافي لمن يستنصر

قي وصف علماء السوء

كم ثعلب خادع قدراته حسد       في الناس كم قائص بالفخ كم اشر

وكم حقود علي الاخوان متهم        فينا وكم مضمر بالغش والغدر

وكم طعان بدي غير مكترث          مفرق الجمع بالاوهام والشرر

وكم مزور الجهل للعوام علي          اغراضه خاصة للجاه مستثمر

مسي الظن علي الاسلام مما انطوت      له الجوانح من اسواء زالكدر

يقوده العجب للمهاوي والزلل          حتي اداه الي الا يداء والخطر

وان راي زلة للغير يتبعها             فكا الدباب يرعي موضع القدر

ويدعي انه الغيور منفردا                     لديننا اعظم الايمان والنظر

ان لم يفد شعبنا بالعلم والعمل             ففقده خير من وجوده الضرر

قي وصف علماء  الا خيار

وكم تقي نقي زانه ادب  فينا          وكم ناصح في البدو والحضر

وعالم مرشد ترضيك سيرته            لحسن الظن علي الاسلام معتبر

وقببه مفحم بالنور والحكم              صفا علي الغل والاحقاد زالغير

والخير يظهر من اتوار طلعته           والبشر في وجهه كا لنور والزهر

تراه مستقبلا في امر خا لقه                   مجانبا نهيه للخوف منزجر

يري بانه ادني الناس منزلة                تضرعا منه الناس غير محتقر

وان رات منكرا عيناه يز جره                    نصيحة لا خيه سرا مدكر

ومنشر العلم في الاوقات يدرسه            للناس قي نقعه كالغيث والمطر

ومقبل شانه يسعي لخدمته                   بالعيش مكتسب بالخير مؤتمر

هدا قضاء من الرحمن بالازل                 سبحان من قسم الاخلاق بالقدر

Intaasi waxaynu kaga baxaynaa taariikhdii sheikh cali xaaji ibraahim iyo wax qabadkiisii dhinac tacliinta & aasaaskeedii.

.Tirada Aayadaha Quraanka Kariimka ah

Sheekh cali xaaji ibraahim Alleh ha u naxariistee, waxa uu isu geeyay tirada guud ee aayadaha quraanka kariimka ah,  iyada oo soomaalidu u taqaanay 6666, oo ay isku salaami jireen,  waxaanu sheekhu xiligaasi adeegsadayta  isu geyn 114 suuradood aayadahooda, oo noqday 6236 aayadood,  iyada oo xiligaasi aanay kutubta musxafka ahi qori jirin..

Aasaaskii Xadratul-awliya.

Sheekh Cali xaaji ibraahim wuxuu aasaasay  (xadrtul-awliyaa), isagoo markii ugu horeysay magacaasi oo xaga ilaahay laga siiyay u bixiyay xiligaasi,  sheekhu wuxuu macalin ka ahaa Dugsigii Cammuud,  waxaanu helay ishaaro,  wuxuu codsaday in loo beddelo dugsiga hoose ee ku yaalay Magaalada Zaylac,  markii uu halkaasi tagay ayuu Alifay Tawasul al Kabiir,  oo caan ku ah ( Salaamun salaamun kulla waqtin wa saacatin calaa kulli ahli Laahi Fii kulli Buqcatin),  Tawasulkani wuxuu soo kordhiyay inuu sheekhu ku mideeyay duriqii suufiyada, ee xiligaasi jiray sida qaadiriya, axmediya, idriisiya, shaadaliya, ama Zayliciya qaadiriya, Awaysiya qaadiriya ,IWM, kuwaasi oo sheekhu si isku mid ah isugu keenay Xadratul-awliyaa iyo Tawasulka salaamun salaamun kulla waqtin wa saaca calaa kulli ahli laahi fii kuli buqca, kuwaasi  oo ku abtirsada Ahlu sunnah wal Jamaaca, iyadoo  xiligaasi ay socotay dabayshii Wahaabiga,  ee intay ka soo kacdo khaliijka carbeed ku dhabanaysay dhulkeena,  oo wadatay siyaasad ah inay dab dhex dhigto duruqa suufiyada,  si ay u hesho meel ay ka soo gasho geyigan,  iyadoo xiligaasi socotay cadaawad ay daaha dabadiisa ka hagayso sucuudi arabiya,  si ay fongor u hesho, sheekhu wuxuu magaallada saylac ku soo alifay kitaabkiisa caanka ah ee la yidhaahdo :-   Irshaad Al Adkiyaa Fii xukmi Tawasul Bil awliyaa) Kitaabkaasi oo sheekhu alleh ha u naxariistee ku dhamaystiray caqiidada ahlu sunnah  wal jamaaca, uguna talo galay in ardayda loogu dhigo dugsiyada,  si uu ugaga hortago duufaanada caqaa,idka faasidka wada,  ee wahaabiga,  ee aad maanta arkayso siday u fideen,  iyadoo kitaabkaasi ay diiday in iskuullada lagu dhigto xukuumaddii kacaanku, ka dib markii uu siyaad bare u saaray guddi uu madax ka ahaa shuuke,  oo xiligaasi ahaa wasiirka wasaaradda waxbarashada, kaasi oo kitaabkii sheekha ku cilleeyay in kitaabkani uu sheikh isaxaaq Saado ku sheegay,  sidaasi darteed na uu maxamed siyaad barre ku yidhi:-  kitaabkani wuxuu soo saarayaa qabyaalladii aad aastay. Arrintaasi oo sheekhu aad uga xumaaday,  habeenkaasina uu Seexan kari waayay,  oo uu sheegay inuu ka baqay inay xamar xabashiyi qabsato , iyadoo arrintii uu sheekhu sheegay ay xiligan si yaab leh u dhacday,  iyadoo markii ay faaftay caqiidadii uu ka hor tagayay ay xabashidii qabsatay xamar,  nasiib darro- na ay Dawladii maxamed siyaad barre sabab u noqotay in laga hor tagi kari waayo in dhaliyaradii soomaaliyeed la galiyo caqiido la soo dhoofiyay,  isagoo sheekhu sii shegay oo yidhi :-  waxa dhici doonta hadii la qaban waayo kutubta ay nimankaasi akhriyayaan,  in soomaalidu maanta waxay ku nooshahay Bay ad diiniya oo midaysane inay isu bedesho fariiqooyin iska soo hor jeeda oo qoloba qolada kale ay gaalo ku sheegayso,   Taasi oo aynu Maanta inagu marag ka nahay sheekhana  ilahay sii tusay. .

Halkan ka akhri Tawasul Al- Kabiir – ka Sheikh Cali Xaaji Ibraahim.

التوسل الكبير للمؤلف

الشيخ على حاجى ابراهيم

نفعنا الله به اءمين

بدات ببسم الله نطم الوسيلة               واحمده حمدا يوافى بنعمة

وصليت بالمختار افضل مرسل           محمد الهادى الى خير ملة

وبعد فهذه دعوت واستغاثة                الى الله ارتجى بحسن الاجابة

ايا باسط اليدين بالجود والعطا          ويا واهب النعماء هب لى بنفحة

الهى بفضل منك فاقبل توسلى             ومن علينا يا كريم بنظرة

باسمائك الحسنى وباسمك الاعظم        وبكل اسماء لديك خزينة

وبسر ذاتك العلية فاستجب                دعائى وبسر الصفات السنية

بالآئك اللاتى مننت على الورى          تكرم علينا يا منان ببغية

وبالروح والاملاك فى فلك العلى         بتسبيحهم لله فى كل لحظة

بكل كتاب انزل الله بالهدى                وبكل آيات القرآن وسورة

وبالانبياء والمرسلين جميعهم            هدات الورى لدين نهج الحقيقة

وبقبة الخضرا ومن قد تشرفت            وفاقت به من كل ارض وبقعة

بزوارها فى كل يوم وليلة                 وبمسجد اسس فيه بتقوة

وبالعرش والكرسى واللوح والقلم        وببيتك المعمور ربى والسدرة

وبالعالم العلوى والسفلى وما            على الغيب من آياته والشهادة

وبالحجب والانوار والعالم الاسنى       وبرفرف الاعلى وببيت العزة

وبالحوض والميزان والكوثر وما       اتانا بالسمع من جلائل حكمة

وما كان مكنونا بعلمك سيدى            وما قد نراه من بدائع صنعة

وبسر ما كان من الامر بالقدر           وما قد يكون بالقضا والارادة

وبمسجد الاقصى وبالطور والقدسى     وبالحرمين الامنين وكعبة

وبالحجر الميمون  وماء الزمزم        وباالسعى ما بين الصفاء ومروة

وبعرفة والوقف فيها وبمنى               وبمشعر الحرام  بمزد لفة

وبالجمرات يا الهى ورميها                بسبعة احجار على كل جمرة

وبالحور والولدان فى جنة الخلد        ومن نزلهم فيها من اهل الكرامة

الهى بفضل منك فاقبل توسلى             ومن علينا يا كريم بنظرة

وامدنا ربى باسرارك التى                اودعت لديهم كل وقت وساعة

التوسل بالنبى واله واصحابه.

وبالمصطفى العدنانى نخبة هاشم          وخاتم رسل الله خير البرية

محمد المبعوث للناس رحمة            الداعى الى التوحيد نهج السعادة

وصاحبه السامى الصديق ابى بكر       ومؤنسه فى الهجرة والمغارة

وبعمر الفاروق من شاع عدله          من اظهر الدين بالقوى والشهامة

وعثمان ذى النورين من كملت له   المحاسن فى الدارين من دون مرية

بفارس اهل الله ليث المعارك          على وزير المصطفى بالقرابة

بطلحة الخير والزبير الحوارى      وسعد سعيد وابن عوف ذى الثروة

وبالمكنى ابى عبيدة عامر              وابن عباس العالم حبر الامة

بحمزة والعباس عمى نبينا            ومن عمهم ربى بشمل العباءة

بفاطمة الزهرا وابنيها حسن          حسين هما ريحانتى اهل الجنة

بسائر  اولاد النبى وآله                وازواجه الطاهرات وعترة

وبالبدرين الكرماء الاعزة            وبالسابقين الاولين بنصرة

وباهل احد بمستشهد به               برضوان من لباه من اهل البيعة

والباقى من الاصحاب والآل كلهم      واتباعهم والاولياء والائمة

الهى بفضل منك فاقبل توسلى          ومن علينا يا كريم بنظرة

وامدنا ربى باسرارك التى              اودعت لديهم كل وقت وساعة

التوسل بالاولياء والائمة.

بنعمان من قد قيل العلم لو رقى             باعلى ثرايا ناله بالعزيمة

وبمالك المشهورحبر المدينة          ومورد طلاب العلوم بفتوة

وبالشافعى من طبق الارض علمه      وعمدتنا بالدين عين الهداية

باحمد من كالطود بالعلم والهدى         بمسنده ابدى اسآنيد السنة

هم كالجبال الراسيات لديننا            مناهلهم تجرى من اصل الشريعة

بشيخ البخارى من سما بصحيحه       وبين الرواة كان سابق الحلبة

وبمسلم المشهور من بصحيحه          فكان المصلى عند اهل الحقيقة

بشيخ النسائى  وابن ماجةوالترمدى     كدا بابى داؤد كا مل  الستة

بسائر حفاظ الحديث ومتنه              فيافوزهم نالوا باشرف الرتبة

وبالاشعرى والماتريدى من هما       امامان فى لتوحيد عند الجماعة

وبالمزنى والبويطى والاسنوى        وبالرافعى والنووى العلامة

بشيخ الجوينى وابنه عابد الملك       بسلطان العلماء عز الفهامة

بشيخ الخطيب وابن المقرى والهيتمى   واحمد الرملى هم اهل حكمة

وبزكريا وابن قاسم وابى                شجاع بشيخ المحلى ذى الجلالة

باويس القرنى وبحسن البصرى             كذا بجنيد شيخ كل طريقة

وبالباز عبدالقادرالجيلى الذى                اقرت جميع الاولياء للمزية

وبالقطبى احمد الرفاعى من حظى     يدا المصطفى فى القبر فاز بقبلة

بشيخ الدسوقى والدميرى والديلمى   والديرديرى الربانى هم اهل رفعة

واحمد ابن علوان احمد البدوى       واحمد بن ادريس اهل الصبابة

وابن عطاء الله احمد ذى الحكم      واحمد بن رسلان صاحب الزبدة

باسحاق جدى من تشعشع نوره         على سائر الاقطار مع اهل تربة

واولاده السادت اهل المفاخر            واحفاده الامجاد من اهل الطاعة

وبالشاذلى من شاع فى الناس فضله    والشيرازى والشعرانى اهل الشكيمة

بشيخ الشعيب المغربى والشاطبى     والشبلى والشيبانى اهل الولاية

وبالسهروردى والسيوطى الذى اتى    الى الناس نفعا بالتاليف الجمة

وبحجة الاسلام من فاز بالمنن          باحيائه احيا قلوب الاكنة

وبالمرسى ابى العباس وعلى  ال        خواص وعلى الوفا اهل جذبة

وبالبوصيرى والبرعى وابن الفارض     كذا بابن عربى هم من  اهل لوعة

وبيوسف الكونين كنز السرائر        وبيوسف النبهانى صاحب المدحة

وبالمرغنى والسنوسى وحسن         حسين ابن ملكا كان صاحب راية

وبالعيدروس العدنى وجوهر             وبالعلوين الكرام  الاجلة

بزيلعى ابراهيم ذى الفخر والتقى        بزربين وسعد لدين سيف لملة

بعبدالرحمن الزيلعى الذى اشتهر       بمقدشى اسماعيل شيخ الطريقة

بشيخ ابن احمد المسمى كبير عمر      بمن هو احيا قطرنا بالهداية

وبابن بلاله شيخ يوسف من سقى       لوراده بالعلم من فيض حكمة

وبمطر المشهور بالعلم والتقى          بانجاله من هم له كالاهلة

وبابن الاله موسى الموصى بتقوة  وبابن دعاله موسى صاحب الحضرة

بشيخ ابن نوح ادم ذى المزية      حباه الهى بالذكاء وفظنة

وبشيخ عثمان ابن نور الذى قضى     على عمره فى طاعة واستغاثة

وبشيخ ابراهيم ابن احمد الذى           تخصص فى راى وعلم وحكمة

بنجليه احمد كذا بمحمد                   واخوانهم احبابهم والعشيرة

واحمد بن بون واحمد بن بله             واحمد بن حسين شيخ العقيدة

بشيخ جامع الذى تملك نفسه             وابنائه الاقطاب هم اهل رفعة

فمنهم على وابنه ومحمد                 وعبد السلام الكامل بالولاية

وبالقطبى عبدالله ابن يوسف         وبالبكرى محمود فى ضمن اخوتى

وبيوسف البحرى اعنى ابن محمد     بمدح رسول الله نال برتبة

بشيخ اويس القادرى وقاسم البراوى    وبشيخ الصوفى ذى الكرامة

بشيخ ابن خلف براوة وعلى        كدا بابن حرسى على ذى السماحة

وبابن وعيس ادم ومحمد              وبمفتى ابراهيم مبدى البلاغة

كذا بابن ورفاعمروابى بكر           وبعمر المارسى عين الاحبة

بحسن ذى الشعر الكبير ابن احمد        كذا بالشقيقه الماهر بالنساخة

وبعينجل المشهور بالزهد والتقى      بعبد الرحمن المفحم ذى الفصاحة

وبيوسف النورين من ظهرت له         خوارق عادات له بعد موتة

وبيوسف الشيخ ابن مامة امدنا          بجبريل جد لى يا الهى بجنة

وبدندراوى وزميله صالح                بشيخهما الرشيد عمنا بالسلامة

وبشيخ اسماعيل من شاع واشتهر       بدرويش حقا كان صاحب غارة

وبشيخ دبد الذى كان شانه              دراسة علم فى البلاد وقفرة

وبحسن الوعد وبحاج حسن            كذا بحسين فره بحبر الفهامة

بصوفى سليمان الذى شاع امره    وفى حسن ظنى كان من اهل حظوة

وبعمر المسكين وعمر نورية         وعمر فرلو من صفا بالنزاهة

بمن هو مشهور باوقطب الذى        ثوى مركز التعليم  قرب المحطة

وبآادم المشهور الشاهد الاكبر       وبالحافى ابراهيم ليث العرينة

بمحمود اى بن اوعلى بن قبلح       الذى قد تسامى بالعطا والسماحة

بشيخ ابن ورسمه المولع بالوعظ    على اهل اللغو فى مواطن الغفلة.

سلام سلام كل وقت وساعة            على كل اهل الله فى كل بقعة

سقى ربنا فى كل يوم وليلة             سحائب رضوان وروح ورحمة

وجاد ثراهم  جود روح ونفحة        وطيب ماواهم بطيب الكرامة

اتاكم عبيد مذنب وهو يرتجى         نداكم باذن الله فى نيل بغية

سالتك يا ربى بهم وبسرهم             بفتح واحسان لنا والعطية

وعفو وعلم نافع لى وللورى           وعيش رغيد بالهنا والمسرة

وعمر مديد بالعبادة والرضى          وعافية يا رب فى كل لحظة

وسامح الهى كل ذنب جنيته            بمغفرة تمحوا الصدى والخطيئة

مع والدينا يا الهى واخوتى             وعم جميع المسلمين بنظرة

وصلى على خير الانام محمد         مع آله وصحبه والقرابة.

Qofka doonaya inuu tawasulkan oo la akhriyayo inuu dhagaysto  wuxuu ka dhagaysan karaa website ka xadrada ee cinwaankiisu yahay www.hadrtul-awliya.org

Intaasina waxa aynu kaga baxaynaa Aasaaskii Xadratul Awliyaa, oo  wal-Xamdulilaahi rabil Caalamiin, Ilaa Maantana way socota Muddo ka badan Nus qarni.

Kaalintii cilmi ee sheekhu ka qaatay markii ay dadku ku wareereen Tagitaankii uu Bani aadamku Gaadhay Oogada Dayaxa.

Sheekh cali xaaji ibraahim isagoo ilaahay Faham wayn u siiyay Diinta Islaamka & sirta ubucdeeda jiifta,  ayuu markii la hadal hayay inuu bani aadamku gaadhi karo oogada dayaxa , ayuu ku sii ijtihaaday Aayadaha Quraanka & Xadiiska Nabiga Csw,  waxaanu ka helay Aayado  badan oo si toos ah & si dadban- ba uga hadlaya, inuu bani aadamku kor uga bixi  karo dhulka, isla markaana  gaadhi karo meelo ka mid ah samada sida Dayaxa & Meerayaal kaleba, isla markaana aanay Quraanka & Xadiiska Nabiga csw,  midna aanay ku jirin wax ka mamnuucaya bani Aadamka inuu sare u baxo,  balse ay ku iiraan wax ku dhiiri gelinaya inay u fiirsadaan iyo inay  isku dayaan inay kor u baxaan- ba, .waxaana ka mida Aayadahaasi :-

(يا معشر الجن والانس ان استطتم تنفدوا من اقطار السموات والارض فانقدو لا تنفدون الا بسلطان  )                                ولو انا فتحنا لهم بابا من السما فظلوا فيه يعرجون لقالوا انما سكرت               (      ابصارنا  بل نحن قوم مسحورون

Iyo  Axaadiis dhawr ah oo nabiga csw laga wariyay, kuwaasi oo sheekhu uu ku sheegay kitaabkiisa Qalaa,idka la yidhaahdo oo uu ka mid yahay chapter la yidhaa ( Wu suul al insaan fawqal Qamar ),  kaasi oo aanu dhawaan soo ban dhigi doono oo wax yari ay ka hadhsan tahay Tarjumadiisa,  hadduu Alleh raali ka noqdo..

Hadaba,  Sheekhu Alleh ha u naxariistee isagoo ka waramaya siday u dhacday, dhacdadaasi oo aad layaab u lahayd xiligaasi,  dadka ( culimo & caamaba)  aad looga wareeray,   kana mid ah waxyaalaha aadka u waawayn ee lagu xusuusto cilmiga xeesha dheer ee uu ilaahay siiyay Sheikh Cali Xaaji Ibraahim, isagoo xataa qaar badan oo ka mid ah  culimada dunida islaamku  aanay  xiligaasi gaadhsiisnayn halkaasi, wuxuu yidhi isagoo inooga waramay sida ay wax u dheceen –

“”  Aniga oo halkan Hargeysa Jooga ayaa la ii keenay warqad bedel ah oo la igaga bedelayo Wasaaradii tacliinta, la iiguna magacaabayo La taliyaha dhinaca shareecada islaamka ee Maxakmadda sare ee soomaliya aniga oo  u ambabaxaya muqdisho,  ayaa waxa halkan iigu yimid, nin Reer Hargeysa ah oo nootaayo ku leh magaalada oo la yidhaahdo Dhamac ( ninkaasi oo ilaa imika nool),  waxaanu igu yidhi :-  Sheikh waxaan arkay riyo aad u cajiib ah, haye wuxuu yidhi, waxaan arkay iyadoo wax wayni dheceen oo dadkii aad u wareereen, markaasi ayaad na intaad kacday na wacdiday,  markaad dhammaysay ayuu Nabigii Csw kaa daba kacay,  markaasuu yidhi :-  waar Xaqii waa sidaa Sheikh Cali idiin sheegaye raaca, sheekhu wuxuu yidhi:-  markaasaan ku idhi imika Xamar baan u socdaayoo waxa la ii magacaabay inaan la taliye dhinaca shareecada islaamka ah u noqdo maxakamadda sare ee soomaaliya,  markaa inay taa tahay ayaa laga yaabaa, markaasuu Dhamac igu yidhi Sheikh anuu taan arkay Maxakamad ka waynayd, markii aan Xamar tagay ayay arrintii dhacday oo Apollo 11 uu dayax dul tagay, markaasay dadkii isla keceen oo qaar culimadii ka mid ahi ay yidhaahdeen qofka rumaystaa waa gaal, markaasaa Dawladii ii yeedhay oo ay igu tidhi Sheikh Caliyaw Idaacada tag oo ka sheeg sida ay diidntu ka qabto arrintan dhacday, markii aan idaacadii ka sheegay Aayadihii aan hore u sii diyaariyay iyo xadiiskii Nabiga Csw na aan  sheegay ee aan idhi waa la tagi karaa caqli ahaan & sharci ahaanba, sammaduna albaab xidhan oo Dayaxa inoo diidaya malaha, waayo Qoraxda oo Dayaxa aad uga fog ayuu iftiinkeedu ina soo gaadhaa, hadii uu saqaf xidhani jirana innama soo gaadheen, Diintuna inay mustaxiil ka dhigto iska daaye ,waaba Ballan ilaahay uu qaaday oo fulaya Aayada Quraanka Kariimka ah ee ilaahay yidhi :-

سنريهم اياتنا في الافاق و في انفسهم حتي يتبين لهم انه الحق)   )

Markaasay igu yidhaahdeen Sheekha Maraykankaa lacag siiyay,  Sheekhu Alleh ha u naxariistee intuu aad u qoslay ayuu ka sheekeeyay,  mar uu culimada Hargeysa kitaab uga bilaabay masjid jaamaca Hargeysa,  wuxuu yidhi :  waxa ii yimi Sh. Faarax Wadaaje oo igu yidhi Sheikh noo bilaw kitaabkii cilmi falaga cid kale oo halkan joogta oo noo akhrida ma haynee, markii masaajidkii kitaabkii ka bilaw  aan is idhi,  ee ay culimmadii  hortayda ay xalqad fadhido,  ayuu soo kacay Sh Faarax Wadaaje , markaasuu igu yidhi :- intuu dhagta ii saaray , Sheikh Dayaxii ha la soo qaadin , way kala yaaciye, markaasaan waayay ku idhi,  markii aan cashar kii ka baxay,  ayaan is idhi culimadaasi dhacdo waaqiciya oo dadku ay arkayaan , marka ay dafiraan,  iyagoo culimo ah, Diintii ay ka tarjumayeenna ay sii sheegtay,  saw nuqsaan ku noqon mayso Diintii oo dadka casriga ahi odhan maayaan waa dhacdo cilmiya oo waaqiciya ee diinta fahma , markaasaan la dar daarmay , waxaan ku idhi:-  Culimooy saw caqiidada inooguma jirto in ilaahay wixii uu doono uu awoodo?  oo wixii mustaxiilka ahaa uu jaa,is ka dhigi karo hadii ay qudradiisu ku tacaluqdo? , haa bay yidhaahdeen,  waxaan ku idhi:-   waar hadaba Culimooy Dayaxa lama tagi karo uun ha odhanin’ee , waxaad tidhaahdaan hadduu ilaahay doono waa la tagi karaa,  taasaad ku nabad gelaysaane,  sidaa yeela ayaan ku idhi, markaa Ilaahayna  Swt Quraanka ayuu ku yidhi :-  ( hadii  aanu albaab sammada uga furno oo ay ka koraan waxay odhan lahaayeen indhahayagaa la sixirayaa ) ,

ولو انا فتحنا لهم بابا من السما فظلوا فيه يعرجون        ,

لقالوا انما سكرت ابصارنا بل نحن قوم مسحورون

Kaalintii sheekhu ka qaatay Ka hor taga Faafidda caqiidada Wahaabiga.

Sh Cali Xaaji Ibraahim,  wuxuu soo joogay dhulkan oo masaajid walba laga akhriyayo Mawliidka Nabiga Csw,  oo saligu isu baxayo, horaantii todobaatanaadkii,  ee ay dunida muslinka ku dhabatay dabayl Nuxus wadata,  oo ka soo kacaysa Najdi,  ayuu Gaashaanka u daruuray Inay Inaga bakhtiiso Siraadka Islaanimada, halkan waxa uu ku xidhay Ina xayle oo noqday ninkii 1aad ee Magaalada Hargeysa ka dhex yidhi Mawliidka Nabigu waa xaaraan,  sheekhu markii ay u cadaatay inuu badheedhayo,  ayuu u tagay Badhasaabkii wakhtigaasi, oo la odhan Jirey Gen. Maxamed Cali Mire,  waxaanu u sheegay inuu ninkaasi Hargeysa si Badheedh ah ugaga dhex khudbadeeyay inuu Mawliidka Nabigu xaaraan yahay,  Markaasu yidhi Aniga & Nin Nabi Muxmmad Csw Diidani Hargeysa wada Joogi mayno,  sidiibaana lagu qoray warqadii xadhiga ahayd , muddo markuu xidhnaana,  waa la mastaafuriyay,  Ina Xayle,  isagoo jooga Magaallada Dhagax Buur, ayuu Nabar Caloosha ka soo baxay,  kolba wuu sii kordhay,  ilaa uu aakhirkii Ku  Qarxay, oo malaxii ka soo butaacday,  qarax miino u eg,  sida ay sheegeen Rag Waawayn,  oo looga qaateen ah , oo Reer Dhagax Buur ahi,  Qadhmuunkii wixii ka soo baxay Calooshiisa ayaa laga Dareeray Magaallada Dhagax Buur, waxaasina waxa weeye Nacca iyo Naxliga uu Nabi Muxammad csw uu u hayay iyo xaqiraadda uu xaqirayay .

Isaga iyo Qayrkiiba intii sheekhu noolaa  waxba way ka socon waayeen, mus kasta oo ay dabada  galiyeenba,  waran ololaya ayuunbuu Sheekhu  ka dabagelinayay, wuxuu Sheekhu  hal ku dheg uga dhigay dagaalkaasi ( Siraadka islaanimadu,  waligii ka bakhtiyi mayo,  dhulka soomaalida, dabayl baa inagu dhaban doonta,  waxaanay u baahan tahay in saliidda loo kordhiyo).

Sheekhu wuxuu sheegay xarako wahaabiyi wax kasta oo ay sameeyaan,  inaanay waligood,  ina qabsanayn,  hadii ay isku dayaana inay dhabarka inagaga jabi doonaan.

Dhammaan ragii ka soo baxay jaamacadaha khaliijka,  ee xiligaasi hogaaminayay dabaysha wahaabiga ah,  ee xarakadaha ikhwaanul muslimiin la baxay,  wuxuu sheekhu uga digay inay faafiyaan,  caqiidada la soo dhoofiyay.ee gayigan lagu khal khal gelinayay,  waxaanu mid walba kula dooday si cilmi ah,  qaarna way ku qanceen doodiisii,  qaarna way ku sii adkaysteen habawgii ay ku jireen.

Manhajkii Diinta iyo Luuqada Carabiga

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Wuxuu ahaa aabihii diyaariyay manhajkii Diinta iyo af carabiga, ee xiligaasi lagu baranayay dugsiyada aasaasiga ah,  isagoo gaadh ka hayay inaan la bedelin,  wax caqiidada khilaafayana aan la dhex gelin,  mar ayaa waxa dhacday in nin la odhan jiray ina waari wallo,  oo ahaa madaxii manaahijta soomaaliya,  uu galiyay muqararkii fasalka 5 aad ee diinta,  in Nabi Ibraahim Cs uu yahuudi ahaa, sheekhuna taasi ayuu aad uga cadhooday,  wuxuu tagay wasaaradii tacliinta ee soomaaliya,  oo xiligaasi uu DG ka ahaa saleebaan Maxamuud Aadan,  markaasuu sheekhu ninkii dacweeyay oo uu yidhi ma inaga oo islaam ah, oo  quraankiina uu leeyahay ( Nabi ibraahim muu ahayn Yahuudi & Nasraani midna) ,  ayaad muqararka inoogu qorteen nabi ibraahim wuxuu ahaa yahuudi, Sheekhu kamuu hadhin,  ilaa uu ninkii ina waari wallo ka xidhay,  kitaabkiina ka saxay, umanay suura gelin  cadaw kasta inay wax gashadaan Manhajka, si  dad -ban & si toosa midna,  intii uu Sheekhu noolaa,  Alleh  ha u naxariistee.

Maantana waad ina arkaysaa,  sida aynu Bandhig ugu noqonay,  afkaar Ajanabi iyo Manaahij qalaad,  oo nin waliba wuxuu doono uu caruurteenii ugu dhigayo,  iyada oo Dawladeenii Hargeysa fadhido,  oo ay intan inoo jirto, ayaynu Tiih ku jirnaa,  oo aanay cidiba is waydiinayn Baarlaman & Guurti iyo aqoonyahan midna,  waar maxaa loo dhigaa caruurtan?  waa maxay waxan oo dirays gaara & iskuul gaara?   xataa caruurta,  mustaqbalka ka  soo bixi doonta, ayaanay qolona qolo fahmi doonin,  maxaa yeelay ! !  isku manhaj waxba kumay baran,  iyagoo Hargeysa wada jooga,  ayay kala xambaarsan yihiin afkaar  khaldan & aqoon laga soo kala dhoofiyay cidhifyada caalamka,  sidii wax looga qaban lahaana,  waxay u taalaa inta Dareen san,  ( RAQBA WAA KU RAGEED ).

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somali land Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  waxaan ka codsan lahaa,  inuu wasaaradda waxbarashada,  inoo geeyo dad Educationis ah,  oo Dareemi  Kara, khatarta uu leeyahay,  Manhajka lagu dhigo Iskuullada gaarka ah ee Diinta,  iyo Tafaraaruqa Manhaj & Tacliimeed,  Cid Qorshe u samayn karta,  oo la socon karta, waxa ka socda Dugsiyada Gaarka ah ee Diinta,  Isla markaana xil iska saari karta,  inaanay caruur teenu noqon miino  mustaqbal ka dhaw  inagu qaraxda, si kasta oo aanu mawduucani u khusaynin,  isla markaana aanan ugu talo gelin,  inaan  ku soo qaado Eedo gaara ah,  haddana, Madaxwaynaha waxaan u dirayaa qaylo dhaan ah, inuu wasaarada Waxbarashada ku sameeyo Beddel Deg deg ah,  iyadoo aanu hore ugala hadalnay Mawduucan Manhajka,  Gabadha wasiirka ah  qudheeda,  anagoo kuwada socona,  dad Odayaal ah,  oo Reer Hargeysa ah, oo ay noogu jawaabtay Hadalo dheel dheel ah oo aan mudnayn in halkan lagu qoro iyo in laga maqlo afkiisa  qof Tacliinta Madax ka ah  toona..

Dhinaca Caddaalada & Garsoorka

Sheekhu isagoo ah madaxa Manaahijta gobollada waqooyi  ayuu xamar  tagay 1967 kii,  waxaanu kula kulmay Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal & C/rashiid Cali Sharmaarke, iyada oo ay soo dhawdahay Doorashadii xiligaasi,  waxaanu ku yidhi:-  hadii ilaahay xukunka idiin dhiibo Diinta u gargaara,  Maxakamadda sare ee soomaaliya oo uu wali madax ka yahay ninkii talyaaniga ahaa ee isticmaarku ka tagayna ka kexeeya,  oo u dhiiba qof dadkeena ah dad badan oo qaban karaya ayaa jira, markaasi ayay Sheekha ballankaasi ka qaadeen,  markii ay xukunkii ku guulaysteenna waxay maxakamaddii sare madax uga dhigeen,  nin la odhan jiray Buur xakaba,  sheekhiina   waxa loo magacaabay inuu noqdo la taliyaha dhinaca shareecada Islaamka ee Maxakamada sare ee Jamhuuriyadii soomaaliya,  sidaasuu ugu wareegay dhinaca Caddaalada & Garsoorka, muddo dheer markuu ka soo sheqeeyay waxbarashada.

Sheekhu markaasi waxa uu soo qabtay shaqooyin badan,  waxa loo keeni jiray,  xukunka kasta oo ka soo baxa Degmo kasta oo Maxakamadi ku taalo,  marka loo geeyo koobiga Xukunka wuxuu saari jiray miisaanka shareecada,  wuxuu eegi jiray siduu xukunkani u dhacay, siduu qaraarka u gaadhay Qaadigaasi,  waxaanu ka war bixin jiray,  xukun kasta iyo qaraar ka cidii soo saartay,  Garsoorayaal badan ayaa markii uu ka warbixiyay shaqadii laga saaray,  ee uu sheegay siday dulmiga u samaynayaan iyo siday uga hor imanayaan shareecada,  wuxuu ka qoray dhawr kitaab oo uu ugu wayn yahay ( Al fataawa Wal aqdiya Sharciya ),  oo aan wali la daabicin,  burburkiina ka soo hadhay Insha Allaahuna la daabici doono.

Masaajidada & Awqaafta.

Markii uu Kacaanku qabsaday,  sheekha waxa loo soo bedelay Hargeysa,  waxaana loo magacaabay kormeeraha Masaajidada & arimaha Diinta ee Gobolada waqooyi, xafiisna waxa laga siiyay Maxakamadda Goodirka,  ( halka ay hadda tahay Maxakamadda sare ee Somali land ),  Sheekhu markaasi wuxuu markiiba sameeyay tira koobida masaajidada,  ku yaala dhulkan iyo hantidooda ay leeyihiin ee awqaafta u ah,  imaamyadooda ayuu shiriyay,  masaajidadii wuxuu u furay account loogu ururiyo Dakhliga ka soo xerooda awqaafta ay leeyihiin,  si loogu dayactiro marka ay masaajidadu u baahdaan,  wuxuu sheegay inaanay shareecada islaamku u ogolayn Imaamka inuu wax ka cuno awqaafta masaasjidka,  waxaanu sheegay hadii uu cuno sida ku qoran kutubta fiqiga inay xaaraan tahay in lagu dabo tukado,  waxaana Imaamka mushahar siinaysa Dawladda ee Lacagta masaajidka shaqo kuma laha,  waxa qudha ee mushahar laga siinayaa Mu,adinka Masaajidka,  Marka acountkaas lagu shubo markii uu masaajidku wax u baahdo waa la soo qiimaynayaa,  Imaamka ayaa soo sexeexaya,  ka dibna Sheekha oo ah kormeeraha guud ayaa la sexeexaya,  sidaasaa lagaga soo saarayaa Baanka,  in kasta oo sheekha taasi aad loogu khilaafay,  hadana isagu kamuu hadhin,  ilaa uu nidaamkaasi qotomiyay.

Waxa kale oo sheekhu ka shaqaynayay,  in Masaajid kasta oo magaalada Hargeysa ku yaala,  Habeen kasta oo jimce ah laga akhriyo Mawliidka nabiga Csw,  wuxuu u soo iibiyay masaajidada kutubtii Mawliidka,  kolba wuu u qaybin jiray waanu ku kormeeri jiray inay akhriyayaan Mawliidkii iyo inkale,  waxa kale oo uu sheekhu ka shaqayn jiray,  in masaajidada lagu tukado salaadaha jimcuhu ay noqdaan qaar cayiman,  oo aan la kala tafaraaruqin salaadii jimcaha,  isla markaana aan la xad dhaafin tirada masaajidada,  oo aanay aad isugu dhawaan,  si aanay meesha uga bixin xikmadii salaada oo ahayd in la muujiyo midnimada ummada muslinka ah,  waana in masaajidadu aanay aad isugu dhawaanin,  sida maanta muuqata,  waana in lagu saleeyo dadka iyo inta uu u jiro masaajidka ugu dhawi,  sidoo kale masaajidku aanu noqon mid kooxi leedahay,  oo laga baahiyo afkaar khaas ah, oo aanay dadka muslinka ah ka dhex muuqanin koox gaar ah,  oo leh caalamad gaar ah oo diimeed,  oo dadka intooda kale  Diinta  ka sheegata, maadaama ay dadkeeni oo dhami yihiin dad muslim ah,  sida Nabigu yidhi Csw ( kun maca naas ka axadi naas ),  in khudbadaha masaajdada ka baxaya,  iyo kuwa suuqyada lagaga wacdiyo dadku,  aanay noqon qaar fitno abuur ah,  oo dadka iska hor keenaya,  ama ka dhaadhicinaya afkaar khaldan, .oo ay kooxi leedahay,  ee waa in cidii dadka wacdiyaysa,  ama  Imaam u noqonaysa,  ay noqoto cid dalka & dadkaba  nasteex u ah,  oo lagu aamini karo dhagaha dadkeena,  si aanay u dhicin in fursad loo helo oo  dadka caammada ah si khaldan wax loogu sheego,  ama looga dhaadhiciyo,  taasi oo sababaysa dhibaato wayn oo mujtamaca khatar ku ah, isla markaana  ay yihiin dad buuxinaya shuruudda ay leedahay Al amru bil Macruuf wa nahyu canil Munkar Caqiidadoodana la hubo.

Nimcada caado waxa u ah,  in marka la waayo uun la tabo,  qofku intuu caafimaad qabo ma dareemi karo qiimaha uu caafimaadku leeyahay, maanta waxayu arkaynaa,  inagoo qarniyo badan muslim soo ahayn,  in markii ugu horeysay,  ay jiraan wadaad xumo yaal ilaa xad gaadhay,  oo xataa caruurtii intay halkan ka kexeeyaan meelo kale gaynaya,  kana dhaadhicinaya in dad muslin ah la laayaa inay sharci tahay,  waxaynu arkaynaa dadkii oo ku wareeray  inta wacdi ee iska soo hor jeeda,  ee midba wax xaaraan tinimaynayo,  waxna gaalo ku sheegayo,  waxaynu arkaynaa in dad muslin ah dhiigooda la leeyahay jano ayaa lagu galayaa,  iska daa dhiige,  inta la laayo,  hadana la gubo,  hadana la googooyo,  oo 3aas ficil,  oo mid waliba Gaarkiisa ay Diintu u xaaraan tinmaysay,  is qarxin lagu galo la odhanayo Jannaa lagu galayaa,  waxaasi oo dhamina waa midhii ka soo baxay wacdi qalooca iyo wadaad muraad leh,  oo ilaahay & Rasuul toonna ujeedin oo caruur & Dumar cidla ka helay,  ilaa uu ka dhaadhiciyay inteenan mooyee inta kale oo dhami waa gaalo.

waxa markaasi cadaanaysa,  in Sheikh Cali Xaaji Ibraahim,  iyo rag badan oo ka mida awliyadii dhulkeena,  ee Caanka ah,  ay sabab u ahaayaan,  in dadkeenu ku noolaadaan muddo aad u dheer Jawi diimeed oo caafimaad qaba,  iyadoo mid waliba marka ay xiligiisa joogto uu halkaasi ka sii wadayay ilaalinta caqiidada ummada,  waayo Horaa loo yidhi:-  ( Cibaadada Culimadu waxa weeye Ilaalinta Caqiidada dadka, cibaadadad dadkuna  waxa weeye inay ku cibaadaystaan caqiidada ay culimadoodu bartay gaadhkana uga hayso ).

Markaas iswaydii,  maxaa maanta waxa dhacay ay Hore ugu dhici waayeen? Jawaabtu ma adka,  ee waxa weeye rag baa hor taagnaa maantana Ragiiba meesha ka baxay,  oo wax beddela,  oo si dhab ah xilkoodii uga soo baxa,  ayuu dadku waayay,  markaasu Dacaw & YeY Dadkii wadaad u noqday,  waa kuwa maanta Loo Yaqaano Bahal Gadh leh..!!!!

Ilaahay waxaan Ka baryaynaa inuu inoo Buuxiyo Gaabkaasi Banaan,  oo uu Ummaddan  ka soo gaadho Nacab sheikh u noqda, .

Waxa la yidhi:-   sheydaankiiba markuu ka yaabay wadaadkan aakhiro sebenka, ayuu  u yimid oo ku yidhi:-  waar yaa wadaad inaadeer ma waxaad innamadan ka dhaadhicisay intaad muslin layso hadana is qarxi oo ka sii horee Ilaahay baa janno ku geline?  kolkaasuu wadaad kii yidhi:-  Haa,  mar haday aniga madax iga dhigan waayeen,  saw murtadiin maaha,  markaasuu sheydaankii ku yidhi:-  waar anigu ilaa Haabiil & Qaabiil ayaan ku lahaa  dadka wax dila oo baxsada  ee ‘ kolhadaad ka dhaadhicisay la dhinta oo jano gala ! !  Adigaan  Sheekh Kaa dhinaganayaa Maanta laga Bilaabo, waa sheeko aad u fiican, oo sheegaysa in wadaadka xumuhu  uu sheydaankii ka shar badan yahay, maxaa isu keenay sheydaanka waxa ku filayd Acuudu  Bilaahi Mina sheydaani Rajiim,  Wadaad xumuhuna  Isagaa ba 30 kii Jis Fasiraya.

Dhacdadii Culimmada Lagu Laayay.

Sh. Cali Xaaji Ibraahim,  Markii uu Maxamed siyaad Barre,  soo saaray xeerkii qoyska,  ee uu dafiray Aayada Quraanka Kariimka ah,  ee ku jirta Suuratu Nisaa, isagoo Hargeysa Jooga ayuu yidhi:-  waxa Riyo iigu yimi Malag xidhan  Dharkii soomaalida ee 2 go ee cad cad,  waxaanu igu yidhi:-  Sheekh Caliyaw waxaad u tagtaa Maxamed Siyaad Barre,  oo waxaad ku tidhaahdaa,  Ka noqo Aayadda Quraanka ah ee aad  Dafiray,  hadii kale,  waxa la ii soo diray,  Inaan rafaco,  ( Qaado ),  Amarkiisii Dadku qaadanayeen,  Markaa Amar danbe laga qaadan mayo,  markii Sheekhu xamar tagay,  wuxuu la kulmay culimmadii xamar joogtay,  oo wuxuu ku yidhi:-  waar ninkani waa jaahil oo Diin aqoon uma laha,  ee horta intaynu la kulmayno,  ee aynu u naseexaynayno,  ha hadlina iyaguna Intay sheekhii waayay ku yidhaaheen,  ayay haddana isla maalintii khudbadeeyeen,  ka dibna waa la laayay, wasiirkii Diinta u qaabilsanaa ayuu sheekhu u tagay oo uu ku yidhi:-  waar ii gee adaa Diinta uga masuul ahe’  kaasina wuu baqday,  wuxuu Sheekhii ku yidhi:-  Sheikh anuu nin siyaaysiya ayaan ahay,  oo Nin Diini ahba ma ahi,!!!!!

Sheekhu intaasi ka dib,  waxa uu u soo kacay Hargeysa,  isagoo Gen Bille Rafle, oo halka Badhasaab ka ahaa,  uu culimmadii shir u qabtay isagoo rabay inuu sidii xamar oo kale yeelo, culimmadii oo qiira qiire ku jirta oo la rabo inay dawladda ku raacaan Xeerkaasi khaldan ama la laayo,  ayuu Sheekhu yimi,  isagaana ay culimmadii Af Hayeen ka dhigteen,  markaasuu Bille ku yidhi:-  waaryaa Bille,  adiga ma waxa kuu fiican in gobolkaagu kuu degganaado,  mise inuu kaa qasmo?  markaasuu Bille yidhi :-   mayee inuu Deganaado ayaa ii fiican markaasu sheekhu ku yidhi:-  haddaa Dawladu arintan xamar ayuunbay ka sheegtay adigana dhaqan gali kumay odhan ee maxaad u soo raranaysaa dhibaato aan kuu dhawayn,  markaasu sheekhii ka  aqbalay Ergadii kana noqday, meeshiina sheekhaa ka khudbadeeyay oo sheegay xaqa ay Dumarka Diintu siisay,sidaasaana halkan lagu kala bedbaaday..

I l A A H AY B A A        M A H A D           L E H .

A/raxmaan Axmed Koosaar.