GOLISNEWS

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo sheegay in ay dib ugu noqonayaan tirinta Codadkii Musharixiinta Degmadda

Hargeysa(Golisnews) Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ciise Xamari ayaa goor dhaweyd Saxaafadda u sheegay inay Hakiyeen natiijadii Ku meel gaadhka ahayd ee Degmadda Hargeysa isla markaana ay dib ugu noqonayaan Tirinta Codadkii Musharixiintu kala heleen.

Eng Ciise Xamari waxa uu sheegay sababta keentay arrintaasi inay tahay tabashada ay Musharixiintii tartamaysay ka keeneen Codadkoodii iyo sidii loo Bogsiin lahaa Rabshadaha Dhiigu ku daatay ee ay keentay arrintaasi.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ciise Xamari waxa uu ilaahay uga baryay dadkii ku dhintay inuu Naxariistiisa jano geeyo, kuwa ku dhaawacmayna uu Caafimaad ugu bedelo, isagoo guud ahaan shacabka Reer Somaliland iyo Qoysaskii ay ka baxeen uga Tacsiyadeeyay khasaaraha ka dhashay Natiijadaasi.

“waanu ku kalsoonahay Natiijadii laakiin si loo hubiyo loona qanciyo Musharixiinta waxaanu go’aansanay inaanu dib ugu noqono, sidaasna waxaanu isla qaadanay Xisbiyada iyo Ururada oo dhan” ayuu yidhi Ciise Xamari oo la hadlay warbaahintu

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH