GOLISNEWS

Habeenka dhiirgelinta hal-abuurka iyo Hibooyinka dahsoon ee Dhalinyarada Somaliland oo xalay Hargeysa Lagu qabtay

Hargeysa(Golisnews)25/01/2012  habeenkii xalay ahaa waxa huteel Imperial ee magaalada hargeysa lagu qabtay kulan suugaaneed lagu dhiiri gelinayo dhalinyarada abwaanada ah, Habeenkan oo loo bixiyey “ Habeenka Dhiirigelinta Hal-abuurka  iyo Hibooyinka Dahsoon ee Dhalinyarada”  ayaa waxa soo qabanqaabiyey dalada SONYO.

 

 

Waxa iyagu madashan goob joog ka ahaa Abwaanada Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi iyo Axmed Awgeedi, xaga siyaasada waxa goobta joogay gudoomiyaha ururuka NASIYE Iyo  Xoghayaha ururkaasi, iyo weliba gudoomiyihii hore ee gobolka maroodi jeex waxa kale oo madasha joogay Faadumo Siciid oo aalaaba dhalinyarada iyadu dhiirigelisa.

 

Habeenkan ayaa waxa gabayo cajiiba ku soo bandhigay Hal-abuurada da’da yar yare e Cali Maxamed Ibraahim (Dhaaniniye) iyo Axmed Cali Axmed (Cantar) oo ahaa iyagu 2da wiil ee kulankan loo qabtay Dhanaaniye  ayaa isagu waxa uu ka soo kicitimay Gobolka Toghdeer gaar ahaan magaalada  Burco halka uu Cantar na ka yimi dalka Uganda gaar ahaana Kampala.

Waxa ay hal-abuuradu soo bandhigeen suugaan aad u heersaraysa oo ka hadlaysa waayaha kala duwan ee dadka iyo dalka iyo weliba xaalka Tahriibka iyo dadka laga tirade badanyahay, suugantan oo ka soo qaybgalayaashii kulankan minid minid u bedelaysay dareenkooda, mar qiiro iyo murugo gelinaysa marna qosol iyo kuraastoo laga daatoo sababaysay.

 

Madasha ayaa waxa hadheeyey u doodista dadka laga tirada badan yahay ka dib markii uu abwaanka da’da yare e Cali Ibrahim (Dhanaaniye) tiriyey maanso uu aaraar badan oo mururgo iyo xanuunleh ka horaysiiyey isla markaana xaqiiqiyaadka jira kaga hadlay.

Waxa iyaduna shiday madasha ka dib markii hal abuur da’yar oo Yaxye la yidhaahdaa codsaday inuu kelmad ka yidhaahdo ee uu tiriyey gabay dadka aad uga qosliyey oo leh habdhaca gabayada ingiriisida ah iyo gabay kale oo isna leh habdhaca luuqada carabiga, waxaanu sheegay inuu rabo in laga gudbo habdhicii suugaanteena oo la casriyeeyo.

Waxa madasha hadalo dhiirigelin iyo hoga tusaalaynleh ka jeediyey Faadumo siciid, Axmed Awgeedi, Maxamed Cabdi Daud, lataliyaha madaxweynaha dadka la haybsooco Barkhad, Isuduwaha guud ee mareegta dhalinyarada SYG  Ahmed Abokor iyo gudoomiyaha dalada dhalinyarada ee SONYO Axmed Cabdi WACAYS

Gabagabadii kulankana  waxa soo gunaanaday Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi ) oo isagu si mug iyo miisaan leh uga hadlay dadka lahayb sooco iyo in loo baahan yahay haatan in dhibka laga daayo oo loola dhaqmo si bina-aadanimo isla markaaana waxa uu iftiimiyey inaanay jirin wax lagu haystaaisagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi Hadraawi   “ hadii laga tegi waayana waxa la yidhaahdaa  Bakhtibay cuneen waar yaa arkayay markay bakhtiga cunayeen oo ku cadaynaya, hadayse cuneenba makuwan hada jooga ayaa cunay waar ilaahay aynu ka yaabno”  hadraawi ayaa ka soo qaybgalayaashii waxa uu guudka ka saaray fariin ah in marka guryihii lagu noqdo la bedelo oo inteenani bilawno oo aynu qaadno fariintaas.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Xafiiska Golisnews Hargeysa

golisnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH