|
GOLISNEWS
Hadaad Magac doon tahay ku joog diinwaankaagi qosolkaJanuary 5, 2012 - Written by editorWaxaan salamay dhamaan saxaafada xorta ah iyo shacabka reer Somaliland. Waxa maanta igu kalifay inaan qalinka qaato waxa weeye arinta la yaabka leh ee ka dhex qaraxday qoladii UDUB ee taariikhdooda aynu ka wada dheregsanahay. Horta waxaa xusid mudan in dhawr talaabo oo uu ku talaabsaday madaxweyne Siilaanyo, ha ugu danbayso tii uu ku soo celiyey aabihii musuqmaasuqa Ali xoorxoor ay noqotay shimbir loo soo diray kooxdi jaqday dhiiga umada waa UDUB .
Talaadaas ayaa waxaad mooda inay u qaateen reer UDUB waar mindha idinka cidla ka boodaye sheekaduba waa maaweeladii caruurta. Ma doonayo inaan ku sii dheraado arinta , laakin waxa cusub ee qosolka ah waxa weeye markii ay nimanki wax iibin jiray ee daarihii iyo hantidii umada ka soo hoyday ay agtoodi ka waayeen wax ay iibiyaan ileen waa niman mamaye ay mar qudha ishoodi qabatay magacii xisbiga UDUB oo ay iclaamiyeen ‘waar cidii urur cusub doonaysaay , waxaanu kuu haynaa mid iska diyaar ah oo aan tacab badan kaaga baahnayn’ ee la soo xidhiidh cinwaanada iyo telefonada, laakin belo waxay ka dhacday marki nimanki wax iclaamiyey ay isku qabsadeen kooda xaqa u leh inuu iibiyo xisbiga.
Laba garab bay u kala jabeen , mid ka mid ah garabadii ayaa helay nin dhalinyaro oo xoogaana la ciiraya oo beryahaaba gidaarada isku soo nabayey, galaa bixid iyo dilaaliin suuqa lagu yaaciyo ka dib . Wiilkan oo soo saaray bug dadka ka qosliya mar marna uu idheh iyo xayeysiin awgeed ay ku kaliftay inuu share la galo TV ga horn cabel oo mid ay ilmaadeer yihiin oo isaga aan waxba dhaamin uu ka dhaadhiciyey wiilkii anigana qayb iga iibso tvga waa intasoo aad u baahataaye.
Inankan dhalinyarada wax u dheeraa xaysiintaas casuumadaha kala jaadka ee casaanka u badnaa sida fanaaniinta yaryar iyo xafladaha xiliyada danbe ee uu ka bilaabay cariga ingiriiska waayadii danbe. Wiilki laga iibiye xisbigii ugu da’da weynaa dalka hadalkiisi ugu horeeyey wuxuu ku bilaabay isagoo sababaynaya waxa ku kalifay inuu dariiqan qodxaha badan u baydho; waxaan doonaya magac “. Hadlkaasi ayaa wuxuu cadaynaya ama qiimaynaya ilaa xadka uu wiilkani gaadhsiisan yahay, mid baase jirta oo aan la dafiri karin wiilku wuu ku najaxay tacliinti bariiskiisina kula soo bax. Laakin mid baan loo sheegin oo ah hadii aad dariiq dheer usoo martay si aad uga midho dhaliso hamigaaga xaga tacliinta waxay ahayd inaad siyaasada oo weliba tan Somaliland oo ka sii xag jirta aad iyadan wakhti siiso oo, aanad is odhan shilimaad yar baa kaa xiga.
kula yaabi mayo oo waxaad kala mid tahay qaar badan oo imika saaxada yaacaya oo khalad ka fahmay helitaanki Riyaale ee jagadaas , kuwaana waxaan leenahay waar hooy xaalada Riyaale waxay ahayd bakhtiyaa nasiib boqolkii sano mar soo noqda , dibna u dhici mayso ee yaanay idin hodin. Adigana taladaa aan kuu soo jeedieyey waxaan kuugu darayaa saxiib hadaad magac doobayso meel wanaagsan baad ka haysay ee maad diiwaankaagi qosolka ku joogtid intaan qosol kale iman. Leave a Reply |
MAQAL/MUUQAAL
|
MAQAALLO XUL AH
|