GOLISNEWS

Jamaalow waxaad lumisay Fursad qaaliya qaarkale ayaadse weli haysataa.

JAMAAL CALI XUSEEN HAREERAHAAGA EEG

Waxay in badan oo aan ku jiro u ahayd farxad aad u weyn markii aanu maqalay in Jamal Cali Xuseen ku soo biirayo siyaasadda Somaliland. Baahida loo qabay in dhiig cusubi ku soo kordho siyaasadda dalka ayaa gole imaanshaha Jamal, oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah oo dalkiisa iyo dadkiisaba jeceli baahi tiraayey. Waxa markiiba bilaabmay abaabul aan si fiican u habaysanayn oo gudo iyo dibedba laga dareemay oo salka ku hayay in Jamal taageeradiisa loo guntado.

Damaciisii hore ee uu isku dayay inuu hogaanka xisbigii UDUB qabto ayaa yididiiliadii taageerayaashiisa kor u sii qaaday, iyadoo weliba taasi nqoqn lahayd fursad dahabiya oo lagu badbaadin lahaa dhaxalkii uu ka tegey halyeygii weynaa ee CIgaal. Nasiib darro may dhicin ee waa tii Jamaal ganafka lagu dhuftay xisbigii horteena ku burburay iyadoo taa musuuliyadeeda aan cidina la wadaagin madaxdii sare ee xisbiga.

U diga rogashadii dhinaca UCID ayaa ahayd istraatjiyo fiican oo rajo cusub gelisay intii niyad jabaku ku dhacay. Laakiin ayaan darrada ugu weyn ee dhacday waxa weeye Jamal oo sida ay doontaba ha ka noqotee isku xeeray koox hore loo soo tijaabiyey oo u badan kuwii Riyaale soo ururyey oo dadka badankiisu u arkayaan inay siddeed sanadood oo ay xilka hayeeni dalkan ka luntay. Jamaalow, waxa lagaaga fadhiyay inaad soo xulato dadkii u babac dhigi lahaa Dr. Sacad Cali Shire, Dr. Maxamed Cabdilahi, Ing. Xuseen Ducale, Dr. Xaglotoosiye, Dr. Cabdi Aw Dahir, Sama Sam, iyo kuwa kale oo la mid ah. Dadka aan imminka hareerahaag ku arakayno ee aan wajiyadoodu nagu cusbayni ilaa hadda waxaan aflagaado iyo qayla dhaan ahayn lagama hayo.

Waxay hadda u muuqataa,Jamaalow, inaad fursad lumisay, waxase jira weli fursado kale oo aad dadkaag iyo dalkaagaba wax ugu qaban karto. Waxan talo ahaan kuugu soo jeedin lahaa inaad xisbiyada soo baxa mid ku biirto dalkana aad joogto muddo dheer, siyaasaddana aanad ka bixin, mar walbana xasuusnaato in dalkaaga iyo dadkaagu u baahan yihiin aqoontaada.


Ali Dahir
Dahir_a@ymail.com

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH