GOLISNEWS

Koox Hubaysan ayaa Xalay fiidkii badhtamaha Magaaladda Laascaanood ku toogatay Nin Maqaaxi fadhiyay

Laascaanood(Waaheen) Marxuum la odhan jiray C/raxmaan Ismaaciil Saleebaan (Nuuno), kaasoo la sheegay inuu fadhiyay Maqaaxi.

Warkan oo aanu kasoo gaadhsiiyay wargayska Waaheen waxa uu sheegay inay Rag Hubaysan oo Madax Duubani Madaxa ka toogteen kana carareen Goobtii ay ku Dileen, isla markaana Meydkiisii loo qaaday dhinaca Cisbitaalka Laascaanood.

Marxuumka dhintay ayaan ilaa hada la aqoonsan waxa uu ka shaqaynayay ee ay u Dileen Kooxdaasi, hase yeeshee sida ay Waaheen u sheegeen Ilo wareedyo ku sugan Laascaanood waxa loo tirinayaa inuu ka tirsanaa Ciidanka Baadhista Danbiyadda ee CID-da Gobolka Sool.

Waxa magaaladda Laascaanood ka dhacay Dilal qorshaysnaa kuwaasoo Baadhistoodii iyo Dacwadahoodiiba socdaan, isla markaana ay qaarkood dhawaan ka bilaabmeen Maxkamadda Gobolka Hargeysa, kadib markii xaalad Amaan daro looga baqay in loogu qaado Maxkamaddaha Gobolkaasi.

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH