|
GOLISNEWS
MADAXWAYNAHA S/LAND AXMED SILANYO OO KA HADLAY SHIRKA LONDON IYO SHIRKII TALEEXJanuary 26, 2012 - Written by editorHargeisa(golisnews)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay markii u horaysay shirka dawlada Britain ku qabanayso badhtamaha bisha Febarwari ee fooda inagu soo haysa Magaalada London, waxaanu sheegay inay ku gudo-jiraan wada tashiyo ay kaga arrinsanayaan mowqifkii ay iska taagi lahaayeen shirkaasi. “Shirkan Ingiriisku ugu yeedhay inay Somaliland ka soo qeyb gasho marti-qaadkiisii masuuliyiinta Ingiriisku way na soo gaadh siiyeen shirkaa arrintiisa. Somaliland waa dal madax banaan inkasta oo aanu ictiraaf haysan, haddana waa dal madax-banaanidiisa haysta oo sababo taariikheed oo dheer ay keentay madax-banaanidiisa oo dadkuna ay ku tashadeen. Inkasta oo aanay ictiraaf haysan Somaliland haddana dunidu way la shaqeysaa iyana way la macaamishaa dunidda,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland. Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay inaanay xukuumad ahaan ay ka fogaanayso wixii wax u dhimaya madax banaanida Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Anagu wixii aanu u aragno inay waxyeelayaan madax-banaanida Somaliland dacan kuma jirno. Shirkan talladiisii iyo arrimihiisii ayaanu ku jirnaa oo waxaanu ka tashanaynaa wixii laga yeeli lahaa. Waxaanu la tashanaynaa qeybo badan oo bulshada ka tirsan oo ay axsaabta siyaasaddu ka mid tahay.” “Dagaalka ka dhacay Buuhoodle waa ayaan darro oo aad iyo aad ayaanu uga xun nahay dagaal aanu shacbi ku qaadnay ma aha, waxa jiray dagaal ciidamo hubaysan oo dadka khalkhal gelinayay ay ciidamaddu tallaabo ka qaadeen. Waanu ka xunahay haddii dad shacab ah dhibaato soo gaadhay ma rabno kumana tallo jirno inaanu dad shicib ah waxyeelo,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa u waramayay BBC-da. somaliland.org xafiiska warqabadka golisnews Leave a Reply |
MAQAL/MUUQAAL
|
MAQAALLO XUL AH
|