Hargeysa(Golisnews) – Marwo Yurub Abiib Cabdi oo ah Mujaahidad urur siyaasadeedka XAQSOOR uga sharaxan doorashadda galaha deegaanka ee caasimadda dalka ee Hargeysa ayaa Haweenka iyo dhalinyarada iyo bulsho waynta ku nool Hargeysa ka codsatay inay codkooda siiyaan, taas oo sheegtey inay waxbadan ku soo kordhinto dawladda hoose ee Hargeysa oo musuq-maasuq iyo maamul xumo ragaadisay. Musharaxad Yurub Abiib oo Numberkeeda Codayntu uu yahay 713 ayaa ah Haweenay door laxaadle ka soo qaadadatay Halgankii dib u xoraynta dalka, kana mid ahayd Haweenka faro-ku tiriska ah ee jabhadii SNM ka mid ahaa, taas oo 10-kii sano ee ugu danbeeyeyna si wayn uga dhexmuuqatay Xisbul Xaakimka Kulmiye oo ay door laxaadleh ku lahayd wakhtigii uu u tartamayey hogaaminta Somaliland. Marwo Yurub Abiib waxay sidaas ku sheegtey mar ay xalay Wargeyska Haatuf la soo xidhiidhay, taas oo sidoo kale ka warantey waxyaabaha ay ka qabandoonto arimaha bulshadda hadii ay ku soo baxdo doorashadda deegaanka ee 28-ka bishan November la filayo inay ka qabsoonto Somaliland, waxaanay sidoo kale Musharaxad Yurub Abiib Cabdi Dadwaynaha reer Hargeysa ka codsatay inay isku soo baxooda maanta ee Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ay taageerayaashiishu wareegii 4-aad iskugu soo baxayaan degmooyinka iyo gobolada dalka inay taageerayaasheeda iyo kuwa ururkeeda Xaqsoorba ay si nabadgalyo ah iskugu soo baxaan.