GOLISNEWS

Maxaa kula gudboon hadii aad tahay Muwaadin codeeayay Doorashadii Golaga Deegaanka ee Somaliland?,By A/Rashiid Awmuuse Aadan


HORDHAC. Waxaad mahad iskale Illaahay (SWC)kaas oo inaga dhigay bulsho degan deegaan kamid ah dhulkiisa, isla markaan ku manaystay islaamnimo iyo iimaan Alle ha inoo siyaadiyeeye .waxaankaloo mahad gaara leh cidkasta oo ka shaqaysay doorashadan oo ka qayb qaadatay uguna horeeyo komishanku (KDQ).
Dulucda dhambaalka. Hadaan si kooban usoo gudbiyo dulucda dhamabaalkan waa ka jawaabida su’aasha xaga sare taala.
1. In uu urur waliba helo xubno kooban oo matala dadka degan deegaanka Somaliland dhamaantiiba
2. In ay Somaliland muujiso hanaan dawli ah oo lagu doorto ashkhaas matala deegaamada
3. In la muujiyo is xor ah in ay u tartamaan dadka leh hamiga heerdeegaan
4. In la tuso indhaha caalmka dadka dalka reer Somaliland in ay yihiin xor , higsanayaana dalalka caalmka maalinba maalinta ka dambaysa
5. Muujinta hamiga dadka aan wali ka qaybgalin siyaasada Somaliland
6. Ugu dambayn inay ka soo baxaan sedexdii xisbul qaran ee tala dalka ku loolami lahaa .
Dhanka kale muwaadin sirta ku duugan doorashadan , bixnta codka aad bixasay iyo cidaa u codaysaba waxaa weeyaan waxaad ka heshay khibrad iyo waayo aragtinimo waxaanaad gudatay waajib distuuri ah oo uu leeyay qof muwaadina.
In aanay la ladhalan guushu cidgaara guuldarduna cid gaara la dhalan ee uu soo abaxayaao kii Ilaahay uu la doono, ha moodin muwaadin inay guuldaraysatay cidii aan soo bixin doorashada ahdii musharaxaad u codaysay hadhay, ee waxaad baagaysay oo gudatay waajibaadkaagii muwaadin nimo.
GUNAANADKA.
1.ogaw muwaadin in uu xidhiidh toos ahi ka dhexeeyo amniga iyo doorashada qofkastana u baahanayay amaan laantiina aanay cidi waxba qaban Karin
2.ogaw muwaadin in aanuu galaafan 1kaaga cod hal naf oo agteena qiimo kuleh oo aanuu u dhimin .
3. ogaw muwaadin in ay tahay wax illaahay loogu mahad celiyo daganaashaha iyo amingu kana qiimo badanatay inaad hesho kursi .
4.ogaw muwaadin in aad leedahay jaanisyo badan oo aad ku wajihi karto hadii aad jeceshay siyaasada dalkeena kuna beegsan karto inaad wax uqabato
5. ugu dambayn waxaan kula tala bixin u gudbinayaa dhamaanba murashixiinta soo baxda hadii Alle yidhii waxaan leeyahay muujiya muwaadinimo iyo daacad nimo ay karti aqooneed ku dheehantay gaadhisiiya dalkiina wadamada dunida
Is kaga dheeraad shayga qabyaalada layidhaahdo . .wa bilaahi Tawfiiq.

Abdirashiid Muuse Aadam

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH