GOLISNEWS

Mid Ka Mid Ahaa Dadkii Rabshadaha Hargeysa Ku Dhaawacmay Oo Geeriyooday “Wuxuu Ahaa Wiil 15 Jir Ah”

Hargeysa (Golisnews)– Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Waaberi Baashe Cabdi oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay Rabshadihii Hargeysa ayaa cisbitaalka guud ku geeriyooday.

Marxuum Cabdi Waaberi Baashe Cabdi oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo da’diisa ahayd 15 jir, ayaa u geeriyooday dhaawacii ka soo gaadhay rasaasta ciidamadda boolisku ku ridayeen dadwaynihii Mudaharaadka ka dhigayey degmadda Axmed dhagax ee Magaaladda Hargeysa.

Marxuumka oo lagu sameeyay qaliin culus ka dib markii rasaastu ay si xun u waxyeelaysay beerka iyo xiidmaha, ayaa goor dhawayd ku geeriyooday Cisbitaalka Hargeysa.

Alle ha u naxariistee Marxuumka geeriyooday ayaa tiradda dadkii rabshadaha ku dhintay ka dhigaysa saddex qof, waxaana hore rasaasta boolisku ugu dhintay laba qof oo dhalinyaro ahaa, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii ka gadooday natiijadda Komiishanku ka soo saaray doorashaddii degmooyinka Hargeysa.

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH