Hargeysa
(Golisnews)Militeriga Masar ayaa uga digay cawaaqib xun haddii dhinacyada siyaasadda ee is haya ee dalka ay ku guul dareystaan inay khilaafkooda ku xaliyaan wada hadal.
Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheegay in militeriga aanu oggolaan doonin in Masar lagu jiido wax uu ugu yeeray god madow.
Warar militeriga laga helay mar danbe, ayaa sheegay in tani micnaheedu ahayn inay soo faragelinayaan si ay awoodda ula wareegaan.
Banaanbaxyada ayaa weli ka sii socda magaalada Qaahira, kuwaasi oo Madaxweynaha Masar Morsi ugu baaqaya inuu ka laabto go’aanka uu awoodda badan isku siiyay iyo inuu joojiyo aftida loo qaadayo dastuurka qabyada ah ee la isku khilaafsan yahay.
Mucaaradka ayaa waxa ay qaaddacayaan wada hadal ka dhaca xarunta madaxtooyada, oo ay ka qeybgalayaan joggaamiyeyaal kooxaha siyaasadeed qaarkood iyo xubno magac ku leh bulshada.