GOLISNEWS

Musharaxa golaha deeganka Caasimada ee xisbiga UCID Xildh. Cabdiraxman Axmed Cali oo mar kale taageerayaashiisa ugu baaqay inay u soo baxaan maalinta Codaynta 28/11/2012

Hargeysa(Golisnews) Musharaxa aqoonyahanka ah ee Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ka sharaxan xisbiga cadaalada iyo Daryeelka ee UCID ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in maalinta codaynta ay si mug weyn ugu soo baxaan si ay u rumeeyaan himiladiisa inuu shacabka dan’yarta ah ee caasimada iyo dadka kale ee cashuur bixiyaayaasha ahba ugu adeego si cadaalad iyo musuqmaasuq la’aan ah isla markaana uu bulshadiisa gaadhsiiyo Horumar taama isagoo la kaashanaya 24ka xildhibaan eel ala soo doorto.

Musharax Cabdiraxmaan Wuxuu shacabka reer Hargeysa ugu baaqay inay codkooda siiyaan isagoo ka sharaxan guud ahaan degmooyinka Hargeysa isla markaana ay ku hubsadaan codkooda numberka codaynta ee (220) .
Waxa uu sidan sheegay maruu saaka la hadlay shabakada caalamiga ah ee Golisnews.

Suleymaan Cabdisitaar Dubad
Hargeysa Somaliland
info@golisnews.com

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH