GOLISNEWS

Qadoodi Waa Maanso uu tiriyey Qoraa , Hal Abuur Maxamed Baashe

Qadoodi
Habeen aan daawanayey wararka Tv-yada gaarka loo leeyahay ee tiradoodu beryahan ka dheeraynayso tayada ay illaa hadda inoo muujiyeen, ayaa waxa ay igu sii kordhinayeen ladhka walaac awel ba igu oognaa oo salka ku hayay laab-la-soo-kaca dareenka qabyaaladeed ee golayaasha Siyaasadda ee dalkeenna. Waxa Tv-yadaas, si xilkasnimo la’aan ah oo feejignaantii iyo mas’uuliyaddii warfidiyeennimo ka maqan tahay, la inoo soo horfadhiisiyaa, habeen waliba, dad kala duwan oo rag iyo haween ba ka kooban. Waxa ay kooxahaasi ku hadaaqaan, iyaga oo muusannaabaya, magacyo qabaa’il oo qabyaalad siyaasadaysan iyo dareen caaddifadaysan oo wada xajiin ahi ka soo bannafayaan!
Aniga oo xilkasnimo darridaas laba afleyda ah (Tv-yada iyo dadka ka hadlaya) naftayda kala sheekaysanaya, ayaa nin aannu wada shaqaynaa subaxnimadkii habeenkaas igu la soo kallahay tebinta war uu ka soo daawaday Channel 4 (TV caalami ah). Faysal Gawaafe waxa iiga warramay warkaas isaga oo ku bilaabay toyashadiisa “xalayto waxa aan Channel 4 ka daawaday war ku saabsan waddankii”. Isaga oo sii wada ayuu yidhi “ waxa na la tusay xeebta Berbera meel ka mid ah oo kalluun badda mawjaddeedu soo tuftay oo ku soo caaryey xeebta oo baddii ka tagtay. Dacawaa kalluunkaas ka haagaysa oo ka “fara qabsanaysa” oo dul taagan. Dawacadu way naaxday oo bul iyo dabo dheer oo xooggan ayay laallaadinaysaa, shacni iyo ladnaan badanna way ka muuqdaan”! Waxa uu Faysal dhinaca kale tilmaamay “in la tusay oo “kamaradda” lagu qabtay Islaan meel aan halkaas ka fogayn ku raacaysa ri’yo yar, oo guudka iyo jaaheeda ay ka muuqdaan, buu yidhi, macaluul iyo rafaad badani”!
Labadaas dhacdo ee “sillan iyo suganta ah” ayaa waxa ay igu abuureen cifasho iyo carasho maaneed oo xooggan. Xeebaha dhulkeenna ku kala baxsan ee gooddiyada sare illaa hoos u raaca iyo waxa khayraad dhex ceegaaga, xoolaha dhulweynaha ku dhaqan farahooda iyo kala caynaddooda, dhul beereedka carro-sanka ah inta dalag kala jaad ah ka beermi karta iyo waxa macdan iyo qaniimad kale Soomaali Alle ku galladay, iyo shinaca kale saboolnimada baahsan, rafaadka iyo gaajada is barkan, iyo colaadaha demi waayey, ayaa noqonaya isirro cuyuban ah oo is-burinaya.
Arrimahaas ayaa afarreydan kooban curashadeeda dhaliyey. Ma ihi gabyaa iyo halabuur gaasabaxay midkood na. Geeddigelinta iyo soohidda qoraalka tiraabeed uun baan qor ku lahaan jirey, maanta se tixayntiisaan iska dhex cabbir is leeyahay. Qadoodi waxa ay soo baxday 6/11/2012. Waxa ay tidhi:

Waxaan ahay qaran baddii leh
Qaniimadi ay ka buuxdo
Kalluun qoorriga mushaaaxo
Qadanka xoolaha ka maash ah
Ugaadhaan qalo aqooni
Qiyaas li’i ay ku nooshahay
Qodaalka beeraha ka hodan ah
Hadhuudh qamandiyo gallayda
Qudaartu iskeed baxayso
Macdantu qolqolkiisa jiifto
Haddana qatanoo sabool ah
Dadkiisu qadoodi seexdo.

Bal eeg Qummantii haweenka
Bal eeg qoloftiyo dahaadhka
Bal eeg qayirraanta jaaha
Wixii qurux Eebbe siiyey
Bal eeg qaxar iyo dhibaato
Bal eeg qoomaha ku yaalla
Bal eeg qulubkiyo wareerka
Qallaylka hadheeyey guudka
Ilmada qubatee dareertay
Qunbaca ay keli la ooydey
Quustay noloshii ka gaadhay
Qamuunyada foolka saaran
Qarracan ku gedaaman weeye!

Raggii badi waa qalfoof
Raq iyo qori wada indha leh
Qaldhebayoo wada engegey
Qasaare hagoogan iyo
Qas bay kala boobayaan
Badhkood qaranday noqdeen
In badan qaad baa halligey
Qabray ku dul meerayaan
Qabiil bay u heesayaan
Dhiskii qaran bay jareen
Xumaan bay qaayibeen
Qaydkii dadnimada la dhaaf
Kashii qumman bay legdaan
Qiyamta iyagaa bahdila
Qaloombigu waa iyaga
Intii qaylodhaan jirtiyo
Qabyada iyagaan gufayn
Qaxarka iyagaa sar-jara
Wixii la qorshayn lahaa
Quluub dhagaxowga jira
Quud bay kaga foogan yiin
Qorow kama toosaayaan
Qoomammo isma daynayaan
Haddana ma qatoobayaan.

Waxaa qayayaab dhacaaya
Ama se qalalaase taagan
Qoyn iyo alif koobi maayo’e
Balaan qormo kale tilmaamo;

Awoodaha qoomman eega
Dusheenna ku qaadhay eega
Qashinka iska qaadi waayey
Wax qabad laga awdey eega;

Hibooyinka quustay eega
Qalqaaliyo faallo-dayska
Maskaxda qulub jiifa eega
Qabriga ku sugayaa eega;

Hankeenna qallooca eega
Qadafka hunguroodey eega
Qorshaha ka hallowsan eega
Hiraalka qasmaaya eega
Qabiilku hagaayo eega;

Quruumaha jiitey eega
Sidaan u qammaadney eega
Qorfaan ku hadhnee bal eega
Qayllaylka abaarta eega
Nin qaab daran baa jiree
Qayrkii ka hadhaha bal eega;

Afkiisa qashuusha eega
Qaanfuurka ka muuqda eega
Ilkaha qubtay ee ka daatay
Wejiga qonbobee adkaaday
Indhaha qorratoobey eega.

Qabyaaladi waa nuxuus
Qaaxiyo cudur weeye baas
Ninkii quutaa ka darane
Maxay qiimaha dishaa
Qawlaysi u hiilisaa
Maxay qaynuun hishaa
Qubuur adag seexisaa
Qabbiran ku dabool tidhaa
Maxay qaran duudsidaa
Qiyaame ku oog tidhaa
Maxay qarqarsiga nin raga
Qayuur cidla’ jiifisaa.

Haddaan qayladu dalluumin
Qaboono haddaan la guurin
Haddaan qaran loo nuglaanin
Dhiskiisa haddaan la qaadan
Haddaan qabanqaabadeenna
Qorshiyo fulin loo samaynin
Haddaan qoqobkiyo dirsooca
Qabyaaladdu ay hagayso
Haddaan laga wada qatoobin
Haddaan qarad laysku raacin
Qasdigu meel wada ahaannin
Dan guud loo wada qabbaanin
Haddaan qarannimo adkaannin
Qabyadu weli waa halkii,

Haddaan qiil kale la keenin
Bulshadu waa qaawanteedi
Dalkuna qorfihiisi weeye
Sedkeennuna waa qadoodi!


Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH