|
GOLISNEWS
Qarannimada somaliland ayuu ka shakisanyahay, ninka dhexfadhiisanaya shirka ajandahiisu yahay dhexdhexaadinta federaalak soomaaliyaJanuary 21, 2012 - Written by editor
Waxaa isweydiin leh ujeeddada ay ka leeyihiin masuuliyiinta somaliland ee u hollanaya inay indho la’aan iskaga dhex fadhiistaan shir hore loo soo agaasimay, ku talagalkiisana hore loo sii qorsheeyay, dalalka ka qaybgalayana ay dhammaan ku talagal ugaara wataan, waxa laga wada hadlayaana yihiin wax hore looga baaraan dagay, la iskuna afgartay, intooda soo abaabushay, iyo inta lagu marti qaadaybana talagal iyo go’aan ay soo diyaarsadeen, madasha ka soo jeedinayaan, wax intaa ka baxsanna aan cid u diyaar ah in laga hadlo, iyo in wakhti lagu lumiyo aanay diyaar u ahayn. Haddaba iyada oo arrinka sidaasa cid war ku seeggan yahay aanay jirin, qofka sidii caammadii, iyo dad aan saadaalin karin waxa ka soo fulaya, u haysta ummadda ee sida dhagahadalka ah, ugu odhanaya meel kasta oo na khusaysa waanu tagaynaa, waa dad umuuqda inay leeyihiin dano ugaara, iyo afgarasho ay cido kale ka haystaan, oo aan marna rabin in ay dunida u muujiyaan in somaliland ubaahnayn, inay labaatan sano ugu celceliso, dunida inaanay ka mid ahayn soomaaliya, taas oo xataa dadka qaarkii siyaasiyiin sheeganayaa, ay ku doodayaan, in Ingiriiska oo somaliland warkeeda wax ku seeggani jirin, horeeto, iyo dambeysoba ay yidhaahdaan waxaan war ka siinaynaa xaaladda somaliland. Waa wax laga xishoodo in caawa la kala garan waayo, shirka ajandaha gaarka ah leh, ee aan marnaba qadarin iyo maamuus ugu jirin somaliland, markii shirka la baahinaayayna, ujeeddadiisa si ballaadhan looga faallooday, iyo waxa looga golleeyahay, ay dad jeclaystaan inay iska dhex fadhiistaan, oo matalaan inay shirka soomaali u wada dhantahay, taasina macnaynayso, xataa somaliland ka soo qaybgashay, iyada oo leh sumad ismaamul goboleed, maadaama shirka dadka qabanqaabinayaan sheegeen, inay waanwaan iyo nabad ka ridayaan dawladda soomaaliya, iyo maamulgoboleedyada ka hoos samaysmay, loona diyaarin lahaa isafgarasho dhisme dawladda fidaraalka ah, iyo heshiisiinta. w axaynu ognahay inay reer yurub iyo kuwa shirka lagu martiqaadayba aanay diyaar u ahayn, hindisahana ku haynin, in laga hadlo somaliland, iyo qaddarin ugaara oo la siiyo. Hase ahaatee ay ku baaqeen in somaliland loo baahan yahay in ay joogto shirka madashiisa, maadaama ay ka mid tahay dawladda soomaaliya, ee ay doonayaan inay wax la qabtaan. Waxaynu ognahay in maamulka ama madaxda somaliland lagu war geliyay shirku waxuu ku aaddan yahay, iyo waxa la rabo in wax lagaga qabto, ee danta dadkaasi ka leeyihiin. Runtuna waxay tahay, in caruurta ururrada argagixisadu ka duufsadaan dalalka reer galbeedka, ee ay ku dhaqan yihiin beelo asir ahaan ka soo jeeda dunida saddexaad, iyo sidii looga hortagi lahaa dhaawaca ay budhcad badeeddu u gaysanayso dhaqaalaha iyo danaha reer galbeedka, ninka shirkaas iska dhex fadhiista ee ka mid noqda maamulgoboleedyada soomaaliya samaysatayna uu yahay ruux aan wacyi badan haynin, ee habawsan, oo aan kala garanaynin waxyeello iyo waxtar midkuu ku soo kordhinayo somaliland.
Ummadda somaliland waxay ubaahan tahay in runta aan ninna looga duwin indhaha, laga tashado talo xumada ay dadka qaarkii jecelyihiin in laysku afduub
Eng. Youssuf Ahmed London U.K. Leave a Reply |
MAQAL/MUUQAAL
|
MAQAALLO XUL AH
|