|
GOLISNEWS
QOOFAL HAN-YARE qaybtii 2aadNovember 18, 2012 - Written by editorQOOFAL HAN-YARE qaybtii 2aad Waa sheekadii xiisaha badnayd ee ku saabsanayd Dameerkii isu soo sharaxay Golaha degaanka caasimadda Hargeysa oo markuu iska waayey Liiska murashixiinta qaylo kaga tolay. in aan la jaho, wareerin Dadweynaha, oo ay u feejignaadaan iyaguna kala, gartaan xumaha iyo samaha, oo aanay iskaga khaldamin kuwii shaley Dhiigooda xalaashaday, ee Dumarkooda dibadaha ugu soo saari jiray waraabaha. ee aan lahayn, damiirka, dhaqan, diin. iyo dadnimo, midnaba xeerin jirin,kuwaas oo ujeedadoodu ahayd inay xilal ku helaan, Waa Beelahan wada yaala. ee hadan kala yaalla, dadka uu qoofal leeyahay caddaalada illaahay ayey isla sugayaan Bismillahi deyleey dadku kuma bilaabee Anaa dorkaan baanoo qaatay barakadiise, maansadeydan duur xulla dadweynaha u wada simaan Kii ku diirsanaaniyo dood ninki ka qabi kara, Iyo kaan daneyneyn sadexdaba u wada furaan, Nin waliba dareenkii darka in uu la iman karo darmo weeye nabadeed, duleecdeda sheekada, aan idiin bayaanshee, Gol dalloolo badanoo, daahweyn la saro, in la daaro neceb tihiin ayaan maanta durayaa dadkaygoow dhagaha furo, Dammen wali ma dhaadana daanadii shalaytiyo Dabargooynta kii wadee dumarkeeda dibadiyo, daleedaha intuu wadho dibjirkiyo waraabaha, Daallin tuute loo xidhey soo dulunta odhan jireey . Iyagoo damiir xumi darajiyo xildoon u ah, Dariiqi rasuulkiyo diintina garab maray, dhaqankana warkii hayn, Daayiinka awood lahee Dufaan marku helay dulmigiina kala tagey. Iyagoo duleysanoo, daandaan asqooboo, Dayeero moodoo, dhar haween hilaabtoo. ,Duniddaba ka quustaa, Halki laga daldaalilahaa. Demman khalad ma deysee , Doc qabiil marki galee, Nabad aad u fidiseen, Dabadeed wasiirnimo. Abid anay ku riyoon qondo reer ku siise. Inay maanta doonan madaxweyne nimo, iyo taajka boqorku leyahay. Saw damiir la,aaniyo doqoniimo lagu jabay dariiqasu mu noqon. Dacwad kalena waxay tahay Dockastoo aad joogtan, Taariikhda duuga ah. hadaynaan daneyneyn, Deeqlaha inna uumiyo. diintaan idinku dharshee, inay maanta doodan, darooshoyin awgood. DaquudadII shalay. digiina daadshiyo, Iyo diricyadeeni dagaalka u badheedhe Hawdka u dareere darajiyo xilkeed nacay . iyago Garoomole, cimrigoodu dihin yahay. Duunyo badana dhaqan kara . Darmo wada xariiriyo, Dumar xuureral cayn u eeg, dadab loogu hoyn karo, Dulmi lama xambartee, dulligiyo dhag xumadii, u adkaysan waayee dabadeed ka dhiidhiyey. Nolosha is dulsaarka. darxumada ka doortee, dab rasaasa weheshadey. Ummadyahay ma dowbaa ? inay maanta doodan, ama deeq wadagaan Dadka kii aqoon liyoo. taariikhda duugi doorkan way yaqniin, tubta ay u marayaan, ama ay u doortaan, taajkaa ninkii geya, Abaal horena so galay. iin horena laga tirey, Malaha way ila durugtay aan soo dabbaalloon darkale is dul tagee, Damiirlay ma dhugaten dayleydu dheeg yidhi, Haday Dacar qadhadhiyo, deebaaqi kulul tahay Dab ha soo hungaacdee, maan dibada soo dhigo, Dulmigu ka digijirey, midkalloo ka sii daran Oon ciddi daneneyn yusuf shaacir In uu duray, uu runta daaray ma ogtihiin? Digtoorada dalkeene boqolaalka dhaafiyo. duqeyda, iyo culumidu, Dibnahaa karkoodiyo dul ka xaadsi mooye Aanay dibada soo dhigin, dacarta iyo miidii sheekadeydu daarrneyd. Dulmanaha la qudhsadee idinkoo dabuubtiyo, Diinta iyo dhaqankiyo , noloshoba wadaag uleh diirkana madow u ah . Dulmigey tirsanayaan, qar nniyuu isdabayaal, hadmaa daaha laga rogi? Mise Doontii weeyaan kuwii guddaha kaga jiray inta ay dalloosheen, Dusha sare Ragii jiree waar ka daaya odhan lahaa ku ildoogsadeen .Afka marada saarteen. Dabadeed gadoontee, duufaanku qaatee sidaa Dunidda kaga tagey. Daainow Allahayow danibi dhaaf Addaa lehe Haddii dunidda laga helo cudur aan dowo lahayn, ,dabiib kiisu adagayahay, Rabbow kaama daahnee degdeg adigu noo sii. Ummaddaadan fahamsii Aan soo dabbaalloon damacayga sheegtee. Duur joogta, noolee dibadaha wareegtee, Danaheeduun raacdee, aan danaynin aadmiga, Iyo Habar dugaagaa, u hammuuma dhiigiyo, hilbihiina Aadmow, yaa darejo dhaamo. Dallanbaabi baan ahay. dulmi weyn tirsanayee, tollow yaan la doodaa. Daainka I abuuree daabad lagu adeegtiyo. Dameerka iiga yeelaan, dacwadeydan gaadhsiin. Hana igula yaabina. hadaan damac la soo baxay, Doodaydii hore iyo wixii aan digniin culus guddiyadda u kala diray, Dacwadaydii shiilayd. waxay tahay bar kuma taal. Dadka aad u xulateen inay duubab qaataan degaanada ka taliyaan badi waan ogsoonahay innaan derojo dhaamee, Kursibaan u xaydnahay maayarbaan. dalbanayaa inaad hibaysaan. Dadkii an abalkiyo ogadeyda siyee abidkood I raran jirey, waa inay I doortaan, Abaal lama ilaawee hadduu kharashku iga go,o. yaan deyn laii xidhin. Waan dood naqsanayaa. dib u eega sheekadan. Imsaan damiirlay dibada iyo gudahaba. dushayda idin hurey. Imsaan damiirlay dhawiciina laba dhigey, oo dadka jilicsan an gurey. Dalanbaabi socodkii daduunkii caydheed dab dhashadi qaxoontiga, Maalintey darneydee dagta ubadkii sarnaa daleedaha lagaga tagey. Diidey in dayooban dabarkayga giijoon dusha aan usoo ritey. Imisaan damirlaay dumo kay haleeshiyo, daanno cudur ninki qabay , Da,ddu kay la daristee dirgan wayey socokiyo Daluun adag ninki galay aad dusheyda sarteen . Anna aan dul qatoon didey heryadeydi mar in ay degaanto Dareen xumi ka so baxo dabadeed I xamataan . Doorashaan u taagnahya codkiinaan dalbanayee. dafiraadu waa maxay Haddii damac siyaasi dubaakhayga soo galay Marti soor gobeed iyo maayar baan dalbanayee daadifeyntu waa maxay. Anigaa darjiidhoo Dameernimadii dhaafoo, Dabarkaygii lumiyee,waa in laii codeeyaa duqa laila doonaa waa abaal gudkaygee ,ma dib,baan u laabtaa, dooxyadaan jibaaxaa xayawaan udoontaa, Dabran sheekadayduye doodaasi waa maya. Dheeg. (Maxamuud Maxamed Yaasiin) waa xildhibaan ka tirsan Golaha guurtida Jsl waxaanu kaalin mugle ka qaatay silsiladii Deeleyda. isagoo ku saleeyey maansadiisa Diinta islaamka Gaar ahaan caddaalada ku iftiimiyey tuducyo kamida.Yuusuf Shaacir . waa Abwaan da,yar oo si adag uga Hadley qodobo dhawra oo aan hortii cidi ka hadal Gaar ahaan caddaalada oo diirada ku saaray Beelahan aynu isku dhaqanka Diint, Diirka Iyo Dunta nahay ee aan Abwaan qudhi ka hadal hortii. iyo dabadii toona. Damiirla garaad la ama garasho hoosaysa. Daanno. godob hore Dhugasho . waa marka qofku si wayn wax ugu fiirsanyo si uu u garto. Dallanbaabi waa socod naftu ku baday oo aanad awoodeen markaad xaalad caadiyiya ku jirtid Dhamaad la soco qaybaha uu ku falanqayn doono siyaasadda doorashada kadib Qalinkii Maxamed Ibraahim Cali (Afgaab) E-mail: maxamedafgaab@hotmail.com Leave a Reply |
MAQAL/MUUQAAL
|
MAQAALLO XUL AH
|