|
GOLISNEWS
Qurba-Joogta Beelaha Gabooye Oo Diraya Baaq-Taageero Ku Wajahan Goni Isutaaga Qaranimada JSomaliland Iney Tahey Muqadas.(ByAfhayeenka Qurba joogta beesha gabooye.”Barkhad Xaaji Cabdi”MrGaboye”- )January 25, 2012 - Written by editorQurba Joogta Beelaha Gabooye ee JSmaliland Masuuliyiinta iyo Madaxda iyo aqoonyahanada ,siyaasiyiinta ,cuqaasha ,iyo ururada dhaliinyarada ee qurba joogta beesha gabooye ee qaarada yurub/W/America iyo dalalka Carbeed ku kala nool oo shir jaraa,iid si wada jira ugu yeeshey khadadka telefoonada iyo shaashadaha layska arko maqal iyo muuqaalka shirkan Jaraa,iid oo ay ku muujinayaan shucuurtooda ku wajahaan sida ay uga go,antahey difaaca qaranimada jsomaliland waana waajib saaran qofkasta oo wadani dhab ah waxaanu dhigayaga qaaliga iyo maalkayagaba u hureynaa ilaalinta sharafta iyo karaamada qaranimada jsomaliand waxaanu markasta taageero la garab taagan yahay shacbiga iyo xumkuumadayada iyo sadexda xisbi qaran ee jecel qaranimada somaliland. Iyadoo beesha gabooyena ay u taagan tahay in ay garab gasho wixii ka shaqaynaya aayaha iyo mustaqablka shacabka somaliland ee ay ka midka yahiin. Waxaan leenahay shacabka somaliland waa shacab nabad ku koray iyo xasaloonida dalkeenu ku horo marey,wixii wax tabanaya waxanu ugu baaqeyna iney tix galiyaan baaqii madaxwaynaha JSomaliland”MUDANE AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIIRAANYO” uu u fidiyey gogol nabadeed in lagu wada hadlo laguna xaliyo wixi khilaafa taas in la qaatana waa ku talinaynaa colaadahana in la soo afjaro waa astaanta somaliland u gaarka ah. Sidoo kale waxaanu si wada jira u taageereyna banan baxyadii kala duwaana ee ka kala dhacey gobolada somaliland ee ay shacbi weynaha muwaadiniinta reer somaliland ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan Madaxbananida Gooni isku taaga qaranimada jsomaliand ee maaliin shaley oo ku beegneyd 22.01.2012 ka dhacey jsomaliland hadaba hadii aanu nahey muwaadiniinta qurba joogta beelaha gabooye waxaanu la garabtaaganahey taageero kal iyo laaba jsomaliland waxaanu dareenkayaga wadaninimo ee qaaliga halkan ku muujineyna inaanu kala mideysanahey shacbiweynaha reer somaliland ee jecel midnimada qaranimada jsomaliland iyo ilaalinta sharafta iyo karaamada dalkeena hooyo ,sida ay taas mid la mid ahna u sameeyeen walaalahayga beesha gabooye ee degan dalka gudahiisa oo ka qayb qaatey banaanbaxyadaas gobolada dalka ka dhacey kuna muujiyen dareen dhab ah oo ay la wadaagayeen walaalahooda kale ee shacbiga reer somaliland . Waxaanu baaqayagan taageero ku soo gabagabeyneyna madaxbanaanida qaranimada somaliland in ay tahay mid muqadis ah. wakhtigan xaadirka ahna somaliland u baahan tahay in la horumariyo lagana wada shaqeeyo aayaha iyo mustaqbalka shacabka somaliland.Hadafkayagu waa Jsomaliland dhib iyo dheefba waa la wadaageyna waana u dhimaneyna dhulkayaga hooyo ee jsomaliand difaaca qaranimada jsomaliland waa Muqadas…. Madaxda Iyo Masuuliyiinta iyo Xubnaha qurba joogta ee dirayey baaqan wax ka mid ah:- 1- Rashiid C/Laahi Gaas……… Gud.Qurbajoogta Beelaha Gabooye….Norway. 2- Maxamed Nuur Mooge…………….Masuulka Arimaha Debada….England 3-Jamac Diriye Cawaale………..Gudoomiyah Jaaliyah Gabooye ee Canada 4-Ambadhas-Cabdi Xassan Farax..Ambasadarka jsomaliand ee dalka Newzealand.. 5-Raxmaan Axmed C/Laahi Shube………… Aqoonyahan…………….
Leave a Reply |
MAQAL/MUUQAAL
|
MAQAALLO XUL AH
|
|