GOLISNEWS

Raysal wasaaraha Somaliya oo ugu baaqay Somaliland ka qaybgalka shirka London, sheegayna inay mashruuc biyoqabad ah u saxeexeen Somaliland

Muqdisho (Golisnews) Raysalwasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa sheegay in ay  raalli ka yihiin ka-soo-qaybgalka Somaliland ee shirka Soomaalida loogu qabanayo London.

Raysalwasaare Cabdiweli Gaas oo maanta ka hadlayay shir-jaraa’id oo ay si wadajir ah  ugu qabteen Muqdisho Wakiilka sare ee Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh, waxa uu sidoo kale ka hadlay Mashruuc biyo gelin ah oo uu sheegay inuu dhawaan u saxeexay Somaliland.

“In Shirka ay ka soo  qeybgalaan annagu raalli baannu ka nahay. Waxa laga hadlayaa  waa dan Soomaaliyeed, Soomaali weeye  iyaguna sida Puntland uga soo  qeybgalayso, Gal- mudug, Ahlusuna u  imaneyso sidaas ayaan iyana jecelnahay in  ay iyaguna u yimaadaan oo miiska  wadatashiga iyo wadahadalka ka soo  qeybgalaan mar walbana waan soo  dhaweyneynaa haddana waan soo  dhaweyneynaa…”ayuu yidhi Mudane Gaas.

Md. Gaas waxa uu sidoo kale ka hadlay mashruuc biyo gelin ah oo uu ugu deeqay Bangiga horumarinta Afrika, isaga oo tilmaamay in ay Somaliland xaq u leedahay in gacan laga siiyo horumarka.

“Waxa  loo saxeexay wuxuu ahaa mashruuc bangiga horumarinta Afrika ugu  deeqay Somaliland dan Soomaaliyeed weeye dad Soomaaliyeed weeye, waxa weeye in biyaha ay qabsadaan oo biyuhu si abaarta loo yareeyo markaa raalli baan ka nahay in wixii horumar ah ee Dawlad goboleedka Somaliland  oggolaano, dad Soomaaliyeed weeye waxay xaq u leeyihiin in ay helaan waa laga maarmaan…”ayuu sidoo kale yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda wax jawaab ka bixin hadallada ka soo yeedhay Raysal-wasaaraha dawladda KMG ee Soomaaliya, iyada oo aan sidoo kale si cad uga hadlin mawqifkeeda ku aaddan shirka maamullada Soomaaliya loogu qabanayo magaalada London bisha soo socota.

shabakada wararka Golisnews

Mugdisho

info@golisnews.com

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH