GOLISNEWS

Saylici oo wali shaqo Joojintii ku jira, Siilaanyo oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay iyo Ergooyin badan oo ku mashquulsan Heshiisiintooda

 

Hargeisa(GLN)Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil saylici ayaa la sheegay wali inuu shaqo joojintii uu khamiistii ku dhaqaaqay ku jiro oo aanu shaqadii dib ugu soo noqon ilaa hadana aanay jirin wax waan waan ah oo lagu so af-jaray tabashada uu tirsanayo ee kala soo deristay Xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Inkasta oo aya iskaga dab qaadeen Ergooyin kala duwan oo madaxda Xukuumadda iyo Golayaasha ahi hadana ma jirto talaabo cad oo la qaaday oo lagu qanciyay hase yeeshee warar aan cadayn ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo shalay oo Jimce ahayd Telefoon uu kala hadlay isla markaana uu ka codsaday in ay kulan isugu yimaadaan si wadahadal loogu dhameeyo mad-madowga soo kala dhex galay isaga iyo xukuumadda.

Khilaafkan soo kala dhex galay masuuliyiinta sare ee Xukuumadda ayaa tan iyo shalay abuurtay doodo kala duwan waxaana la sheegay xukuumadda inay gudaheeda ka abuurtay dareen isxulafaysi ah oo ay labada dhinac ee iska soo horjeedaa ku kala kasbanayaan taageerayaal iyadoo taageero weyn uu ku helay Saylici kadib markii ay u garaabeen tabashooyinka uu tirsanayo oo ay ugu weyn tahay Talada Xukuumadda ka soo baxda oo aanu waxba ka ogayn iyo taageerayaal uu shaqo geliyay oo shaqooyinkii laga Eryay.

Sida ay sheegeen Ilo xogogaal ahina waxa wali socda Ergooyin doonaya inay khilaafka soo af-jaraan maadaama duruufo Siyaasadeed iyo Dagaal oo isa saaran uu dalku ku jiro haddii aan xal loo helina ay sii fogaan doonto. Ergooyinkaasi ayaan ilaa hada gaadhin wax natiijo ah waxaana la sheegay C/raxmaan Saylici inuu ku adkaysanayo mawqifkiisa iyadoo la filayo maanta oo Sabti ahna inuu ku sii jiri doono shaqo Joojinta.

Sida ay wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka helnay Ergooyinkaasina sheegeen in loo saaray Guddiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiiro, Golayaasha Qaranka iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye  si ay isku dubaridaan wax ka qabashada khilaafka jira kaasoo ah mid soo taxnaa in muddo ah oo u baahan in si qoto dheer loo galo, waxaana la sheegay hawshaas in la gudo galay oo gacanta lagu qabtay isla markaana laga saaray Caadifadii uu ku bilowday.

Tabashada ugu balaadhan ee dadweynuhu shalay ka gaarabayeen ee laga soo xiganayo ilo wareedyada khilaafkan ka ag dhaw dhaw ayaa sheegaya inay tahay arrinta Dagaal ee uu dalku ku jiro waxaanay u arkayeen maadaama Madaxweyne ku-xigeenku dhalasho ahaan ka soo jeedo beelaha Galbeedka Somaliland inay haboonayd in isaga loo diro dagaalkaasi oo uu gadhwadeen u noqdo Ciidanka isla markaana ka hadalkeeda dhinaca Warbaahinta ay ku wanaagsanayd in uu isagu ka muuqdo maadaama ay ku gabanayaan Siyaasiyiinta iyo Kooxaha shirka waday ee ka soo horjeeda Somaliland in Beesha Isaaq ku soo duushay oo ay awood ku haysato dhulkooda.

Fikrada caynkan ah dadka qaba waxa ay u daliishanayaan in wakhtigii Rayaale talada hayay C/laahi Yuusuf-na Puntland iyo Somaliyaba ka talinayay ay wax weyn ka tartay dacaayadaha ay fidin jireen ee ay dadka ku kicin jireen marka ay arkaan in aanu Nidaamka Somaliland u abuurnay qaab beeleed ee uu yahay mid Dawladeed oo Doorasho ku yimi, waxaanay ku xoojinayeen fursada kaliya ee Madaxweyne ku-xigeen kastaa leeyahay ay tahay marxaladahan oo kale in culaaysku ku dhaco isaga maadaama Madaxweynuhu hawlihii kale ee Qaranka hayo isla markaana Miisaan loo yeelo nidaamka lagu maamulayo goobaha ay ka socdaan hawlgaladu.

Inkasta oo ay aragtidaasi aad u badnayd hadana aragtida kale ee taalay shalay goobaha lagu faaqido Siyaasaddu waxay walaac ka muujinayeen in arrintani ay ku soo beeganto xiligan waxaanay door bidayeen in hoos loo dhigo hadal haynteeda maadaama lagu jiro duruufo siyaasadeed oo khatar ku ah jiritaanka Somaliland haddii aan midnimo lagaga bixin. Balse hadana waxa ay mar walba doodaas wehelinyay inay lagama maarmaan tahay in tabashooyinka Saylici wax laga qabto maadaama uu ka cabanayo in shaqooyinkiisii iyo Haybadii masuuliyadeed ee uu hayay ay iskaga horyimaadeen Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo mansab ahaan ka hooseeya.

Si kasata ha ahaatee Xukuumadda uu ka mid yahay Madaxweyne ku-xigeen C/raxmaan Saylici waxa xiligan hortaala masuuliyad abalaadhan oo loo baahan yahay inay Nidaamka Maamul ee dalka iyo ka dhexdeeda yaalaba ku xalido dalkana ka saarto walaahawga Siyaasadeed ee ka dhashay faragalinta shisheeye ee wakhtigan kala fur furaysa isla markaana ku dirqiyaysa inay ka qayb galaan Shir ka soo horjeeda Go’aankii shacabka ee Gooni isu taaga.

waaheen

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH