GOLISNEWS

Shirgudoonka Golaha wakiilada oo cadeeyey inay soo afjareen khilaafkii Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa

Hargeysa (Golisnews) gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa sheegay inay soo afjareen khialaaf wiigii u danbeeyey hadheeyey Qasriga madaxtooyada ka dib markii uu mudo 5 maalmood ah shaqo joojin kujiray madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

gudoomiyaha ayaa sidan ka sheegay waraysi uu siiyey telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable Tv waxaanu yidhi isagoo arintan ka hadlaya  ”Markii aanu arrintaas galnay waxaanu waraysiyo la yeelanay dhinacyadii uu khilaafku u dhaxeeyey oo ahaa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Ku –xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, arrintuna waxa ay ahayd oo kaliya hawlaha qaranka”

Arrintaas dhex-dhexaadinta waxaanu ku galnay aniga oo ah Guddoomiyaha Wakiillada, Guddoomiye ku-xigeenka Wakiillada, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Nin kale oo  Masuul ah. Madaxweynaha iyo ku-xigeenkaba waanu u mahadnaqaynaa, markaanu wareysanay waxaanu isla garanay in wixii jira la soo afjaro, hawlaha qaranku ay socdaan. Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkuba hawshaas way naga aqbaleen, shalay ayuu Madaxweyne ku-xigeenkuna shaqadii si caadi ah u bilaabay, waxaanu ku kalsoonahay in hawshaasi ay soo afjarantay, haddii baahi kale timaadana diyaar baanu u nahay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

 

waxaana uu gudoomiye cirro sheegay inay tahay waajibaad qaran in lawada shaqeeyaa.

 

 

 

 

Golisnews Desk

Hargeysa Somaliland

info@golisnews.com

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH