|
GOLISNEWS
Somalia Oo Mar Kale Noqotey Dalka Dunida Ugu Musuq-maasuqa BadanDecember 6, 2012 - Written by editor Muqdisho, (Golisnews Dalka Somalia oo isagu aan weli lahayn dawladd dhexe oo xoog badan oo wax ka qabata Musuqmaasuqa ayaa mar kale waxa uu hogaaminayaa oo uu kaalinta koowaad kaga jiraa musuq-maasuqa, kaas oo Somalia sanadihii u danbeeyey ay ahayd wadanka aduunka ugu musuqmaasuqa badan, isla markaana ku shaabadaysan dalka dunida ugu musuqmaasuqa badan, ayuu sanadkana taagan yahay halkii uu hore u taagnaa. Warbixinta hay’adaasi ayaa lagu sheegay in dalalka kacdoonku ka dhaceen ee Carabta weli la daalaa-dhacayaan musuq-maasqu iyo daahfurnaan la’aan, guud ahaan qaarada Africa ayaa iyaduna weli la tacaaleysa musuq-maasuqa, waxaana sabab u ah isla xisaabtan la’aan, hay’ado badan ayaa jira oo aan lala xisaabtamin sidoo kale siyaasiyiin aan cidna la xisaabtamin ayaa iyaguna weli jira, dalalka Africa ee sanadkan xaaladoodu soo hagaagayso waxa ka mid ah dalka Botswana. Baadhitaanka hay’adda Transparency International ayaa diirada ku saarta, Musuqmaasuqa, fasaadka, laaluushka, qaraabo-kiilka, eexda iyo waxyaabo kale kuwaas oo Soomaaliya sanadkan ay ka gashey kaalinta 1aad. Dalalka ugu wanaagsan dunida ee daahfurnaantoodu tahay heer wanaagsan waa New Zealand, Denmark iyo Finland oo kaalinta kowaad ka hoggaaminaaya dhinaca kale ee musuq-maasuq la’aanta Leave a Reply |
MAQAL/MUUQAAL
|
MAQAALLO XUL AH
|