|
GOLISNEWS
SONSAF oo ka Qaybgashay Shir Caalami ah oo lagaga Hadlayey Qalalaasaha iyo NuglaanshahaDecember 9, 2012 - Written by editor
Shirkan oo ay isugu yimaadeen ergooyin aad u badan oo kala matalayey qaaradaha Yurub, Latin America, Maraykanka, Afrika iyo Eeshiya, isla markaana ay hoggaaminaysay Ku-xigeenka Xoghayaha, horumarinta Iskaashiga iyo Siyaasadda dawladda Finland Anne Sipilianen, sidoo kalena ay ka qaybgaleen madaxda dawladda Liberia oo ay u horreysay Madaxweynaha dalkaasi Mss. Ellen Johnson Sirleaf oo ay wehelinayeen wasiirkeeda Maaliyadda iyo Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta. Shirka oo socday laba maalmood (29 – 30 November) waxa laga jeediyey khudbado iyo warbixinno lagu soo bandhigay waxyaabaha lagu guulaystay in laga gaadhay qorshaha hiigsiga horumarka caalamka ee loogu yeedho (Millennium Development Goals), iyadoo adduunyadu ku sii dhawaanayo dhammaadka waqtiga loo asteeyey qorshaha hiigsiga horumarka ee 2015-ka, waxa hoggaamiyayaasha caalamka iyo muwaadiniintu meel kasta oo ay joogaan ku hawlanyihiin wadahadallo waxtar leh iyo falcelin ku saabsan waxa laga gaadhay horumarka iyo waxay noqon karaan qorshayaasha lagu guulaysan karo waqtiga hiigsiga. Guddi sare oo ka kooban 26 xubnood oo uu magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay July 2012, oo ay wada hoggaamin doonaan Madaxweynayaasha Lebiria iyo Indonesia – Ellen Johnson Sirleaf iyo Susilo Bambang Yudhoyono iyo Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Mr. Devid Cameron, ayaa diyaarin doona aragtida fog iyo qaabaynta qorshaha horumarinta ee kadib 2015, kaas oo ka qaybqaadan doona in lagaga jawaabo loollanada adduunka ka jira qarnigan 21-aad, iyagoo warbixin qorsheed si fiican u diyaarsan oo ka turjumaysa horumarinta rabitaanka bulshada u gudbin doona Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay bisha May 2013-ka. Shirka waxa dalalka Afrika loo oggolaaday inay ka hadlaan waddamada Ghana iyo Somaliland oo keliya, iyadoo Dallada SONSAF oo metelaysay Somaliland uu uga qaybgalay Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo ka mid ah guddiga sare ee ururka, ayna u suurogashay inuu madasha ergadu isugu timi ka jeediyo khudbad kooban oo ku saabsan taariikhda Somaliland iyo horumarka ay gaadhay muddada 21-ka sanno ah ee ay jirtay. Mr. Mustafe waxa uu ka warramay hannaanka dimuqraadiyadda iyo maamul-wanaagu siday uga hannaqaadeen Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo si ballaadhan u soo qaatay doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay oo uu tusaale u soo qaatay tii u dambaysay ee dawladaha hoose ee 28-kii bishii November qabsoontay oo ku beegnayd maalin uu kadib furitaankii shirkaasi. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland leedahay hannaan ay kaga hortagto qalalaase kasta oo carqalad ku ah jiritaanka iyo nabadgelyada oo ay ugu horreeyaan golaha odayaasha Guurtida Somaliland. Leave a Reply |
MAQAL/MUUQAAL
|
MAQAALLO XUL AH
|