Hargeysa(Golisnews)Taageerayaasha musharax maxamed warsame caalin (timacade) ayaa shalay sidii looga bartay waxay wacdaro layaableh oo abid hore loo arag ku soo bandhigeen dhamaan darafyada magaalada hargeisa iyadoo baabuurta ay ku dhajisanyihiin lambarka iyo sawirrada musharraxu lagu arkayay dhamaanba xaafadaha magaalada sida koodbuur . gacan libaax .maxamuud heybe .june .amed dhagax iyo guud ahaanba caasimadda hargeisa .
Ololaha shalay ayaa ahaa mid uu kala qeyb galay musharaxoodu isagoo subaxnimadii socod lug aha kala soo bilaabay taageerayaashiisa xaafadda new hargeisa ilaaa suuqa weyn ee shiraaqle .

Musharax maxamed warsame caalin (timacade) ayaa sidoo kale waxaa shalay kormeer guud ku soo wada maray gelinkii danbe guud ahaanba xafiisyada iyo aqallada ololaha ee uu ku leeyahay caasimadda taasoo kala qeyb galay taageerayaashiisa si farxad leh . isagoo isla markaaana ugu khudbadeenayay goob kastoo in ay guulaysandoonaan inshaallaah isla markaaana ku adkenayay si hagar la’aan ah
