TACSI MADAXWEYNE
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Culimada Dalka, Ehelkii,
Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland,
oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid
Guddoomiyihii Guddida Wanaag farista iyo Xumaan-ka reebida
MARXUUM XAAJI CABDILAAHI IBRAAHIN (XAAJI DOOL)
geeriyooday Magaalada Hargeysa 18/01/2012.
MARXUUMKU waxa uu ka mid ahaa Culimada waa weyn ee
Dalka, bulshada dhexdeedana xurmo iyo tixgelin badan ku lahaa.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka
inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Culimada, Qoyskii, Eheladii,
Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee
uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI
TACSI MADAXWEYNE
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
waxa uu tacsi u dirayaa MARXUUM, ENG. CISMAAN DAAHIR CAABBI oo
ka mid ahaa Rukumadii wasaaradda warfaafinta, oo shalay ku geeriyooday
dalka Jabuuti.
Madaxweyne, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
illaahay uga baryayaa, inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo MARXUUM
CISMAAN DAAHIR CAABBI, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, Bahda
Saxaafada, wasaaradda warfaafinta ee uu mudada dheer ka midka ahaa
Farsamayaqaanadii Hormoodka u ahaa Idaacada Radio Hargeysa, iyo
Guud ahaan shacbiga reer somaliland ee uu ka geeriyoodayna samir iyo
iimaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI
RAAJICUUN
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
RAAJICUUN