GOLISNEWS

Ururka Wadani Hormoodka Ururda Somaliland

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.

Ururka Wadani wuxuu aaminsanyahay in xukun cadaalad ku dhisan oo umadu ku gaadhi karto horumar dheeli tiran oo dhan walba ahi uu yahay ku dhaqanka wadaniyaada Somaliland, Sidaa dartee wuxuu xisbigu u hawgalayaa in la dhiso Bulsho caafimaad qabta, oo si dhab ah ugu dhaqanta wadaniyyada kana foogato qabilnamada.

Ururka Wadani hormoodka ururda dalka waxuuna aaminsan yahay jiritaanka Qaranimada Soomaliland oo aan gor-gortan gali Karin.

Ururka Wadani waxu adkeyni doona xasiilonida iyo nabad -galiyada lona hawl-galo sidii loo heli lahaa bulshadda Somaliland oo kamidaysan mabaadida as-aasiga ah ,waxuna
umadda ku dhaqi doona sinaan iyo cadaalad lona ilaaliyn doona xuquuqda dadka laga tirada badanyahay .

Ururka Wadani waxuna ilaaleyn doona xorriyadda iyo xuquuqda asaasiga ah ee muwaadin walba oo reer Somaliland ah, waxuna arka In la kobciyo dhaqaalaha lana ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah, si loogaga faa’iidaysto si loo siman yahay oo shuruucda dalka waafaqsan .

Ururka Wadani waxuu rumaaysan yahay in la siiyo mudnaanta koowaad daryeelka caruurta, waayeelka, iyo kuwa saboolka waxuuna la dagaalami doona jahliga .

Ururka Wadani waxuu aaminsan yahay In la tirtiro raadadkii foosha xumaa ee laga dhaxlow Diktaatoornimada sida Eexda, musuq-maasuqa , laguna xukun cidhib wanaagsan yeesha oo ku dhisan wada-tashi, cadaalad iyo wadaninimo.

Ururka Wadani waxuu arkaa In nabad lagula dhaqmo dalalka jaarka iyo aduun weynahaba iyo in lagu dhaqmo oo la dhowro heshiisyadda caalamiga ah ee ku salaysan xuquuqda bani’aadamka , waa in dalna dal kale ku xadgudbin ama fara-gelin qaranimadiisa iyo in la ixtiraamo rabitanka shacbiga .

By Mukhtar Cilmi

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH