GOLISNEWS

Ururka Wadani Iyo Doorka Dumarka

Markii ay dalka ka dhaceen Dagaalo iyo dhibaatooyinka kuwaasi oo si toosa saamayn ugu yeeshay hab nololeedka bulshada, taas oo dhaxalsiisay ummaddeenna in Dumar badani noloshoodii hore ka tagaan, iyagoo bilaabay inay door muhiima ka qaataan habka dhaqaalaha dalka oo ay Haweenku intay dhexda iska xidheen noqdeen soo saaraha quutal-dardadkeennu waxay kala ahaayeen reer Miyi, reer magaal iyo Beeralay, nolosha dadku haysteenna mid waliba waxay ahayd mid deggan oo ay ku qanacsan yihiin, balse arrintu waxay is-beddeshay guuriga in badan oo ka mid ah qoysaska Somaliland, gaar ahaan inta loo yaqaan muruqmaalka waxay u badan yihiin Dumar.

Ururka Wadani waxuu aaminsan yahay in Heweenka iibiya Jaadka, Khudradda, Caanaha, Dhuxusha, iyo kuwa Dukaannada yaryar haysta, taasi waxay muujinaysaa in Dumarku noqdeen qaar daboola baahiyaha qoysaskooda, waxaana xusid mudan warbixinno kala duwan oo laga soo xigtay hay’adaha Qaramada Midoobay inay tibaaxeen wax soo saarka Haweenku inuu u dhigmo 70%-Kiiba dakhliga ka soo xerooda dalka gudahiisa.

Ururka Wadani waxuu aaminsan yahay in Dumarku yihiin aasaaska dhaqaalaha dalka, waxa habboon in ay qayb ku yeeshaan hab-socodka siyaasadda dalka, maaddaama oo ay siyaasadda iyo dhaqaaluhu yihiin laba shay oo is-xambaarsan.

Ururka Wadani wuxu aaminsan yahay in ardayadii ugu saraysay jaamacadaha Somaliland waxay ahayd gabadh, ardyadii dugsiyada sare ee Somalialnd ugu saraysayna waxay ahayd gabadh, waana wax aan la iska indho tiri karin qaybta laxaadka leh ee ay dumarku ku leeyihiin bulshadeena, ta kale waxaa hubaal ah 20 kii sanno ee u dambeeyey ay aqoonta dumarku sare u kacday, ha ahaato kuwa dalka gudihiisa wax ku bartay iyo kuwa qurbaha wax ku bartayba.

Ururka Wadani waxuu aaminsan yahay in Dumarku helaan saami dawladayed oo cadalaad leh.

By Mukhtar Cilmi

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH