GOLISNEWS

Ururka xaqsoor inuu soo baxayo oo sadexda xisbi ka mid noqonayo anaaban Hoodo ahaan cid waydiinayn ucidna in Faisal Ali Waraabe duminayo oo kala firdhinayo Anaaban Hoodo ahaan cid waydiinayn.

Ururka xaqsoor inuu soo baxayo oo sadexda xisbi ka mid noqonayo anaaban Hoodo ahaan cid waydiinayn ucidna in Faisal Ali Waraabe duminayo oo kala firdhinayo Anaaban Hoodo ahaan cid waydiinayn.

Faisal Ali Waraabe waxaa uu dhankayga kaga biiray siyaasiyiinta ugu qabyaalada badan reer SOMALILAND.
Faisal cali waa siyaasi tartamaa jago madaxwayne ahaa mudo 11sanadood ah,waxaa uu galay inta aan goob jooga ka ahaa 4 doorasho laba mid gole deegaan ,mid baarlamaan iyo laba madax wayne oo uu intaba isagu ugu tartamayay jagada madaxweynenimo iyadoo uu ku guul daraystay labada jeerba inuu hantiyo talada dalka J/Somaliland.
Faisal waxaa uu geed dheer iyo deeg gaabanba u fuulay sidii uu talada dalka J/Sland u gacanta ugu dhigi lahaa amabase uu madaxwaynaa dalka J/Sland u noqon lahaa,doorashadii ugu danbaysay ee SOMALILAND ka dhacda waxaa uu niyada gashaday inuu maanta ku guulaysanaayo talada dalka, waxaa ay ula muuqatay inuu meelo badan cod ka raadiyo,wejiyada uu codka ku doonaayay waxa ka mid ahaa inuu isagu qur’aanka kariimka ah ku ololaynayay kaas oo maalinta uu ololaa u leeyahay daari jiray halka ay labada xisbi ee la tartamayay ‘’KULMIYE iyo UDUB’’’ ay heeso iyo daasado jaan dhegaa nagu dilaaciyeen sikastaba ha ahaatee Faisal Ali waxaa ay ula muuqatay inuu qolayahaa wadaada ah inuu codkaga helayo.Hasa ahaatee oo codii doontaaba cod ahsiisee Faisal waa uu ku guul daraystay inuu qabsado ama hantiyo jagada madaxwaynimo taas uuu ku guulaystay xibigii ugu tunka iyo taageerada waynaa SOMALILAND ee KULMIYE hogaamiyena uu ka ahaa Ahmed Mahamed Mahamu’d Siilaanyo ahna maanta madaxwaynaa dalka J/Sland
Faisal ma daalin ee waa uu sii watay kartidiisii iyo dedaalkii uu mar sadexaad isugu soo taagi lahaa jagada madaxweynenimo modo ka dib doorashadii SOMALILAND ee faisal Ali lagaga guulaystay waxaa kala jab ku dhacay xisbigii ucid ee uu hogaamiyaa ka ahaa yadoo Faisal Ali lagu yidhi waxaad la mid tahay lacagtii gaynbaarta ahayd ee Ahmed Siilaanyo ka bedelay BURCO sidaas oo kale ayaa laguu bedelay oo xibigiina maanta laga bilaabo waxaad ka tahay xubin ka mida ee sidaa ula soco!!!!!! Faisal Ali Waraabe waxaa ay ku noqotay yaab yaab dhaafay iyo afkala qaad, Faisal waxaa uu ku dooday oo meel fagaare ah ka yidhi ‘’’Maanta waxaa inagu soo duulay dad aan hargaysa(Harga gaysay) u dhalan oo soo galooti ah xisbigeeniina inagu qabsaday hadii wax kastaaba dhacaan ka yeeli mayno nin yaroo soo galooti ah oo inuu inaga xisbigeenii aynu ku soo tacabnay yidhaahda gudoomiye ayaan ka ahay dee waynaan ka yeelayn walaalayaal insha Allaahu tacaalaa waynu ku dhimanaynaa xisbigeena’’’’ Soo galootiga aan hargaysa u dhalan waa Alle ha u naxariistee ina waqaf oo markaa gididii go’aankaas gaadhay u magacaabeen gudoomiyaa xisbiga ucid Ucid ‘’’
Faisal waxaa uu cabasho wadaba waxaa uu u gudbistay cabashadiisii maxakamada sare ee J/Sland maxakamaduna mabay isdhibeni xaqiisii oo faras cad saran ayay farta ka saartay kuna tidhi hogaamiyaa xisbigan adigaa Faisaloow ah nimankii kalena ku tidhi waad xad gudubteen ee xisbiga suga shirwaynihiisa hana de-degina weligiin,si kastaba wax ha u dhacaane nimankii kale oo qaar ka midi aakhiro jiraan Alle naxariistii jano ha ka waraabiyee Aamiiiiiiiiiiiin, kuma ay qancin xukunkaas ama kala xukunkaas iyaga iyo Faisal Ali u dhaxaysay ee aayar ayayba urur ku dhawaaqeen una bixsheen ‘’WADANI’’ maantana ka mida ururada ugu tunka wayn ururada jira una dhow iinuu noqonayo xibiga labaad ee ka mid ah sadexda xisbi ee la rabo inay soo baxaan, Faisal Ali Waraabe dhankiisa waa ku qancay go’aankaas ay maxakamada sare ee J/Sland soo saartay waana ku farxay sidaas uuna ku sii ahaaday gudoomiyaa xisbiga ucid ,,,,Faisal Ali Waraabe waxaa uu marwalba ku doodaa inuu yahay ruux qabyaalada ka fog xisbigiisuna uu yahay mid aan qabyaalad iyo reer ku dhisnayn ee ay ka xaaraan tahay gobolaysi iyo reeraysi labaduba ,hadana faysal meel walba oo uu doono waxaa uu kaga dhawaaqa isagoo miyirkiisa iyo maankiisaba qaba waa nalagu soo duulay oo hargaysaa nalagu haysaytaa reero aan haryasa u dhalan ayaa raba inay ucid wax ka noqdaan.
Faisal Ali Waraabe markii ay mudo aan sanad gaadhin uu hayay xilka Ahmed Siilaanyo ayaa waxaa Faisal Ali Afkiisa ka yidhi isagoo waraysi la yeesheen warbaahinta SOMALILAND qaar ka mida hadalo ay ka mid ahaayeen ‘’’’SOMALILAND shacaboow waad ku hungowdeenoo riyadiinii waa ay rumoobi wayday wax danboo Somaliland la yidhaahdo oo aad maqlaysaana ma jirto iyo qaar la mida!!!!!!!!!!!
Faisal Ali Waraabe hadladaa ka soo yeedhay waxaa ay shaki gelisay dad badan oo war moog ah quluubtoodana ay gilgishay ilaa ay u dhawaatay in mashaqo dhacdo waloow inta dadka reer SOMALILAND wax indha indhaysa ama xog ogaalka ahi ay aad uga xanaaqeen hadaladaas Faisal ka soo yeedhay una arkeen hadal la iska yidhi oo ah hadal meel waayay.
Waxaa ku sadex ah o ku afar ah oo ku shan ah oo kaba badan kan uu maanta ku ololaynayo ee leeyahay
‘’’’’ waad Ogtihiinoo Maanta Dad Aan Hargeysa u dhalan ayaa ka Sharaxan, dhul bobaa ka taagan Caasimadda, Innagu miyeynu Burco ka Sharaxanahay? Dee maxay inoogu soo doorteen Ardaageena Yar, Magaaladan Hargeysa Dadbay Khaas u ahayd, Caasimad bay noqotay, Markay Caasimad noqotay waxa aanu nidhi waar Caasimad ha laga dhigo oo Xeerka Caasimada ha loo sameeyo oo gobol-ka Maroodi-Jeex ha laga dhigo, waa laga footeeyey oo waxa la yidhi ma jirto, oo waxa la yidhi waa Degmo oo waxa ay la mid tahay Laascaanood Iyo Boorama, waa hagaag (Ok) oo ma sidaas ayaad yeesheen, haddaba waxa iska sharaxaya dadkii reer Hargeysa, mayee waan idinla leenahay bay yidhaahdeen, imika waxa jira sideed qof oo Burco galbeed ah oo Hargeysa ka sharaxan, waxaad ogaataan hadii Xaqsoor iyo UCID aad siin waydaan markaad daantan tihiin xabadii food ah ee idinka tagta ururadaa kale ee ka soo jeeda Burco Galbeed ha dhowto Magaalada Hargeysa ayey Idinkaga Murmi doonaan, waxay Odhan doonaan Annagaa Idinkaga badan, hadday ku dhacday Qoladan reer Salaxlay oo, waxay soo saareen markaan Sharaxay Baarlamaankii Laba Nin oo reer Burco Galbeed ah Ayaan soo saaray, waxaabay leeyihiin Annagaaba idinkaga badan Magaaladii Hargeysa, Walaahii haddii Aad Cod Siisaan Ururada Ka Soo Jeeda Burco Galbeed Caasimaddii ayey Idinkaga Murmayaan iyaga oo Caasimaddii u diiday inay Gobol ka dhigaan, markaa waxaan leeyahay Xaqsoor iyo UCID u Qaybiya haddii aynu Daantan Nahay Insha Allaahu Tacaalaa Walaalayaal”
!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Faisal Ali hadaladaasi waa hadalo laga xishoodo oo aanan weli ku maqal tartamayaasha Faisal la tartamaya iyo kuwii hore ula soo tartamay toona waana wax laga xishoodo,hada ku darsadoo Faisal marwalba waxaa uu ku dooda ama ka dhawaajiyaa inaanu xisbigiisu reernimo iyo wax la mida toona ku dhisnayn mara waakaas waxaa ku hadlaya ee shaarac ama fagaare ilyartu isqabatay kaga dhawaaqaya!!! Hadaba waxaa su’aali ka taagantahay markee ayuu Faisal Ali Waraabe run sheegayaa ama saxanyahay????
Dhanka kale bal markuu leeyahay codkiina xasoor iyo ucid u qaybiya hadiiba aan sidiisa u raacno ururada nimanka hargaysa u dhashay hogaamiyaan waa siduu hadalka u dhigaye ma labadaas oo qudhaa???? Maya weeye jawaabtu lknse waxaa uu cadaystay in qabyaaladiisa cadi aanay ahayn oo qudha gobolaysi ee ay ku dhex jirto daamaysi cad.
Sikastaba ha ahaatee oo hadalka faisal ha u dhacee maaha wax dhegahayga iyo dhegaa shacabka reer Somaliland ku cusub ee waa wax faisal looga bartay oo mar walba looga fadhiyo waayo dee ruuxa waxii aad ku baratay uun baad ka sugtaa markaa inaad la yaabtaa kugu badnaan mayso, ucidna waxaaban u arkaa iminka inuu faisal afkiisa ku burburinayo oo kala firdhinayo, Ururka xaqsoor ee uu ku lug duubayaana inuu soo baxayo oo sadexda xisbi ka mid noqonayo anaaban Hoodo ahaan cid waydiinayn ucidna in Faisal Ali Waraabe duminayo oo kala firdhinayo Anaaban Hoodo ahaan cid waydiinayn.

Marwalba afkayga iyo qalinkayga waa ka xaaraan inaan ruux xajiimeeyaa ama canbaareeyaa waxaanan ku aragna ka sheegaa amaba aan reernimo ku saleeyo dhaliishiisa
Waa billaahi tawfiiq.


Qalinkii Hoodo Abdullaahi

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH