|
GOLISNEWS
WADA HADALBA HAADKAAS AYAA KA HADHAY, NINKA CODKA UMMADDA SOMALILAND ISKU MAAWEELIYA MALAHA WAAD DHAYALSAN KARTA, WAXAAD KA DAMBARSATO, NINNA HAYSKA SIIN.January 26, 2012 - Written by editorWaxaad mooddaa siyaasiyiintu ama nimanka ama qolada xilxambaartayaasha, ee isbida inay ummadda ka caqli badan yihiin, aanay arrintu sidaa ay moodayaan aanay ahayn ee ummaddu bal wax uun u tudhanayso, oo qofwalba sugayo malaha waabay ka soo rayn doonaane, ha loo seeto dheereeyo, oo qofkastaaba jeclaystaa bal inay iyaga naftoodu maruun soo dabarto, oo sida qumman ku soo dabbaasho. Waxaase goor walba dhacda inaanay u arag in loo seeto dheereeyay, hase ahaatee ay moodaan inaan farta godan cidi ku garan. Waxaa goor walba ummaddu isku qancisaa malaha way ka noqotay ee sidaa ugu may dhiirradeen waxan ay ku tallaabsanayaan aroor walba, waxaa se jabkuba ka joogaa markay meelaha qaar gaadhaan, ee ay gabi iska soo lulaan. Maalintaas oo aan wax ay kaga baxsanayaan aanay in jirirn, iyaga oo waxay rabeen, ee ummaddu kala meermeeraysay wajiga laga saaro. Saa iyagaaba xishood iyo leexashadu la noqotay aqoon darro ummadda haysa eh. Waxay runtu iman doontaa maalinta ay nimanka siyaasadda ummaddu gacanta u galisay, bal hadda iyaga oo og ummaddani waxay usoo martay, ay isku dayaan inay hindise kale oo aan looba fadhiyin la yimaaddaan, ee ummadda ukeenaan war aan ogahay inay eedi doonaan inta wejigoodu saan leeyahay, oon marna usuura galaynin, inay dalal shisheeye dantiisa uga mildhaawaan inay ku beegsadaan inay jarka ay arkayaan iska xooraan, oo shirka maanta wax ummadda kaga dadani aanu jirin. Waxaan ogahay inaan ninna hawl yaraan somaliland dambe u joogi doonin, ummaddana qori dable kula dhex meeri doonin, ninka u ololaynaya in maamullada gobollada soomaaliya mid ka mid ah noqdo, kuna qanco in gunno yar lasoo siiyo, ama si shakhsi ah ay kamiroon iyo nimanka dantooda iyo dhaqaalahooda ka tashanayaa, ay ku ammaanaan inuu somaliland oo labaatan sano la soo loodin waayay, uu si fudud ku dhex keeni karo soomaaliyana ay han yaraan u tahay, inuu isku qanciyo inuu wax kasbanayo. Waxaase jab ka joogaa maalinta shirkaas la tago, ee laga soo noqdo, ee hargaysa la isugu yimaaddo. Bal maalintaa waxaynu isu sheegaynno ayaa warkeeda la rabaa ninka ay la fududdahay masiirka ay ummadda reer somaliland ku itaalaysay, iyo ninka malaha ragannimo kolayba kor usii dhaafay, ee aqoon gaabnimadiisa isku maaweelinaya malaha ummadda waad dala’san kartaa, iyo malaha ummaddu waxbaba garan mayso, saa waxaynu aragnaa fikirrada kaa suuragali kara, ee aad mararka qaar isku qancinayso. Guurtidana waxaaan odhan lahaa, malaha idinka laftiina ayaaba siyaasiyiin isu rogay eh, inta aan ummaddu idinka laftiina milgadii laydiin hayay, aanay ummaddu ka caagin. Waxaa la yaab leh golaha xildhibaannada, oo kolba inta uu jecelyahay ku dhaqaaqda, waxaa idin sugaya ummaddii xilka idiin dhiibatay, oo kolayba filaysa inaad afkooda ku hadli doontaan, maadaama ay idin wakiisheen, oo aanay marinkooda ahayn inay idin barbar cararaan, waxaase bannaanka iman doonta in laydinka tallaabsado, oo ummaddu iyadu taladeeda iyo afkeedaba ay ku dhaqaaqdo siday waajibkeeda iyo sharafteeda u ilaashan lahayd mar haddii ay idinku adkaatay, ama haydinkaba noqoto garasho gaabni, ama dhayalsi , ama sidaad idinku doontaanba ku macneeya oo. Waxaa la soo gaadhay goor aan runta lakala qarsanayn, oo haddii xurmo la waayo, badbaadada qarankan somaliland ay noqonayso lama dhaafaanka, gunta iyo gabagabaduna noqonaysaa in aan ninka ummadda dhaawacaaya marna aan looga dulqaadan doonin intaa in ka badan. Ninkastoo xilhaya hadduu xadka dhaafo, waxaad ogaataa inay isa soo oodayso beentu, uurkutaalladuna ay isaga la wehelnoqon doonto.
Eng. Youssuf Ahmed Leave a Reply |
MAQAL/MUUQAAL
|
MAQAALLO XUL AH
|