GOLISNEWS

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo si adag golayaasha baarlamaanka ugu dhaliilay qaar garashada shaqadooda ka doorbiday hoos jooga xukuumada.

Hargeysa(Golisnews) 24/11/2012 Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka mida aqoonyahanada da’da yar ee kujira golaha wakiilada Somaliland ayaa golayaasha Baarlamaanka Somaliland waxa uu ku dhaliilay inaanay haba yaraatee u shaqaynin sida caadiga ah ee ay shaqadoodu tahay iyo sida ay baarlamaanada aduunku u shaqeeyaan, waxaanu sheegay inay ku dhexmilmeen xukuumadii ay ahayd inay ku ilaaliyaan xayndaabka gudashada xilkeeda.

Wuxuu xildhibaanku sidan ka sheegay mar uu shalay hadal ka jeediyey kulan hawleed Huteel Maansoor lagu qabtay oo ku saabsanaa sidii golayaasha sharcidejintu dib ugu bilaabi lahayd in kooto haweenka loogu xidho doorashooyinka soo socda ee wakiilada iyo guurtida oo ay Dalada NAGAAD soo qabanqaabisay.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) waxa uu sheegay inay haweenku xaq u leeyihiin in kooto la siiyo isla markaana aanay jirin sharci qudha oo ka horimanaya isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “haweenku xaqbay u leeyihiin in kooto la siiyo sababtu waxa weeye ma soo baxayaan hadii ay sikasta isu sharaxaan, kootada macneheedu maaha inaanay tartami Karin ee aduunyada kaleba way ka jirtaa, oo ilaa 30eeyo dal oo Afrikaan ah ayaa leh xeerka kootada, dallalka galbeedkana kuraasi baa loo qabtaa dadka laga tirade badan yahay oo aanay kula tartamin dadka kale si looga faaiidaysto caqligooda aqoontooda iyo deegaankay ka yimaadeen oo loo baahan yahay fikirkiisa”
Xildhibaan Obama oo ka hadlayay dastuurka iyo sidii qodobkan loogu dari lahaa waxa uu yidhi “golayaaashayada baarlamaanku umaba haystaan inay dastuurka bedeli karaan in qodobka kootada loogu daraana waa muhiim haweenka iyo dadka laga tirade badan yahay, golayaashu waxay ku furi karaan dastuurka 2/3 oo ilaa 56 xildhibaan ah, maaha aayad quraana oo aan la taaban Karin xukuumadii timaadaana waxay jeceshahay inay systemkii hore ku shaqayso”
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi isagoo ka hadlaya sababta xeerkii hore dib loogu dhigay ayaa yidhi “ golahayagan waxay madaxtooyadu wadataa durduruu ku dhaafaa xeerkan madaxtooyada soo gudbisay iyo waa la celiyey farbaa ku godan”
Hadalkan xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya waqti golaha wakiiladu ay celiyeen xeerkii kootada haweenka iyo dadka laga tirade badan yahay.

Hargeysa Golisnews
info@golisnews.com

Leave a Reply

MAQAL/MUUQAAL
MAQAALLO XUL AH