Horraantii sideetameeyadii, markii uu bilaabmay halgankii xaq u dirirka ahaa ee
Ururka Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaliyeed (SNM), ayaa waxay xukuumaddii
Afweyne Siyaad Barre bilowday olole laxaad leh sidii looga hortigi lahaa
dhaqdhaqaaqaa hubeysan. Waxa la aasaasay Xisbi la magic baxay “SOMALIA
FIRST”. Siyaasiyiintii hormoodka ka ahaa Xisbigaasi waxa ka mid ahaa Maxamed
Warsame Kimiko, Cali Wardhiigley. Cabdirizaaq Xaaji Xuseen, Cali Khaliif Galaydh,
Md. Axmed Maxamed Maxamuud, oo haddda ah madaxweynaha Somaliland,
Maxamed Siciid Samater, Xuseen Cabdilqaadir Qaasim, iyo nin lagu magacaabi jirey
Abu Ra’as.
Mabaadii’dii gun dhiga u ahayd Xisbiga “Somalia First, ayaa waxa ka mid ahaa:-
1. Soo afjaridda halgankii hubeysnaa ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga
Soomaaliyeed, si looga hortago dhiiga daadanaya;
2. Wax ka bedel distoorkii xukuumaddii talada heysey iyadoo lagu kordhinayo
distoorka qodob qeexaya abuurista jago Ra’iisul Wasaaare joogto gaar ugu
ah beeshii halganka la dhabarta u ahayd;
3. In dowladdii Siyad Barre madaxweynaha ka ahaa xukunka lala wadaago.
4. Iyo qodobo kale.
Waxa hore loo yidhi, “Sacabka maxaa habeenkii loo tumaa haddaan xeelad
kale jirin.” Waxan uga socdaa, dhowr iyo soddon sannadood ka dib ayaa
xisbigii “Somalia First” baalashi galaydhka mar keli ah la kala baxay, oo isaga
oo laafyoonaya oo dhoolatus aan hore looga baran intuu hadba baad ruxay
ayuu tuulada Taleex qunyar u soo cago dhitay. Haddan dugsiga iyo dayaxu isku
toosnayn, miyaanay ahayn hordhac dareeno iyo shaki horeba loo qabay oo hadda
qumaati u soo ifbaxay? Waxa hubaal ah in xukuumadda Somaliland ka war haysey
ogolaatayna gelbiska ciidanka Itoobia koosda dibed wareega ah u keenta Taleex.
Su’aal aynu is weydiino: Waa maxay duruufaha arrintan iyo tan kale e barbar
socota fududeeyey? Sida aan anigu qabo waa dhow arrimood oo isku hoos jira sida
socota:
Ta u horeysa ayaa ah malawaal iyo maaweelo aan mel mar ahayn oo salka
ku heysa rajadii laga qabay dib u yagleelidda xukuumad wadaag ahoo ay ku
bahoobaan goboladii ay ka koobnaan jirtey Soomaaliyadi haligantay Bishii January,
1991 oo la filayoo in xal kama dambeysa ah laga gaadhayo. Qorshahani ma
aha mid cusub oo waxa si dadban uga hawl gala Ergeyga Qaramada Midoobay
u qaabilsan Soomaaliya Danjire Augustine Mahega. Waxaynu ka war heynaa in
Danjire Mahega la kulmo kooxo qurba joog kasoo jeeda Awdal, Sanaag Bari iyo
Sool kuwaas oo weydiistay in ay ka mid noqdaan maamul goboleeyada Soomaaliya
loo yagleelayo. Waa halka ay “Awdal State” iyo “SSC” ay ka duulayaan.
Waxa kale oo arrintan sii xoojisey Xukuumadda Boqortooyada Ingriiska oo Bishi
November 24th 2011 ka dhawaajisay in ay dalkeeda ku qabandoonto Shir dib-u-
heshiineed oo dhexmaridoona kooxaha siyaasadda Soomaaliya ku hirdamaya.
Hadalhaynta shirkaa ayaa wax barbar socda warar sheegaya in awood ciidan loo
adeegsandoono sidii nabad waarta, kala dambeyn, iyo ku dhaqan sharciyadeed
loogu soo dabaali laaha dalka Soomaaliya ee dowlad la’aanta iyo colaaduhu
ragaadiyeen. Arrintaa ayaa sansaanteedu u muuqataa in saldhigeedu noqdo
maamulo ku dhisan hab beeleed, magac ahaanse loogu yeedhidoono maamul
goboleedo. Halamashka noocan ah ayaa kow ka ah tan uu Xisbigii ‘Somalia First’
mar labaad luxudka la soo kaco, waxase hurran in uu halkuu ku duugnaa dib ugu
laabandoono.
Waxan jecelahay in aan xasuusiyo kooxda Cali Khaliif in badhtamihii
sidetameeyadii Shirkan oo kale lagu qabtay magaalada Laas Canood. Dib u
milicisada ereyadii Allah ha u nariistee Kornayl Koossafaare iyo Axmed Saleebaan
Dafle, oo shirka qabqable ka ahaa, ay goobta isku weydersadeen iyo sida ay
hadalkii Koossafaare taariikhdu uga marag kacday. Midbaa Cali Khaliif iyo inta
uu horkacayo la guddboon: Ujeedadooda toos ha ugu dhawaaqaan iyaga oo
leh: “ Tolkayoo waxan idiin haya dowlad marna madaxweyne ka ra’iisul wasaare;
Somaliland waxba inooma yaalaan; Soomaaliweyn an wax la qeybsano..” Shalay
godkay Soomaaliweyn ku dhacday raggii hormoodka ka ahaa ayaa manta
raadgoobaya waxay ka dhigantahay wax la waayey geeloow ninkii waalanba duda.
Sahanka kooxda Cali Khaliif Galadh horboodayo odoroskoodu wuxu
isugu biyo shubandoona hal bacaad lagu lisay, sababtoo ah hore waxa u
hirgeliwaayey “Operation Restore Hope” ama Hawlgalkii Dib-u-soonoolaynta
Rajada. Mashruucaasi oo adduun badani ku baxay sidii uu ku dhammaaday
taariikhda ayaa ka markhaati kacaysa. Waxa kale oo iyana la ogsoonyahay halka ay
ku dambeeyeen dagaaladii lagu qaaday dalalka Ciraaq iyo Afqaanistaan. Haddiiba
ay hirgasho in gebi ahaan dalkii Soomaaliya la isku odhan jirey in cudud milateri loo
adeegsado, waxa la isweydiin sharciyadda qeexaysa in dal nabdoon oo xukuumad
la doortay ka jirto oo kow iyo labaatan sannadood shaqeynayey in la minjixaabiyo
iyadoo midnimo Soomaaliyeed mudnaanta koowaad la siinayo? Qorshahani muxuu
gayeysiindoona mustaqbalka dhow iyo kan dheerba guud ahan Mandiqadda Geeska
Afrika ee ay ka jiraan xukuumado aan markooda horeba aan ku taagnayn dhidibo
adag, marka laga eego xag maamul, dhaqaale, iyo siyaasad intaba?
Ta labaad shirkani wuxu la xidhiidhaa sunnihii Garadag ee xisbiga Kulmiye
jaranjarta kursiga u soo maray oo hadda jawaab kama bixin karo arrimaha taleex
ka socda, oo koleyba qabanqaabinta shirkan iyo imaatinka kooxda Cali khaliif
xukuumaddu wey ka war qabtaa. Xukuumaddii UDUB xisbiga Kulmiye wuxu
ummadda ka dhaadhicin jirey in ay ka koobantahay NSS, Faqash, Hangash, iyo
dhabarjebin. Wax kastaba ha lagu sifeeyey waxa jirey sirdoon awood badan u lahaa
suggidda nabadgelyada dalka; waxaynu ogayn in duhur dharaareed argagixisadii
ONLF xeebta Awdal iyagoo hubeysan ka soo degeen bishii Oktoobar 2010; shalay
oo bishu ahayd 2nd January 2012 gaadhi xamuul ah oo hub nooc kasta lihi ku
raranyahay oo ah abaalkii dowladda wadaad Shariifka Muqdushu ayaa muwaadiniin
degen Laas Geel ka war heleen oo ciidanka amaanku gacanta ku dhigeen. Halkay
hurdeen sirdoonkii qaranku inta gaadhigaasi magaalooyinka dalka soo dhex
mushaaxayey? Hubkan cidda lagu dilayey sow dadka reer Somaliland ma ah?
Dhacdadan iyo shirka Taleex maxaa ka dhaxeeya? Jawaabta xukuumadda talada
dalka haysa ayaa laga sugayaa.